Saturday, November 8, 2014

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Safiirka Turkiga u Qaabilsan Somalia

Hargeysa:Nov,08,2014(Himilo)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Turkiga u fadhiya Magaalada Muqdisho Olgar Bekar.

sossKulankan oo ka dhacay aqalka dalka looga arrimiyo, ayaa markii uu dhamaaday waxa saxaafadda la Hadlay Wasiirka arrimaha Dibadda somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxana sharraxaad Ka Bixiyey Waxyaabihii madaxweynaha iyo Safiirku ka Wada Hadleen.

Wasiir Biixi ayaa tilmaamay in muhiimadda wada Hadalku ahaa sidii loo dardargelin lahaa Wada hadallada Somalia iyo somaliland oo maalmahan dambe gaabis soo kala dhexgalay.

“Waxaanu kala hadalay inaanu Safaaraddayadii ka furano Turkiga,arintaas oo aanu Ra’isal wasaaraha haddana ah Madaxweynaha Turkiga kula soo heshiinay.waxaanu isku Ogayn in labada dalba Xafiisyo furitaan,markaa koodii waanu u furnay laakiin kaayagii wali lagama furin turkiga waanuse Magacawnay.Madaxweynaha hadda ee markaasna ahaa Ra’isal wasaaruhu waxaanu ku heshiinay in Somaliland iyo Somalia si siman wax loo siiyo.waanu ku faraxsanay waxa la siiyay Xamar laakiin,waxaanu doonaynaa in si siman wax naloo wada siiyo.Somaliland iyo Turkigu aad buu u qoto dheer yahay Xidhiidhkoodu oo cilaaqaad fiican oo aanay Africa la lahayn ayaa ka dhexeeya” ayuu yidhi Wasiirku.

Masuulkan oo wata Wafti ballaadhan oo dalkiisa ka socda, ayaa waxa la filayaa inuu dhawaan dib ugu laabto dalkiisa, waxana uu kulamo kale la qaadan doonaa xubno kale oo xukuumadda Kamid ah.

HALKAN KA DHEGAYSO

[audio wma="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/11/Codka-W.-Arrimaha-dibeda-iyo-Safiirka-Turkiga1.wma"][/audio]

DAAWO SAWIRADA

DSC_0100 DSC_0095 DSC_0091 DSC_0082 DSC_0081 DSC_0044 DSC_0042 DSC_0033 DSC_0030 DSC_0022 DSC_0018 DSC_0015

Himilo Media

No comments:

Post a Comment