Tuesday, November 11, 2014

Madaxweyne ku-xigeenka oo faahfaahiyey Natiijada u soo baxday Guddi loo saaray Tabashooyinka Reer Awdal iyo Ujeeddada Shir beelaha gobolkaasi qabsanayaan

“Umadda Somaliland dhegaysan mayso ninkii xataa aqalkii uu ku noolaa iyo xafiiskii uu fadhiyey aan odhan karo wuu urayey ama xafiis wasiir ama madaxweyne u qalma aan ahayn inuu maanta hadlaa ma qurux badna,” – Cabdiraxmaan Saylici

Hargeysa, 11 Nov, 2014 (Himilo)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo shalay ka qayb-galay munaasibad xadhigga lagaga jarayey mashaariic laga hirgeliyey wasaaradda Duulista iyo Hawada, ayaa ka hadlay natiijada ka soo baxday qiimaynta Guddi Wasiirro madaxweynuhu u saaray tabashooyin madax-dhaqameedka Awdal ka tirsadeen Xukuumadda, waxaanu sheegay in guddiga madaxweynaha ku soo celiyeen garawnshiinyo uga soo baxday ay tabashooyinkaas.
sayMd Cabdiraxmaan Saylici waxa kale oo uu ka hadlay ujeeddada shirweyne ay qabsanayaan beelaha gobollada Awdal iyo Selal, isaga oo dhinaca kale jawaabo ka bixiyey dhaliilo Siyaasiyiinta mucaaradka ahi u jeediyaan hoggaaminta xukuumadda uu ka midka yahay.
Madaxweyne ku-xigeenka oo ugu horeyn la hadlayey siyaasiin mucaarad ah oo ka tirsanaan jiray xukuumaddii xisbiga UDUB iyo dhaliilo ay xukuumaddiisa u jeediyaan, waxa uu yidhi, “Mucaaradadda waa mid la oggol yahay oo waxaynu u samaysannay inaynu isku dhisno oo isku toosinno dhaliisha, qofka shaqada haya waxa ka leexda ama ka qaldama in lagu toosiyo weeyaan mucaaraddadu. Waxaan leeyahay, qoladii hore u soo martay waxay maanta ku hadlaan meesha uma yaallo, annagu haddii ay taayadii noqoto maanta oo aanu meesha ka tagno, waxaanu ku faanaynaa, taariikhdaa na qoraysa oo waxaanu meesha ugu nimidnay iyo halkaynu maanta joogno, dee taariikhdaa na qoraysa. Laakiin walaalahayagii naga horeeyey wax Alla wax taariikh ah oo ay ka tageen ma jirto oon ka ahayn dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka ay qabteen.”
“Umadda Somaliland dhegaysan mayso ninkii xataa aqalkii uu ku noolaa iyo xafiiskii uu fadhiyey aan odhan karo wuu urayey ama xafiis wasiir ama madaxweyne u qalma aan ahayn inuu maanta hadlaa ma qurux badna,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.
Madaxweyne ku-xigeenka oo la weydiiyey wax ka soo baxay guddi madaxweyne Siilaanyo u saaray tabashooyin madax-dhaqameedka Awdal iyo Shir beelaha gobolkaasi qabsanayaan, waxa uu ku jawaabay, “Cabashadu waa laba nooc, mid wax lagu xumaynayo ama shakhsiyaad ha noqdaan ama gobollo innaga mida ha noqdaane, waa mid qofku ujeeddo iyo xumayn uu qarankan Somaliland ku xumaynayo, midina waa mid wax la taaban karo oo jira ah. Tabashada waa kii madaxweynuhu guddi qiimayn soo samaysa u saaray, way u soo celiyeen oo waxay guddigii soo caddeeyeen inay tabashadaasi garownshiiyo leedahay, wixii gobola looga qaban karo waa looga qabanaya,” ayuu yidhi Cabidraxmaan Saylici.
Isaga oo ka hadlayey Shirweyne ay dhawaan shaaciyeen beelaha gobolka Awdal, waxa uu yidhi, “Shirkaasi wuxuu ka mid ah yahay shirarkaas reeraha, maaha shir qaranimada Somaliland iyo dalka dhib u keenaya, waa shir reer kaga tashanayo danaha horumarinta iyo ta gobolka.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment