
“xukuumaddu Guud ahaan wax badan bay qabatay, Haddii aanu ku celcelinana ma aha faan oo umadda Ballamo ayaanu la Galnay, inaanu marba dadka xasuusino wixii aanu u ballan qaadnay iyo waxa aanu qabanay waa waajib na saaran.Faan iyo Hudhu-dhuu iyo Hadal-tiro wax qabad laguma muujiyo waana wakhti siyaasadeed, imikana waxa ay maraysaa in la isdafiro.”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.
Wasiirku waxa uu tilmaamay inaanay dhib ku ahayn mucaaradada iyo Guhaadda kaga socota Kooxaha Kasoo horjeedda Siyaasadda Madaxweynaha Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa, waxana uu xusay inuu dul uu ku qaado leeyahay, waxana uu yidhi,
“qariibsan mayno in ragga qaarkii iyo dad dantood maraatayaal ah, afmiihsaariin iyo dad damac siyaasi ah lihi inay waxayaga madoobeeyaan, waxase aanu leenayay waar cadceedda sacab laguma qarin karo, wixii aanu dhisnay ee wasaaradahaas Nool nool ee aan ilaa ingiriis dhimin la dhisin lama qarin karno.”
Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu ku Adkaystay inay Kalsooni ku qabaan shacabka dalka, isagoo sheegay inay qirayaan waxqabadkooda, isla-markaana aanay kala bakhayli doonin inay maragga waxqabadka u furaan, waxana uu si kulul u weeraray Mucaaridka Naqdiya waxqabadkiisa shaqo, waxana uu yidhi,
“waar wixii ajaanibka iyo Beesha caalamku nagala bakayli weyday Bulshada somaliland ee aanu u shaqaynayno Habeen iyo Maalin nagala Bakayli mayso, waxana aanu leenahay Kuwa Buka ee Indhaha Daafku kaga dhacay ama Danaha Gaarka leh, Bulshada aanu u shaqynaynaa waa Bulsho Abaalka Tagaanna.”
Himilo Media
No comments:
Post a Comment