Hargeysa, 03 Dec, 2014 (Himilo)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa shaaca ka qaaday inay iyaga iyo Wasaaradda Maaliyaddu gacanta ku hayaan qalab casri ah oo ah qalab lagu tirin doono Daqiiqadaha ku hadalka Taleefannada ay Shirkadaha Isgaadhsiinta dalku iibiyaan si cashuurta ku waajibka ah looga qaado, in kasta oo uu sheegay inay bixiyaan cashuuraha, balse cashuuro kale oo waajib ku ahaa baaqi ku noqdaan.
Faysal Cali Sheekh waxa uu si dadban Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo uga hor-caddeeyey qorshe ay ku hawlan yihiin oo Isaga iyo Wasaaradda Maaliyaddu ku sugayaan xaddiga Cashuureed ku waajibtay isticmaalka adeegyada isgaadhsiineed ee shirkadaha.Agaasimaha guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo shalay hadal dheer ka jeediyey Xaflad Madaxweynuhu xadhigga kaga jaray dhisme laba Dabaq ah oo Wasaaraddaas loo dhisay, waxa uu ka sheekeeyey heerka ay Wasaaradaha Isgaadhsiintu Dhaqaale ahaan kaga jiraan dalalka caalamka iyo heerka ay ta Somaliland taagan tahay, isagoo xusay inay Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland ka hor-koreen Wasaaradda oo aanay is-gaadhin karin, kuna noqdeen Xiddigaha oo kale, balse ay jecel yihiin Masuuliyiin ahaan inay halka ay hadda taagan tahay ka dhaqaajiyaan Wasaaradda Boosaha.
Agaasime Faysal Cali Sheekh oo ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Dalalka caalamka oo dhan intooda badan Hay’adaha ugu sarreeyaa marka teennan laga reebo waa Wasaaradda Isgaadhsiinta, tusaale ahaan dhinaca dakhliga kolkaad eegto dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti Isgaadhsiintaa kaalinta koowaad ah, dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya dhaqaalaha Isgaadhsiintaa lambar wan ah, Imaaraadka Carabta oo aynu ognahay Shidaalka uu leeyahay Isgaadhsiintaa lambar wan ah dhinaca dhaqaalaha, Maraykanka ee aynu aragnay Dhaqaalaha waxa lambar wan ah Isgaadhsiinta. Innaga waxaad mooddaa runtii.......Odhan maayo maanta Shirkaduhu waxba ma bixiyaan, wax badan baa runtii la eedeeyaa. Odhanna mayno wixii loo baahnaa way bixiyaan.”
“Maanta waxaannu ku hawlannahay inaannu xaqiiqada isla gaadhno oo aannu keenno qalabkii lagu tiring lahaa Miridhada iyo waxyaabaha ay ku shaqeeyaan lagu tiring lahaa iyo isku-xidhka inaannu halkan keenno xarunta oo Hoolka hoose (ee dhismaha cusub) u diyaarinnay, qalkiina aannu immika annaga iyo Wasaaradda Maaliyaddu gacanta ku hayno oo Wasiirka Maaliyadduna yahay qofka ugu horreeya ee nagala shaqaynaya.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsinta Somaliland.
Faysal Cali Sheekh Maxamed oo si kaftan ku jiro u soo bandhigay awoodda faro-gelinta Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo sida ay Masuuliyiinta Wasaaradda Boosaha u sahan karaan ama u sahaydaan marka hawl la is-yidhaahdo dhaqaajiya, waxa uu yidhi; “Nin baa ila kaftamay maalin dhawayd Xafiiska iigu yimi oo wuxu yidhi; ‘waar weydinkan oo bahashii (Wasaaradda) waad dhisteene waxay gaadhay wakhtigii niman cimlaaqiyiin ah oo Shirkado la yidhaahdo oo balo ah baa jooga oo goortii Qoorta la idin qaban lahaa bay gaadhay adiga (Agaasimaha guud) iyo Wasiir Abgaal (Wasiirka Boosaha)! Waayo? Markaasaa weerarku bilaabmaa hawshu rasmiga gaadho ee Lacag iyo wax la soo hadal-qaado, runtii annagu waannu soo wada shaqaynay.”
“Qalabkaasi aannu keenaynaa wuxu noqon doonaa Qalab dalka iyo dadka wax-tara, qalab lagu cadaadiyo oo lagu dhibo Shirkadaha noqon maayo. Waxa Xukuumadda iyo Qaranka Somaliland dantiisu ku jirtaa waa Cashuuraha, waxay u baahan tahay in wixii aynu xaq ugu leenahay ee Qaranku xaq ugu leeyahay ee Cashuur ah ka helno Shirkadaha waa waajib, waanay bilaabmaysaa haddii ILLAAHAY yidhaahdo iyadoon ahayn muhmal, heshiis, waxan iga daa iyo intan ma qabo.” ayuu yidhi Agaasimaha guud.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiintu waxa uu ka codsaday Wasiirka Maaliyadda inuu Xafiiskii Cashuuraha Berriga ka hirgeliyo Wasaaradda Boosaha, waxaanu yidhi; “Waxaanannu Wasiirka Maaliyaddu maaddaama oo uu halkan innala joogo maanta ka codsanaynaa inuu Xafiiskii Cashuuraha Berriga ee cashuuraha la iskula eegi lahaa halkan Wasaaradda nooga furo sida Wasaaradaha kale ay Xafiisyadaasi uga furan yihiin oo kale, Xafiiskiina waannu u diyaarinnay oo ay halkan ka furtaan si wada-shaqayntayada aannu u xoojinno.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment