Wednesday, December 3, 2014

Dawladda Faransiiska oo Mowqif Cad iska taagtay Aqoonsiga Waddanka Falastiin

Paris, 03 Dec, 2014 (Himilo)- Baarlamaanka dalka Faransiiska ayaa shalay u codeeyey aqoonsi xushmayn ah oo Falastiin loogu aqoonsado waddan madax-bannaan oo ka mid ah dalalka Bariga Dhexe.
Codeynta shalay ee baarlamaanka Faransiiska ayaa la filayaa inuu culays ku saari doono xukuumadda inay wax badan ka qabato xaaladda Shacabka Falastiin.
Inkastoo codeynta baarlamaanka la sheegay inaanay ahayn mid sharci noqonaya, ayaa dhinaca kale la sheegayaa in xukuumadda Paris xilli horeba diyaar u ahayd qorshe loogu aqoonsado Falastiin dal gaar ah, marka wakhtigeeda la gaadho, iyaga oo ku aaminsan in nabadgelyo buuxda iyo xasilooni laga gaadhi karo geeddi-socodka nabadda iyada oo la hirgeliyo laba waddan oo Falastiin iyo Israa’iil ah.
Talaabada baarlamaanka Faransiiska ayaa la filayaa inay ka cadhaysiiso Yuhuudda, ka dib markii tallaabo la mid ah hore ay u qaadeen baarlamaanada waddamada Ingiriiska iyo Spain, halka dalka Sweden uu uu dhammaadka bishii October ee sannadkan si rasmi ah ugu aqoonsaday waddan madaxbanaan.
"Yuhuuddu waxay aaminsan tahay in codeynta baarlamaanka Faransiisku yareyn doono fursadaha in xal laga gaadho wadaxaajoodka Falastiin," Sidaa waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay safaaradda Yuhuuddu ku leedahay magaalada Paris.
Raysal wasaaraha Yuhuuda Benjamin Netanyahu oo wax laga weydiiyey go’aanka codeynta baarlamaanka Faransiiska ayaa ku tilmaamay tallaabo dhinaca khaldan loo qaaday.
Todobaadkii hore wasiirka Arrimaha Dibedda Faransiiska Laurent Fabius, ayaa u sheegay xildhibanada baarlamaanka Faransiiska go’aanka dawladoodu qaadan doonto haddii lagu guul-darraysto dedaallo laga dhex-wado golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo lagu doonayo sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-xaajoodkii nabadeed ee Yuhuudda iyo Falastiin.
"Hadii dedaaladaasi guuldaraystaan, hadii talaabadii u dambaysay ee helitaanka nabadgelyo shaqeyn weydo, markaa Faransiisku waajibkiisa wuu gudanayaa, isla markaana aqoonsanayaa madaxbanaanida Falastiin, gabasho la’aan, waxaan diyaar u nahay sidaa," Sidaas ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiisku ka horsheegay baarlamaanka waddankaas.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment