Wednesday, December 3, 2014

Al-shabaab Oo Weerar Isqarxin ah ku Qaadday Kolonyo Gaadiid ah Oo Qaramada Midoobay Lahayd

Muqdisho:Dec,03,2014(Himilo)-Weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira dhaliyey ayaa kooxda Al-shabaab saaka ku qaadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay lahayd Qaramada Midoobay, kuwaas oo marayey Meel aan ka fogayn Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

uuroWararka soo baxaya ayaa sheegaya in inta la ogyahay 6-qof ku dhinteen halka tiro kale oo badani ku dhaawacantay, waxana weerarka loo adeegsaday Gaadhi waxyaabaha qarxa lagu soo rakibay.

Weerarka ayaa ka dhacay Marinka Madaarka meel u jirta ilaa 45 talaabo.Madaarka ayaa ah mid si weyn loo ilaaliyo, waxaanu Saldhig u yahay Diblamaasiyiin iyo Safaarado tiro badan oo wadamada dibadu leeyihiin. Sidoo kale waxa agagaarka Madaarku saldhig u yahay ilaa 22,000 Askarta AMISOM ah.

Weerarkan waxa sheegtay Ururka Al-shabaab, oo hore bishii January weerar kan oo kale ah kula beegsatay Kolanyo Qaramada midoobay leedahay oo dad tiro badan ku dhintay.

Sarkaal katiran Qaramada Midoobay oo weerarkan ka Hadlay ayaa sheegay inaan dhinacooda cidi kaga dhiman qaraxaas, waxana uu tilmaamay in saraakiishoodu ka badbaadeen Weerarkaas.

Dadka dhintay ayaa la sheegayaa inay u badnaayeen Askar iyo waliba dad shacab ahaa oo goobahaas ka dhawaa, waxana aan jirin cid dhexdhexaad ah oo xaqiijin karta sida waxyeelladu u dhacday.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment