Mileteriga Kenya oo ku hubaysnaa Gaadiidka dagaalka ayaa Xidhay Xadka Mandheera iyo Baled-xaawo, waxayna arintan kusoo beegantay xilli madaxweynaha Kenya shalay Khudbad uu jeediyey ku sheegay inuu sii wadi doono Dagaalka uu kula jiro.Xidhitaanka Xadka ayaa Saameyn aan wanaagsaneeyn ku reebay Ardayda Soomaalida ah ee Wax ka barata Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Barri Kenya, kuwaas oo maalin walba xadkaas kasoo tallaabi jirey si ay iskuulkooda u tagaan.
Dhinaca kale Dowladda Kenya ayaa hada waxay dagaal Xooggan kula Jirtaa Ururka Al-Shabaab oo Weeraradii ugu Cuslaa ka Fuliyay gudaha dalka Kenya.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment