Taipei, 07 December, 2014 (Himilo)- Dawladda Taiwan ayaa ka hadashay muhiimadda shir lagaga hadlay caafimaadka oo ay ku marti-qaadday waddamo Somaliland ku jirto, kaas oo maalintii Khamiista ee todobaadkii hore lagu soo gebo-gabeeyey dalkaas.
Shirkan oo ahaa kulan ku saabsan lagagana arrinsaday caafimaadka Adduunka ee sannadka 2014, ayaa halku-dhiggiisu ahaa isla markaana xoogga lagu saarayey Caafimaadka bulshada, waxaana dawladda Somaliland uga qayb-galay Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise (Xagla-toosiye) iyo Agaasimaha Cusbitaalka Hargeysa.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed wasaaradda Caafimaadka dalka Taiwan soo saartay shalay, kulankan ayaa ahaa mid lagaga halday caafimaadka adduunka oo sannadkii tobnaad xidhiidh ah ay martigeliyeen, isla markaana ay ka qeybgaleen wasiirrada Caafimaadka iyo martisharaf ka kala socday 31 waddan oo dunida ka tirsan.
Kulanka oo wasiirka Caafimaadka iyo wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Taiwan ay daah-fureen, ayaa ujeeddadiisu ahayd dejinta siyaasada caafimaadka iyo qorshaha horumarka sannadka 2015-ka, waxaana lagu sheegay in masuuliyadda caafimaadku aanay keliya saarnayn maamulka iyo dhakhaatiirta caafimaadka, balse loo baahan yahay iskaashiga xukuumadaha iyo bulshooyinku, si loo kobciyo bulsho caafimaad qabta.
Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, waddamada ka qayb-galay kulanka, ayaa kala ah, Ghana, the Marshall Islands, Nauru, Solomon Islands, Somaliland, Swaziland, Tuvalu; Australia, Belgium, Canada, Denmark, Ethiopia, Finland, France, Japan, Luxemburg, Mexico, the Netherlands, Palau, Saint Kitts and Nevis, Singapore, South Africa, Thailand, the United Kingdom, the United States, Uganda, Vietnam, and Yemen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment