“Nebigu (SCW) waa Dayuus-buu yidhi ninka Caarkiisii, carruurtiisa iyo reerkiisii kaga taga nin Mutacaafi ah oo uu yidhi ii ilaali guriga”
Hargeysa, 07 Dec, 2014 (Himilo)- Hay’adaha Ammaanka Somaliland, ayaa todobaadyadii u dambeeyey hawl-gallo lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida dalka ka waday magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan caasimada Hargeysa, waxaana gacanta lagu dhigay tiro dad ajaanib ah oo sharci-darro ku joogay dalka.
Sidoo kale, hawl-gallada ciidamada ammaanku ka fuliyeen Caasimadda, ayaa ciidanka boolisku ku qab-qabteen eedaysaneyaal dambiyo kala geddisan gaystay kuwaas oo u badan dhalinyaro xilliyada habeenkii koox-koox u dagaalama, falal-budhcad-nimo ka geystay caasimadda iyada oo sidoo kale ciidamadu ay qab-qabteen dad ka ganacsada mukhaadaraad Khamirigu ka mid yahay iyo gaadiid lagu siday.

“Ciidanka booliska Somaliland oo markasta ku guda jira illaalinta amaanka, adkaynta nabadgelyada la dagaalanka mukhaadaraadka ayaa hawlgal balaadhan oo ay qaadeen toddobaadkan waxay ku soo qabteen eedeeysanayaal, gaadiid iyo khamri, kuwaasoo kala ah; Baabuur nooca loo yaqaan Noah oo nambarkiisu yahay 57178 sidayna 24 jirikaan oo min 30 Litir oo khamri ah iyo hal eedeeysane. Baabuur Landcruser ah oo nambarkiisu yahay 41287 sidayna 23jirikaan oo min 30L ah iyo hal eedeeysane. Baabuur Grande ah nooca loo yaqaan indhacade oo nambarkiisu yahay 57178 sidayna 10caagadood oo min 1.5L khamri ah iyo waliba gaadhi kale oo siday 66caagadood oo min 1.5L khamri ah.
Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay inay sidoo kale qabteen gaadiid laga xaday dadkii lahaa lagana beddeley nambarkii uu watay, iyada oo sida uu taliyuu sheegay falkaas loo qabtay qabtay hal eedeeysane. Taliye Fadal waxa uu sheegay in eedaysaneyaasha intooda badan sharciga la horgeeyey, inta kalena si deg deg ah loo horgeyn doono.
Sidoo kale Taliye Fadal waxa uu sheegay in ciidanka boolisku hawlgal ay ka fuliyeen magaalada ku qab-qabteen dhalinyaro koox koox isku disha isla markaana tiro baddan ka soo qabteen oo qaarkoodna sharciga la horgeeyey kuwo hadhayna la horgeyn doono.
Dhinaca kale, Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland, ayaa hawl-gallo ay ka fuliyeen hudheellada iyo guraha magaalada ku qab-qabtay dad ajaanib ah oo uu kala dhashay waddamada Yemen, Hindiya, Bangladesh iyo kuwo u dhashay dalalka qaaradda Yurub oo sharci-darro ku joogay dalka, sida uu sheegay taliye ku-xigeenka laanta Socdaalka Somaliland.
Maxamed Saleeban Xasan (Sablaale) oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.
“Waddankeenna waxa jira qul-qul badan oo Ajaanib oo qayral-xad ah oo dhinac walba laga soo galo xuduudaha oo xidhan awgeed ha u darnaadeen Yamaanida, waxa waddankooda ka jira dagaallo, meesha waxa joogta Al-Qaacida, Xuutiyiintiibaa joogta. Markaa Yamaanidu khal-khal ammaan-darro ayay ku keeni karaan waddanka, waayo iyagiibaa islaynaya, maalin walba toban kiis oo ay leeyihiin baanu qaadnaa, iyaga laftigoodiibaan ammaan isa siinaynin.
Markaa hawl-gal baanu qaadaynaa aanaan cidna u habranayn; guryahaanu galaynaa, hudheelladaanu galaynaa, meel kasta waanu gali, mana aqbali doono ajinabi dambe oo bilaa sharci ku jooga dalka, hadh iyo habeenna waanu shaqaynaynaa, shaqadii lanoo igmaday ee aanu umadda u haynayna sideeda ayaanu u fulinaynaa, waanay ka muuqataa oo waa laga dareemay dalka. Meel walba way galeen ilaa waxay ilaaliyaan guryihii, xoolihiibay raacayaan, meel kasta waanu kaga daba-galaynaa, ha u darnaadaan qolada aynu jaarka nahay (Oromada) oo khal-khal nabadgelyo inaguba keeni kara, waddankanna waa inay cidi lahaataa, ciddii u xil-saarnaydna waa annaga, sidaas darteed haloo diyaar-garoobo,” Sidaas ayuu yidhi Taliye Maxamed Saleeban Xasan (Sablaale).
Taliyaha oo ka hadlayey caqabadaha ay kala kulmaan muwaadiniinta ay u shaqeeyaan dadka Ajaanibka ahi, waxa uu yidhi, “Dadkana waxaan leeyahay Ajinabiga aad qarinaysaan iska daaya oo gacan-siiya markay idiin yimaaddaan halw-wadeennada Socdaalku, oo waxyaabaha naga horyimaadda waxa ka mid ah Nin Ajinabi ah oo guri ilaalinaya, ayaad u yeedhaysaa, odaygii guriga joogaybaa odhayana ii daaya, wax allaale iyo wax uu qabanayo garan-maayo. Nebigu (SCW) waa Dayuus-buu yidhi ninka Caarkiisii, carruurtiisa iyo reerkiisii kaga taga nin Mutacaafi ah oo uu yidhi ii ilaali guriga. Waxaanan u sheegayaa dadka Ajinabi ah ee aan sharciga haysan inay dalka ka baxaan oo meelihii ay ka yimaaddeen ku noqdaan,” Sidaas ayuu yidhi Taliye Maxamed Saleeban Xasan (Sablaale).
Taliye ku-xigeenka oo ka hadlayey Dad Ajaanib sharci-darro ku jooga dalka oo ay qab-qabteen, waxa uu yidhi, “Waxa jirta Hindi, Baakistaaniyiin, Bangaladhesh oo xitaa Yurubiyaanbaa jira.”
Taliyaha oo la weydiiyey sababta xilligan ku soo beegtay ururinta dadka Ajaanibka ah maadaama ay hor u joogeen dalka, waxa uu ku jawaabay, “Xaalad walba wakhtigeedaa loo eegaa, waanu u xiddiginaynay intaa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment