Friday, December 5, 2014

Diyaarad Dagaal Oo Shabaabku Soo Rideen Iyo Sarkaalkii Waday Oo Geeriyooday

Buula-gaduud:Dec,05,2014(Himilo)-Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay inay soo rideen diyaarad nooca Dagaalka ah oo lahayd Dawladda Kenya, taas oo duqaymo ka Geysatay Deegaanka Buulo-gadud ee Duleedka Magaalada Kismayo.

auqDadka halkaas deggen ayaa sheegaya in diyaaraddaasi ay duqaymo kala duwan ka Geysatay Deegaankaas, isla-markaana ay Shabaabku ku ganeen Gantaallo markii dambe sababay inay soo dhacdo.

War qoraal ah oo lagu soo daabacay Baraha Internet ee taageera Al-Shabab ayaa sidoo kale lagu baahiyey in Mujaahidiintu ay dhulka soo dhigeen Diyaaraddan, isla-markaana uu ku dhintay Wadihii duqaymahaas waday.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen rasaas u ek kuwa lidka diyaaradaha oo lagu riday diyaaradan, xilli ay jawi hoose ku socotay. Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in dayuuradan ay cillad farsamo awgeed u soo dhacday iyadoo ka soo laabatay duqeyn ay ka geysatay degmada Jamaame. Hase yeeshee afhayeenkan ayaan sheegin cid wax ku noqotay diyaaradan iyo halka ay ku dambeeyeen dadkii saarnaa.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegaya inay arkayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo raadinayay bur burka diyaarada oo la sheegay inay ku dhacday duleedka Kismaayo.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa maalmihii u dambeeyay duqeymo cirka ah ka fulinayay gobolada koofureed, iyagoo badhtilmaameedsanayay deegaanada Shabaab ku sugan yihiin.

Al-Shabaab ayaa maalmo ka hor weerartay goob kaawada laga qodo oo ku taal duleedka Mandhera, halkaasoo ay ku dishay ilaa 36 ruux oo Kenyan ahaa.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment