
Soomaaliya oo aanay dowlad awood badan haysataa ka jirin muddo ku dhow 24 sano ayaa labadii sano ee ugu damaysay gashay tirada ugu hooseeysa xagga Musuq-maasuqa iyo xumaanta, waa Sanadkii afraad oo ay hogaaminayso dalka ugu Musuq Maasuqa badan caalamka.
Horr waxaa booskan u hogaamin jiray oo Soomaaliya ka hooseeyey dalalka Afganistaan iyo Koonfurta Suudaan inkastoo ay ka keecn halkii markii hore ay ku jireen.
Hay’adda Transparency ayaa sandkasta dhamaadkiisa soo saarta baadhitaano ay sameysey taas oo ay ka qayb qaateen khuburo dhanka maamul wanaaga ah, afartii sano ee la soo dhaafey ayaa dalka Soomaaliya markasta la gelinaayey kaalimaha ugu danbeysa.
Dalka Denmark ayaa sanadkan lagu tilmaamey dalka ugu horeeya ee aan Musuq Maasuq kajirin, waxaa iyagana ku xigaya dalalka New Zealand, Finland, Norway, Sweden, Singapre iyo Netherland.
Ma aha dhanka Musuq Maasuqa waxa ay Soomaaliya caalamka ku hogaaminayso isla sandkaan bilowgiisii warbixin ka hadlay xanaanayta iyo nolosha Hooyadda & dhalaanka ayaa la sheegay inay Soomaaliya tahay Numberka ugu hooseeya.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment