
C/samad Sh. Xuseen oo ah wiil Soomaaliyeed oo 15-jir ah ayaa lagu dilay habeennimadii Khamiista ahayd gaadhi ay rag dhallinyaro ah wateen, kaddib markii uu ka baxay xarun ay Soomaalidu ku leedahay magaalada Kansas, xilligaasoo uu doonayay inuu gaadhigiisa galo.
“Waxaan si wadajir ah ula shaqeeyo booliiska magaalada Kansas si arrintan baadhis dhab ah loogu sameeyo,” ayuu Jimcihii shalay sheegay afhayeen FBI Bridget Patton, isagoo intaas ku daray. “Baadhistan waxaan ku furaynaa hab la xidhiidha baadhitaanka xuquuqda madaniga oo la xidhiidha jinsi-nacayb.”
Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaadhigan si ula kac ah loogu dhuftay wiilka oo ordaya, kaa oo markiiba ka go’ay mid ka mid ah labadiisa lugood, iyadoo loola cararay isbitaal halkaas oo uu goor-dambe ugu geeriyooday dhaawicii soo gaadhay.
Baadhitaankan ayaa yimid kaddib markii ururka muslimiinta magaalada Kansas iyo urur ay leeyihiin dhallinyarada magaaladaas ay dalbadeen in arrintan baadhitaanno lagu sameeyo, si loo ogaado sababta keentay dilka.
Golaha Muslimiinta Mareykanka, golaha xidhiidhka muslimiinta iyo saraakiil ka tirsan xarun ay Soomaalidu ku leedahay Kansas ayaa laga soo xigtay inay jireen bilihii lasoo dhaafay halis lagu hayo muslimiinta magaaladaas ku nool.
Si ha ahaatee, booliiska magaalada Kansas ayaa Ilaa hadda xidhay wiil 34-jir ah oo lagu magacaabo Axmed Xaaji Aadan oo ay sheegeen inuu isku dayay inuu ka cararo xilli ay baadhitaanka arrintan ku jireen.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment