Wednesday, December 3, 2014

Ganacsato Yemeni ah oo Madaxweyne Siilaanyo uga ashkatooday Taliye Ku-xigeenka Laanta Socdaalka

Hargeysa, 03 Dec, 2014 (Himilo)- Ganacsato u dhalatay dalka Yemen oo shirkad ay leeyihiin ka hawl-gasho isla markaana ka shaqayso Somaliland, ayaa sheegay inay tacaddiyo soo noq-noqday kala kulmay Taliye ku-xigeenka Laanta socdaalka Somaliland Maxamed Saleebaan Xaaji Cali (Sablaale) oo ay ku eedeyeen inuu xadhig iyo caga-juglayn kula kacay isaga oo uga hiilinaya ganacade kale dacwad ay isku haystaan kiiskeedu ku jiro Maxkamadda gobolka Saaxil.
YamaniinBasaam Cawad Cali oo ah mulkiilaha shirkad lagu magacaabo Basaam oo hawl-gasha magaalada Berbera, waxa uu taliyaha ku eedeeyey inuu cago-julayn joogto ku hayo isla markaana uu uga hiilinayo ganacsade kale oo khilaaf iyo muran ka dhashay xidhiidh ganacsi oo dhexmaray oo kiiska dacwaddeedu ka socoto maxkamadda gobolka Saaxil.
Ganacsadahan oo ay weheliyaan niman kale oo ay isku-waddan ka soo jeedaan oo Isniintii todobaadkan warbaabinta kula hadlay, ka dib markii uu ka soo baxay Xarunta Laanta Socdaalka ee magaalada Hargeysa oo uu sheegay in muddo saacado ah uu ku xayirnaa, waxa uu sheegay in taliyuhu ugu hanjabay inuu ka mastaafurin doono dalka haddii aanu ka hadhin dacwadda ninka kale ee ganacsadaha ah u dhaxaysa ee kiiskeedu ku jiro Maxkamadda.
Mr Basaam oo sharraxayey tacaddiyada uu sheegay inuu kala kulmay Taliyaha, waxa uu yidhi, “Waxaan ahay Mulkiilaha Shirkadda Basaam oo Somaliland maalgashatay kana wadda hawlo ganacsi oo sifo sharci ah ku jira. Waxaan halkan kaga cabanayaa Taliye ku xigeenka Waaxda Socdaalka Somaliland oo igu haya hatidaad, Xadhig iyo weerar joogto ah anigoo aan wax danbi ah ka galin dalkan.
Sababta noo keentay waxa weeye oo uu nooga hiilinayaa nin arrimo ganacsi na dhex-maray oo dacwaddayadu ka socoto Maxkamada Godbolka Saaxil. Dacwadayadu waxay bilaabantay 13/11/2014.”
Isaga o hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Ninka taliye ku xigeenku iiga hiilinayo waxa igaga maqan oo uu iga dhacay $,150,000 (Boqol iyo Konton Kun oo Dollar). Laakiin, mar haddii Kiiskaasi Maxkamadda ku jiro ka hor dhici maayo oo waxaan ku kalsoonahay waxaa iiga soo baxa Caddaaladda, laakiin Iyadoo loo ballansanyahay fadhiyadii dacwadda ayaa waxaa khaati naga dhigay oo maanta (Isniintii) oo u danbaysay saddex saacadood ayaan u xidhnaa Taliye ku xigeenka Waaxda Socdaalka oo inta uu ila soo hadlay waqti aanay shaqo socon oo habeenimo ah annigoo Berbera joogga igu yidhi kaalay Xarunta markaan imidna yidhi Xidha.”
Isaga oo ka sii hadlayey tacaddiyada uu taliye ku-xigeenka Socdaalka ku eedeeyey, waxa uu yidhi, “Saddex cisho ka hor sidoo kale ciidan buu noogu soo diray Xaruntayada Berbera waqti horena sidaan warbaahinta ugu baahinay Saqdhexe ayuu na soo weeraray. Waxaana uu iigu hanjabayaa haddaad dacwadan ka bixi weydo dalkaan kaa mastaafurinayaa. Arrintana waaxda socdaalku uma dhamee waxaa ay ku koobantahay Taliye ku xigeenka oo lanoo sheegay inay ehel yihiin ninka aanu is hayno.”
Ugu dambayntii, Mr Bisaam waxa uu baaq u jeediyey Madaxweynaha Somaliland, Goleyaasha Qaranka iyo Madaxda dawladda ee arrintiisu khusayso. “Markaa, Waxaan Xukuumadda Somaliland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Ismaaciil (Saylici), Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde Golayaasha Baarlamaanka Guurtida iyo Wakiillada iyo shacbiga Somaliland-ba ka codsanayaa in Tacadigan la igu hayo wax laga qabto oo sarkaalkan shaadhka dawladda iigu hanjabaya iyadoo sharcigaygu dhamaystiran yahay la iga qabto oo hala eego Islaamnimada iyo xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeyay Cadan iyo Somaliland,” ayuu yidhi ganacsade Bisaam.
Dhanka kale, Taliye kux-geenka Laanta Socdaal Somaliland Maxamed Saleebaan Xaaji Cali (Sablaale) oo aanu dhinaciisa isku daynay inaanu wax ka weydiinno eedaymaha ganacsadaha Ajaanibka ahi u jeediyey, ayaa noo suurto-galin inaanu helno, ka dib markii uu naga qaban waayey telefonkiisa gacanta oo aanu tiradaba dhowr ka wacnay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment