Tuesday, December 2, 2014

Badhasaabka Saaxil oo ka hadlay Warqad uu ku Fuliyey Iskaraabka Nin Ganacsade laga iibiyey iyo Ganacsatada Wershadda Sibidhka Berbera oo ku gacan-saydhay

Nuqulka Warqad Badhasaabka Saaxil ku fulinayo Iibka Iskaraabka Wershadda Sibidhka Berbera
Hargeysa/Berbera, 02 Dec, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa hadlay warqad uu ku fulinayo bixinta qaybo ka mid ah Iskaraabka Wershadda Sibidhka Berbera, taas oo laga iibiyey Ganacsade magaciisa la yidhaahdo Cabdalle Maxamed Faarax oo sida warqadda lagu sheegay loogu ogolaaday go’aan ka soo baxay guddiga Qandaraasyada Qaranka iyo Wasaaradda Wershadaha Somaliland.
wersheda-sibidhkaWaraaqda Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ku fuliyey go’aanka iibka iskaraabka Wershadda Berbera oo ku taariikheysan 19-kii Bishan, ayaa lagu socodsiiyey Taliyaha Booliska Gobolka Saaxil, Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera iyada oo Ogeysiinna la siiyey Ganacsadaha laga iibiyey Iskaraabka, Wasiirka Wershadaha iyo Madaxweynaha Somaliland, waxaana lagu sheegay in muwaadinkani uu qandaraas ku helay la wareegista qayb ka mid ah Iskaraabka Wershadda Sibidhka Berbera oo lagu sheegay, balse goobta ay ku taallo ka baxsan tahay Xayndaabka Wershadda Sibidhka.
Waraaqda Guddoomiyaha Saaxil ku saxeexan yahay oo nuqul ka mid ah Wargeyska Himilo helay, ayaa tix-raacaysa qoraallo ka soo baxay Wasaaradda Wershada iyo Guddiga Qandaraasyada Qaranka, kuwaas oo sheegaya go’aanka fulinta rarista iskaraabka laga iibiyey ninka ganacsadaha ah.
Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo Wargeyska Himilo xalay wax ka weydiiyey ujeeddada warqadda fulinta raritaanka Iskaraabka Wershadda Sibidhka Berbera, ayaa sheegay inay kala duwan yihiin Iskaraabka lagu wareejinayo ninka ganacsadaha iyo Wershadda Sibidhka Berbera, in kasta oo labaduba qayb ka yihiin Wershadda Sibidhka Berbera.
“Wershadda Sibidhka iyo waxa iyada dhex-yaalla maaha, ee way kala duwan yihiin, markaa mid iskaraab ahaan ah oo intaan tan la keenin shaqayn wayday baa jirta. Markaa, Wasiirka Wershadaha, Wasiirka Ganacsiga iyo Guddiga Qandaraasyadu Waraaqay ka soo qoreen illaa Madaxweynaha ay tix-raacayaan, waa iibka Iskaraabka Tirniigga Kuuriya, Warqaddaasina way jirtaa oo waan saxeexay, aniguna ma qiimayn ee tanku waa intii ay Wasaaradaha iyo Guddiga Qandaraasyadu ku qiimeeyeen, aniguna Fuliye ayaan ahay oo Wasaarad baan hoos-tagaa, Wasaaraddaas wixii la soo mariyo ee ay tidhaahdo fuli fuliye ayaan ahay.”
Mar la weydiiyey cidda la siiyey inuu yahay Ninkan ku qoran Warqadda qoraalka ah ee uu Fulinta Badhasaabku qoray, waxa uu yidhi; “Horta nin keliya lama siin ee waa illaa toddoba nin oo horena Iskaraabka uga ururiyey gobolka, laakiin nin keliya maaha, ee ninkani qoladaas ayuun buu Guddoomiye u yahay.”
BADAHSAABBadhasaabka Saaxil oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey gedood ka dhashay wakhtigii Xukuumaddii Daahir Rayaale oo lagaga soo horjeestay Iskaraab xarunta Sooyaal ee Berbera oo uu bixiyey, isla markaana muddaharaaddo ay ku diiddan yihiin Shacabku sameeyeen, markii Madaxweyne Siilaanyo xilka qabtayna uu meesha immika Iskaraabkeeda la rarayo ee la iibiyey uu ku wareejiyey Ciidammada, maaddaama oo ay sidaas tahay dareenka Guddoomiyaha ahaan uu ka qabo in kacdoonkaas hore u dhacay oo kale dhici karo, waxa uu yidhi; “Wallaahi horta anigu illaa laba bilood-ba waan hayey Waraaqaha, markaa waxa kamaarmi waa noqotay inay Wasiirka Ganacsiga, Wasiirrada hawshani khusayso ee kale iyo Guddiga Qandaraasyada oo wada socdaa ay halkan yimaaddeen oo ay yidhaahdeen Lacagta iibka waa laga shubay, markaa waxaan ku idhi qoraal soo qora, Wasaaradda arrimaha gudahana soo mariya. Arrimaha gudahana waa la soo mariyey, Warqad buu Wasiirka arrimaha guduhu soo qoray uu leeyahay arrintaa fuli, markaa ka dib waxaan qoray Warqaddan ah in la raro, nimanka loo rarayaana waa Muwaaddiin reer Somaliland ah.”
Haseyeesehee, waxa go’aanka ka soo baxay maamulka gobolka Saaxil dedafeeyey isla markaana wax lala yaabo oo ka horimanaya go’aan madaxweynaha Somaliland ugu mamnuucay raritaanka ama ka ganacsiga Iskaraabka dalka, ku tilmaamay xubin ka tirsan Guddi Fulineed oo ay leeyihiin Saddex shirkadood oo lagu wareejiyey dhismaha iyo dib-u-kicinta Wershadda Sibidhka ee Berbera.
Mahdi Cismaan Xasan oo ka tirsan Guddiga Fulinta ee saddexdooda, ayaa go’aanka lagu fulinayo Iibka iskaraabka wershadda Sibidhka ku tilmaamay mid lagu carqaladaynayo isla markaana lagu curyaaminayo in wershadda Sibidhka Berbera laga shaqaysiiyo, isaga oo sheegay in iskaraabka la iibinayo uu yahay qalabka halbowle dayac-tirka wershadda.
Mahdi Cismaan oo xalay khadka telefoonka ugu warramay wariye ka tirsan Himilo oo wax ka weydiiyey waxa ay guddi ahaan kala socdaan go’aanka badhasaabka gobolka Saaxil, ayaa ku jawaabay, “Warqaddan badhasaabka waxa la noo sheegay in uu ku sheegay wershadda Kuuriya, horto wershadda Kuuriya iyo Wershadda Sibidhku waa isku mid uun, waxan laga samaynayaa xadiidbay u badan tahay, xadiidkuna ha yaraado ama ha weynaadee, way u baahan tahay. Tirniigan la sheegayaana waxa weeyaan kolkii hore qayb ka mid ah Kuuriya ayaa dhistay, markii dambena qayb Faransiisku sameeyeybay ahayd, markaa qaybtaasi waa qayb isbeer baar u ahayd wershadda kolba waxay uga baahato. Markaa markan la leeyahay wershaddii Kuuriya, waa dhalaan-habaabis ee waa wershadda laftigeedii weeyaan, markaa marka iska-raab la yidhaahdo kan wershaddana waa la gurayaa maadaama ay isku mid yihiin.”
Waxa uu sheegay in arritani ka hor imanayso go’aan uu la qaatay madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo oo tabashooyin la xidhiidha iibka Iskaraabka Wershadda hore ugu gudbiyeen, waxaanu yidhi, “Beri hore oo sidan oo kale ay soo baxday, waxaanu nidhi wershaddii lama oga waxay u baahanayso, dibaddana kama doonan karno xadiid ee wershadda hala dhammaystiro oo xataa madaxweynaha waanu isla garannay oo wuxuu yidhi wax meeshaas laga qaadi karaa ma jiraan ilaa wershaddaa la kicinayo.
Markaa annagaaba madaxweynaha u tagnay oo u sheegnay in haddii xadiidka laga guro inaanay wershaddani hadhow kacaynin. Nimankii Injineerrada ahaa ee aanu meesha gaynayna waxay yidhaahdeen xadiidkani waa wax ay wershaddu u baahan tahay.”
Mahdi waxa uu ka hadlay qorshey ay wakhtigan ku hawlan yihiin guddiga saddexda shirkadood ee lagu wareejiyey kicinta Wershadda Sibidhka Berbera, isaga oo sheegay inay dhammaystireen isla markaana ay shubeen lacago loogu talo-galay socodsiinta Qandaraasyo ay ku bixin doonaan dhismaha dekedda oo uu sheegay inay dhowaan sugayaan shirkadihii qandaraaska dhismaha u tartami lahaa.
“Waxaanu shubnay lacag aanu ugu talo-galnay daraasaadka shirkadaha qandaraaska dhismaha wershadda. Kolley saddex shirkadood baanu nahay oo saddexdayadu intaanu isku tagno aanu lacag ku shubno bangi ku yaala Jabuuti,” ayuu yidhi Mahdi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment