Tuesday, December 2, 2014

Heerka Cudurka HIV/AIDs ka marayo dalka, tirada Dadka Daawooyinka Qaata iyo inta la diiwaangeliyey

Madaxweyne ku-xigeenka oo ka qyab-galay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee HIV/AIDS

“Waxaanu idiin haynaa war farxad leh oo ah in Dawada Xanuunkan lagu Daweeyaa ay karti u leedahay inay…”

Hargeysa, 02 Dec, 2014 (Himilo)- Xuska maalinta Caalamiga ah ee loo asteeyey Cudurka HIV/AIDS oo sannad kasta adduuweynaha laga xuso 1-da bisha December oo ku beegnayd shalay ayaa shalay laga xusay gobollada Somaliland, iyada oo munaasibad ballaadhan oo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ka qayb-galay lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
ggggggggggAidsMunaasibaddan oo uu qaban-qaabiyey Komishanka heer Qaran ee Xakamaynta Cudurka AIDS-ka (SOLNAC), ayaa madaxweyne ku-xigeenka Md Cabdiraxmaan Saylici ka sokow, waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid Wasiir-ku-xigeennada Wasaaradaha Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan iyo Arrimaha Bulshada Shukri Xariir, Agaasimaha Fulinta ee SOLNAC Prof Cabdi Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimadka, saraakiil ka socotay hay’adaha iyo Ururrada Caalamiga, Ururrada Bulshada Rayidka ah ee
Agaasimaha Fulinta SOLNAC Prof Cabdi Cali oo ugu horrayn warbixin ka Jeediyey halkaas, ayaa ka warbixiyey heerka cudurkani ka marayo Somaliland iyo tirada dadka la nool cudur-dhaliyaha HIV ee sababda Cudurka AIDS-ka, isaga oo iftiimiyey muhiimadda ay xuska maalintani u leedahay guud ahaan bulshada Somaliland, gaar ahaanna inta la nool Xanuunkan
“Waxaynu halkan u Joognaa Xuska Maanlinta AIDS-Ka Adduunka sanadkan 2014-ka, kaasi oo aynu Sannad walba xusno, sannadkan waxay daarantahay laba arimood. In xanununkan laga hortago iyo sidii Xuquuqdooda loo daryeeli lahaa dadka Xanuunka la nool oo laba u sii qaybsan; Qaar is-og iyo qaar aan is ogayn. Xanuunka HIV/AIDS waxa qaba qiyaas ahaan 1% Boqolkiiba kow dadka reer Somaliland,” ayuu yidhi Prof Cabdi Cali
Agaasimuhu waxa faahfaahiyey tirada dadka ee Xanuunkan la nool iyo Qaabka ay u qaataan daawooyinka, waxaanu, “Dadka Reer Somaliland ee Dawada loo Bilaabay waa 1,879, waxa kale oo jira dad uu Difaacoodu Adag yahay oo aan wali loo bilaabin oo ay tiradoodu gaadhayso 2,999 qof. Daawooyinka waxa laga bixiyaa Afarta Cusbitaal ee waaweyn ee waddanku leeyahay sida Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, ka Berbera Ka Burco iyo ka Boorama. Waxa kale oo aan u mahad naqayaa Degmooyin iyo Gobolo nagala qayb qaatay. Sannadkan halku-dhhigeennu waa DAWADA HALA QAATO, waxa imika la gaadhay heer qofka Dawada qaata xataa hadii laga baadho aan laga helayn,” ayuu yidhi Cabdi Cali
Dhinaca kale, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan oo ka hadashay munaasibada, ayaa sheegtay inay Wasaarad ahaan dedaal u galeen isla markaana ay u suurta-gashay inay gobollada dalka wada-gaadhsiisaan daawooyinka lagula tacaallo cudurkan, iyadoo xustay inay waxtarka dawadu ay gaadhay in heer aanay hooyadu u gudbin karin ilmaheeda.
Madaxaweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka warramay Qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan Xakamaynta Xanuunka AIDs-ka, “Waxaanu idiin haynaa war farxad leh oo ah in Dawada Xanuunkan lagu Daweeyaa ay karti u leedahay inay Baabiiso, taasi oo ay adagtay in qof kasta oo qaata laga helo xanuunkan hadii la baadho, waxa kale oo dawadani suurto galisay inuu jidhku isaga difaaco Xanuunada kale, taasi macneheedu waxa weeyaan in dadka la nool xanuunkan ay noloshu u dheeraato, waana rejo ku dhaw hadafkii ahaa in laga guulaysto AIDs-ka,”ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.
Wasiirro, Wasiir-ku-xigeenno iyo Agaasimayaal ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Munaasibadaas ka qaybgalay, ayaa dhammaantood isku raacay muhiimadda ay xukuumaddu siisay daryeelka Dadka Xannuunkani haleelay iyo waliba Wacyigelinta Bulshada sidii loo xijaaban lahaa tallaabooyinka cudurkani dadka ugu kala gudbo, waxana ay dhiirri-geliyeen sidii gacmaha la isagu qabsan lahaa dagaalka Caalamiga ah ee lagula jiro cudurkan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment