Wakaalada wararka Reuters ayaa ku waramaysa in dabley hubeysan ay weerareen goob ay dad badan ka shaqaynayeen waxaana ay dileen 36 ruux oo ka mid ahaa dadkii goobta ka shaqaynayay waxaana uu weerarkaani dhacay Xalay Xilliyadii dambe, iyadoo weerarkaasna ay sheegteen Kooxda Al-shabaab.Tv,ga Citizen ee dalka Kenya ku yaala ayaa sidoo kale ku waramaya kooxda hubeysan ee weerarka qaaday ay dadka u kala saareen Muslimiin iyo kuwa aan Muslimiin aheyn.
Saraakiil dhanka amaanka ah ayaa ku waramaya in kooxda weerarka qaaday ay dhanka Soomaaliya usoo baxsadeen saacado kadib markii ay weerarka qaadeen.
Afhayeenka Kooxda Al-shabaab ayaa sheegay inay Ciidankoodu ka dambeeyeen dilkaas, waxana uu sababta kus heegay farogelinta ay ciidamada Kenya ku hayaan Gudaha Dalka Somalia.
Isla deegaankan dhaawaan Al-Shabab waxay ku dileen 28 ruux oo ay kala dageen gaadhi nooca dadweynaha qaada ah oo ka baxay magaalada Mandhera kuna socday Nairobi.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment