Thursday, December 4, 2014

Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Hogaamiye Ka Wanaagsan Somaliland Ma soo Marin Inuu Soo Mari Doonana Allaa Og-W/Q Ugbaad Jalaqsan

Salaan ayaan u dirayaa guud ahaan shacabka somaliland, saxaafada madaxa banaan iyo Ciidamada qaranka jsl ee ee heeganka ugu jira difaaca qaranka oo markasta ah inaan u mahad celino, waxaan maanta qalinka u qaatay wax yar inaan ka iftiimiyo hogaaminta wanaagsan iyo hanaanka xukuumada madaxweyne silaanyo, haddii bulshada somaliland markale doortaan Madaxweyne Silaanyo iyo Xukuumadiisa horumarka ay dalka gaadhsiin karto.

Hogaaminta Wanaagsani waxay ifafaale u noqotaa Cidhib-danbeedka ummadeed, waxaan tusaale inoogu filan Hogaaminta Madaxweynaheena Maanta Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Xukuumadiisa oo makhtaari cad u ah in mustaqbalka soo socda ummadani u hogaansami doonto dhanka horumarka tabaca dhisitaanka dhulkeena hooyo.

Waa Hubaal ummad kasta oo isku tiirsanaata tanaasul iyo kala danbayn musdanbeedka ka dhigataa inay qaado tubta toosan, waxaan weheliya oo gaashaan u ah hogaamin wanaagsan kuna dhiiri geliya inay dadku wax qabsan karaan iskuna filaan karaan, dhamaan dawladihii soo maray somaliland dadka waxay wada ogyihiin kana dheregsan yihiin in Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne siilaanyo tahay tii ugu horaysay ee dadka iyo dalkan muujisay horumarkooda, taasina ay keentay in Dawladihii Adduunyadu soo dirtaan Waftiyo oo ay yimaadan dalkeena oo nabada.

Shantan sanadood waan aragnaa horumarka iyo wax qabadka buuxa guusha uu taagan yahay Xisbiga kulmiye hadaba haddii aan dooro Madaxweyne siilaanyo shan sanadood oo danbe ducana ugu darno dalku halkuu gaadhi doonaa? waxaan qabaa dadka wax magaratada ahi inay su’aashaa fekerkeeda kaga jawaabi doonaan aragti dhaw iyo maan gaabnimo, balse qofka leh caqliga saliimka ah ee indheer garadka ahi wuu garan karaa inuu dalkani gaadhi doono isku filaansho shan sanadood oo danbe haddii aan doorano Madaxweyne siilaanyo iyo Xukuumadiisa.

Guntii iyo gabagabadii hadal iyo dhamaan waxaan kusoo koobayaa kuna soo uruurinayaa waar danta dalka iyo ta dadkuba waxay ku jirtaa hogaan wanaagsan oo garanaya waaqaca iyo cidhib danbeedka dadkiisa, haddii aynu somaliand nahay waynu soo aragnay dagaal sokeeye iyo mid shisheeyaba, colaadi macaanka iyo qadhaadhka ay leedahay waynu soo aragnay, maanta looma baahna in dadka lagu celiyo halkay 20 sanadood kasoo gudbeen ninka halkaas idinku wadaa danteena ma wadee aan iska eegno aan garano inagoo xeerinayna qaranimada iyo milgaha ninka doonaya wanaageena wada jirkeena ee jecel inaan adduunyada ka mid noqono, ninkaasi laynoo sheegi maayee waa ninkii duurka inoo soo galay maantana ina hogaamiya insha allaaah 5danbe iyo mid kasii baddanba aan doorano dhamaanteen.

By: Ugbaad Jalaqsan
ugaabjalaqsan@gmai.com
Oslo Norway

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment