Hargeysa, 04 Dec, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa qeylo-dhaan ugu jeedisay beesha caalamka inay wax kala qabtaan halis beddeshay khatartii Budhcad-badeedda, taasoo ay ku tilmaanay Kalluumaysiga Sharci-darrada ah, Tahriibka iyo Hubka sharci-darrada ah ee saameeyey waddamadda Geeska Afrika, loona baahan yahay in fiiro gaara loo yeesho.

“Ama ha ahaadeen Biyaha Badda Somaliland ama kuwa dalka jaarkeenna ee Soomaaliya, inta ay jiraan dhalinyaro Hub helaya, isla markaana aan haysan nolol maalmeed, aanay Biyaha Geeska Afrika nabad ahaan karin.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cismaan Axmed. Waxaanu intaas ku dartay “Xalalka lagu joojin karo halsita budhcad badeedka ka mid tahay abuuritaanka fursado shaqooyin dadka Somaliland iyo jaarkayaga Soomaaliya.”
Kaabayaasha kaluumaysiga oo burburay xilliyadii sagaashamaadkii, ayey Somaliland wakhtigan ku hawlan tahay dib u habaynta kaabayaasha iyo awoodsiinta kaluumaysata annagoo la kaashanayna saaxiibada caalamka. “Somaliland waxay ku hawlan tahay dib-u-habaynta kaabayaasha kaluumaysiga.” ayuu yidhi Agaasimaha Xafiiska la-dagaallanka Budhcad-badeedka ee Somaliland.
Maxamed Cismaan Axmed oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Jaamacadda Culuumta Badda iyo Kalluumaysiga Berbera waxay u baahan tahay taageero dhaqaale iyo tabobbaridda soo saaritaanka khubaro Bayoolajis ah. Waxaan u baahan nahay xarumo Qaboojiyeyaal dhammaan Xeebaha Somaliland, si Kalluumaysatadu ugu helaan qaboojiye tacabkooda. Guud ahaan kaabayaasha Kalluumaysigu wuxuu u baahan yahay maalgelin, waana dhinaca aannu diiradda saarnay.”
Somaliland ayaa sheegtay in halsitii budhcad-badeedku hoos u dhacday, balse ay beddeshay Kalluumaysiga sharci-darrada ah, tahriibka iyo hubka sharci-darrada ee saameeyey waddamadda geeska Afrika, loona baahan yahay fiiro gaar loo yeesho, taasoo ugu horreyso abuuritaanka sharciga Ciidanka ilaalada xeebaha oo xilligan socda. Waxaanu yidhi; “Waxaan filaynaa in sharcigii Ciidanka ilaalad Xeebaha uu diyaar noqon doono horaanta sannadka 2015, si uu wax uga taro iaalinta budhcad-badeedka iyo kaluumaysiga sharci-darada ah.”
Isfaham lagu saxeexay dalka Jabuuti sannadkii 2009 oo ku saabsanaa iskaashi laga yeesho halista Budhcad-badeedka iyo sidii Maraakiibtu caqabad la’aan isaga gooshi lahaayeen Badda waddamada Bariga Afrika ayuu sheegay Agaasime Maxamed Cismaan in loo baahan yahay in dib loogu noqdo, maaddaam oo ay soo kordheen khataro kale oo u baahan in layska kaashado.
Maxamed ayaa iftiimiyey in Kalluumaysiga sharci-darrada, tahriibka iyo hubka sharci-darradu xilligan halis ku yihiin xasilloonida iyo ammaanka gobolka. “Waxaan qabaa in iskaashigii Jabuuti dib u eegis lagu sameeyo, laguna daro iskaashi laga yeesho guud ahaan dembiyada Badda. Awood-siin, shaqo-abuur iyo maamul-wanaag waa u muhiim, iskaashi wadamadda jaarka iyo beesha caalamku yeshaan waa arrin lama huraan ah. ” Sidaa ayuu yidhi Agaasimuhu.
Agaasimaha Guud ee xafiiska la-dagaalanka budhcad-badeedka Somaliland Maxamed Cismaan Axmed, waxa uu soo jeediyey talooyin iyo baaq, waxaanu yidhi; “Waa inaan aqoonsanaa in dembiyada baddahu yihiin kuwo caalamka isaga gudba. Waxa loo baahan yahay iskaashi dhexmara wadamadda ay khusayso, sida Somaliland, Soomalaiya, Jabuuti, Yemen, Cumaan iyo kuwa Waqooyiga Badweynta Hindiya. Waa in la helaa nidaam lagu wadaago macluumaadka si looga hortago dembiyadda baddaha e egobolka ka dhaca. Xukuumad keliya ama wadan keliya ma xalin karo arrinkaa, waa in loo waajaho qaab midaysan iyo iskaashi gobolku yeesho.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment