Sunday, December 7, 2014

Muqdisho: Sadqayntii Raysal-wasaaraha, Alalaaskii Madaxweynaha, Murugadii Mooshin-diidka, Jewigii Baarlamaanka & Xubnaha Somaliland u dhashay ee ku jira guclaynta Olola buuxinta Jagadaas

Muqdisho, 07 Dec, 2014 (Himilo)- Raysal-wasaarihii Federaalka Soomaaliya Cabdilweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa sheegay inuu aqbalay go’aan aqlabiyad ah oo ay Mudanayaasha Golaha Baarlamaanku Sabtidii shalay kalsoonida kagala noqdeen, ka dib khilaaf muddo bil iyo dheeraad ah soo jiitamayey oo u dhexeeyey Baarlamaanka oo ku kala qaybsamay khilaafka u dhexeeyey Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha.
Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa Sabtidii shalay Xaruntooda Muqdisho ku yeeshay fadhi ay u ballansanaayeen ka dib dhawr toddobaad oo fadhiyo saddex ah oo ay yeesheen buuq, qaylo iyo shoobbaro ku dhammaadeen, waxa uu shalay fadhigoodu ku furmay jewi degganaan iyo buuq la’aan ah, isla markaana Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamduud, ayaa dhankiisa soo dhaweeyey go’aanka aqlabiyadda ah ee ay kalsoonida kagala noqdeen Mudanayaashu Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Xukuumaddiisa.
Fadhigaas oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa waxa uu kooramku ku furmay 211 Mudane, waxaana markii dambe ay tirada Xildhibaannada fadhigaas ka soo xaadiray ay noqdeen 235. Gudddoomiye Jawaari oo ku wergeliyey Xildhibaannada sida ay ballantu ahayd in codka kalsoonida loo qaadayo Raysal-wasaaraha Xukuumadda, codaynta oo jewi deggan ku bilaabantay ayay Mudanayaashu guda-galeen codaynta, waxaanu Guddoomiyuhu ku dhawaaqay natiijada codeynta waxaana uu sheegay in 153 Mudane ay oggolaatay in ay dhacdo Xukuumadda Ra’iisul wasaare Cabdiweli, halka 80 Mudane ay diiday Mooshinka, waxaana ka aamusay labo Mudane, sidaasina Baarlamaanka waxa uu codka kalsoonida ah kala laabtay Xukuumadda Ra’iisul-wasaare Cabdiweli.
Raysal-wasaaraha Kalsoonidii uu Xafiiska ku joogay Baarlamaanku kala noqday Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa go’aankaas ka dib ka hadlay sida uu u arko kalsoonida Baarlamaanku kala noqday, waxaanu shegay inuu aqbalay go’aankii Golaha Baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya ay kalsoonida kagala laabteen Xukuumadda uu Hoggaaminayey.
“Raysal-wasaare Cabdiweli wuxuu aqbalay go’aankii Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu kalsoonida ugala noqday Xukuumadda. Waxaanu Raysal-wasaaruhu faahfaahin dheeraad ah bixin doonaa maalinta Berri ah (Maanta).” Sidaa ayuu qoraal kooban ku yidhi shalay Afhayeenka Xukuumadda Kalsoonida lagala noqday Ridwan Xaaji Cabdiweli. Waxanu qoraalkaas sidoo kale ku sheegay in Raysal-wasaaraha kalsoonida lagala nocday Cabdiweli Sheekh Axmed uga mahad-celiyay Shacabka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibedda taageeradii buuxday iyo kalsoonidii ay siiyeen Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.
Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isaguna sidoo kale ka hadlay go’aankaas Baarlamaanku kalsoonida kagala noqdeen Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh iyo Xukuumaddiisii, waxaanu soo dhaweeyay go’aankaas Baarlamaanka oo uu ku tilmaamay mid-geesinnimo, xil-gudasho ay Baarlamaanku sameeyeen ah, isla markaana muhiimad u leh dalka, dadka iyo dawladda Soomaaliya-ba.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u warramay Warbaahinta, ayaa guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada ugu hambaleeyey xilkasnimo iyo dimoqraadiyad uu sheegay inay muujiyeen, iyagoo gudanaya waajibaad Qaran oo saaran oo uu Dastuurka Qaranku ku waajibiyey, waxaanu sheegay inuu hambalaynayo Raysal-wasaaha iyo Xukuumaddiisa kalsoonida lagala noqday muddadii ay shaqaynayeen dedeel iyo karti uu sheegay inay muujiyeen. Waxa uu sheegay inuu si dhaqso ah u soo magacaabi doono Raysal-wasaare cusub oo xilka kala wareegi doona haddii uu kalsoonida Baarlamaanka helo Raysal-wasaaraha kalsoonida lagala noqday, isagoo xusay in Masuulka cusub ee uu jagadan u soo magacaabaa hawsha halkaas ka sii wadi doono.
“Soomaaliya way ka soo gudubtay dagaalkii sokeeye, way ka soo gudubtay fowdadii, way ka soo gudubtay xilligii ay si sahlan u kala daadan kartay, maanta waxa ay maraysaa meel ay Hay’adaheeda dawladnimada ay si buuxda u shaqeynayaan, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xidlhibaannadu waxa ay muujiyeen dul-qaad, karti dheeri ah iyo in ay aamminsanyihiin xalinta mushaakilaadkooda, waa dhab in lakala aragti duwanaaday, laakiin guul bay hawshaasi ku dhammaatay, ma jirto cid guulaysatay iyo cid laga guulaystay, ee waxa guulaysatay Soomaaliya iyo dawladdeeda.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.
Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Mudanayaasha Baarlamaanka ee kalsoonida lagala noqday Cabdiweli Sheekh codayntiisu u dhacday si caddaalad ah oo caalamku markhaati ka yahay, isagoo sheegay inay Xildhibaannadu Xaq Dastuuri ah u leeyihiin inay cod wax ku beddelaan, waxaanu sheegay Madaxweynuhu in Xildhibaannada ka soo horjeeday Mooshinkana ay waajib Dastuuri ah gudanayeen oo qolada haa u codaysay iyo qolada maya u codaysayba ay ku saxsanaayeen oo ay dimuquraaddiyadda iyo Dastuurka dalkiisuba oggol yahay.
“Waxa bilaabmay bayj cusub, bayjkaas cusub oo ah inaannu Xukuumad cusub dalka u soo dhisno, Xukuumaddaas aannu soo dhisaynaa maaha Xukuumad ay leedahay koox gaar ah, maaha Xukuumad ay leeyihiin shaqsiyaad gaar ah, maaha Xukuumad uu Madaxweynuhu leeyahay, maaha Xukuumad Raysal-wasaaraha iman doonaa leeyahay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Xukuumad la wada leeyahay bay noqon doontaa, Xukuumaddaasi waxay noqon doontaa Xukuumad ay wada leeyihiin Mudanayaasha u codeeyey haa, iyo kuwooda u codeeyey maya iyo inta ka aammustay-ba, Albaabbadaydu way u furan yihiin, talay ku leeyihiin, Xukuumadda waa laga wada mid noqonayaa, maaha mid Xisbi gaar ah iyo cid gaar ahi leedahay, taasi waa midda aan ummadda Soomaaliyeed ka ballan-qaadayno.”
Waxa uu Shacabka u soo jeediyey Madaxweynuhu in ay welwelka iyo walaaca ay qabeen halkaas kaga hadho, sidoo kalena Beesha caalamku werwerka badan ee ay ka qabtay heerka khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagnaa. Waxaanu Xasan Sheekh sheegay inaanay u arkaynin dhawaaqyadii beesha caalamka faro-gelin iyo qaddiyad kale, balse ay u arkayaan in ay aad u danaynayaan oo ay garab-taagnaayeen dawladda iyo dhismeheeda. Waxa uu intaas ku daray in
Mar kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlaya muddada uu ku soo magacaabayo Raysal-wasaaraha cusub waxa uu yidhi; “Waajibka Dastuuriga ah ee isaaran si dhaqso ah ayaan uga soo bixi doonaa inaan Raysal-wasaare soo magacaabo, Raysal-wasaarahaasina uu Xukuumadd u soo dhiso si dhaqso ah, isla markaana Baarlamaanku degdeg u baas-gareeyo, si hawlihii dib innooga dhacay maalmihii dhawayd aynu uga soo kabanno iyo inaan shaqada innaga dib-dhacday ka daba-tagno oo aynu kaga daba tagno saacado dheeraad ah oo aan shaqayno.”
“Waxaan fursaddan uga faa’iidaysanayaa oo aan leeyahay dadka Soomaaliyeed ha oggolaadaan in Sharcigu sarreeyo, Masuul kastaa ha oggolaado in Sharcigu sarreeyo, Aniga oo Madaxweyne ahi oggolaado in Sharcigu iga sarreeyo, qof kastaana sidaas oo kale yeelo, nin jeclaysiga, qabiilka iyo kooxaysigu waxba ma taraan, waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed yaanay daba-cararin Ninka dhacaya hantida yar ee la soo ururiyey ee Daaraha ka dhisanaya.” Sidaa ayuu yidih Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii xilka Madaxweyne-nimo ee Federaalka Soomaaliya loo doortay tobankii bishii sagaalaad sannadkii 2012-kii, waxa uu muddo bilk u siman ku soo magacaabay Raysal-wasaare uu u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, kaasoo dabayaaqadii sannadkii inna dhaafay ay is-khilaafeen Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana sidan shalay oo kale codka kalsoonida ay Baarlamaanku u qaadeen, ka dibna waxa uu bil gudeheed ku ugu soo magacaabay Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ah Raysal-wasaaraha shalay Baarlamaanku kalsoonida kala noqday. Masuulka cusub ee laga sugayaana waxa uu noqon doonaa Raysal-wasaarihii saddexaad ee uu Xasan Sheekh soo magacaabo muddada labada sano iyo dhawrka bilood ah ee uu xilka hayo.
Raysal-wasaaraha shalay xilka laga qaaday ee Cabdiweli Sheekh, ayaa noqonaya Raysal-wasaarihii 14-aad ee xilka xaalado khilaaf dartood ku waaya ee Xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka Soomaaliya soomaray tan iyo markii ay burburtay dawladdii Millateriga ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre 1991-kii, waxaana Madaxweyne kasta oo xil ka qabta Soomaaliya ay isku dhacaan dhawr Raysal-wasaare oo markay is khilaafaan uu kala beddelo, waxaana lagu tilmaamaa khilaafkaas kala jiidashada awoodda, hantida iyo Dastuurka Soomaaliya oo aan kala qeexaynin heerka awoodaha ay kala leeyihiin Raysal-wasaaraha iyo Madaxweynuhu.
Geesta kale, warar xog-ogaal ah oo Wargeyska Himilo ka helay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, ayaa tibaaxaya in Siyaasiyiin badani loollan adag ugu jiraan buuxinta jagada uu bannaynayo Raysal-wasaaraha Kalsoonida lagala noqday, isla markaana waxay wararku intaas ku dareen in kasta oo ay dad badani u xusul-duuban yihiin jagadaas, haddana Siyaasiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeeda dhinaca Somaliland ee ugu cadcad ay ka mid tahay Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Xukuumaddii Saacid ahaydna Raysal-wasaare Ku-xigeen Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Qabille oo hadda ah Xildhibaan ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya,
Sidoo kale, waxaa ka mid ah xubnaha Somaliland u dhashay ee loollanka adag ugu jira jagada Raysal-wasaaraha Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya Jaamac Axmed Maxamed (Jaamac-Oday), isla markaana ahaa Agaasimihii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland horraantii xil-haynta Xukuumadda Siilaanyo, xilkaas oo uu iska casilay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment