
Madaxa qeybta Qunsuliyadda ee safaarada Itoobiya Mr. Mulugeta Anagaw oo u warramay Wargeyska HIMILO, ayaa sheegay inay muddo dhowr todobaad ah is-bar-bar wadeen bixinta Fiisayaal lagu qaadanayo baasaaboorkii hore ee Somaliland iyo baasaboorka Cusub, balse bilowga sannadka soo socday ay ogolaanayaan oo kaliya baasaabokrka E-Passport, ka dib markii sida uu sheegay Xukuumadda Somaliland ka codsatay inay joojiyaan baasaaboorkii hore.
“Muddo bil iyo badh waxaan isbarbar wadnay inaan fiise ku bixino baasaboorka cusub ee Somaliland E-passport iyo kii hore, sida ay naga codsadeen madaxda Laanta Socdaalka Somaliland.
Laakiin, waxii ka dambeeya 31 bishan December, ma aqbali doono inaan fiise ku bixino baasaboorkii hore ee Somaliland, sida aanu ku heshiinay madaxda Somaliland,” Sidaa ayuu yidhi Mr Anagaw.
Mr. Anagaw waxa kale oo uu ka hadlay qorshe dawladda Itoobiya isbeddel ku samaynayso khidbadihii laga qaadi jiray Dal-ku-galkeeda guud ahaan dadka u socdaalayaa Itoobiya ee dunida dacalladeeda uga kala yimaadda.
Madaxa qeybta Qunsuliyadda Safaarada Itoobiya ee Somaliland Mr. Mulugeta Anagaw, waxa uu sheegay wixii ka bilaabma maalinta Arbacada oo ku beegan 10-ka bishan December la kordhinayo qiimayaasha fiiseyaasheeda kala duwan ee dal-ku-galka ee safaaradaha dalka Itoobiya ku leeyahay guud ahaan caalamka sidan.
“Fiisaha Bisha ah qiimihiisu wuxuu noqonayaa $40 (afartan Dollar), Fiisaha saddex bilood gelitaan keliya (3 Months single entry) wuxuu noqonayaa $60 (lixdan dollar), Fiisaha saddex bilood gelitaan dhowr jeer (3 Months multiple entry) wuxuu noqonayaa $70 (todobaatan dollar),” Sidaas ayuu yidhi Mr Anagaw.
Mr. Anagaw ayaa sheegay in korodhka qiimahii fiisayaasha dalka Itoobiya aanu gaar ku ahayn Somaliland, balse yahay mid guud ahaan saamaynaya dalalka adduunka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment