Friday, December 5, 2014

Qur’aanka Iyo Raadayntiisa-W/Q Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Mahad Alle SWT ka dib, Qur’aanku waa hadalkii Alle SWT, hadal ka saamayn baddani ma jiri karo. Qur’aanku waxna wuu ina farayaa waxna wuu inooga digayaa. Sidoo kale wuxuu inooga waramaa qisooyin dhacay, isagoo inooga digaya tubtii lagu halaagay in aynu qaadno. Qur’aanku wuxuu ka waramaa janno iyo naar, taas oo ah halka lagu kala aroorayo. In baddan wuxuu ka waramaa labadaa waxa dhex yaal. Sidoo kale Qur’aanku waa hagihii aadamaha iyo qodobadii lagu dhaqmayey halkaa laga qaadanayo. Wuxuu iftiinshaa qofka iyo xaqa Illaahay SWT ku leeyahay. Qofka iyo xaqa naftiisu ku leedahay. Qofka iyo xaqa waalidkiisu ku leeyahay. Qofka iyo xaqa ooridiisu ku leedahay. Qofka iyo xaqa mujtamacu ku leeyahay. Sidoo kale axkaamaha Guurka, Dhaxalka, Ganacsiga, Salaadda iyo Daharaada. Xajka iyo Soomka ayuu inooga warama. Sidoo kale axkaamo faro baddan oo siyaasaddii nolosha lagu hagayeyna ka mid tahay ayuu Qur’aanka Kariimka ahi ka hadlaa aalaba. Markaa waa dastuurkii Alle SWT ummada soo raaciyey si ay isugu xukumaan.
Dhibaatooyinka jira waxa ka mid ah in mujtamaceenu aanu isku hawlin barashada iyo fahamka Qur’aanka Kariimk ah. Taas oo ay keenayso inuu fikiro shisheeyo oo dadkan lagu sameyey. Laguna kala fogeeyey luuqadi Qur’aanku ku qornaa iyo iyagu inay is fahmaan.
Qur’aanku wuxuu leeyahay raadayn faro baddan oo uu qofka ku reebo. Inta u qofku fahmayana qalbigiisa u ruxo. Gilgilo iyo xasiilooni saamayn aan xad lahayna qofka uu ku rido. balse taas waxa ka ooman oo ka aradan qofka Qur’aanka Kariimka ah aanay is fahmayn. Waxa aynu soo qaadan doona dhawr tusaale oo muujinaya cid Qur’aan dhagaystay oo u raadayn ku yeeshay. Cidaasi ha ahaato Malaa’iig, Jiman iyo Insiba.
Asxaabigii la odhan jiray Sayd Ibnu Xudayd ayaa waxa uu yidhi ”habeen ayaan Salaatul-layl tukaday. Waxa aan akhriyey suratul Baqara, anigoo sidii u akhrinaya ayaan arkay fardihii ii xaraysnaa oo diday, waxa aan joojiyey Qur’aanki aan akhrinayey, way aamusen oo cidii iyo xeeradi ay gilgilayeen joojiyeen. Haddana Qur’aanki ayaan akhrintiisi bilaabay iyaguna intii ayey haddana bilaabeen. Markii dambe ayaan cirka eegay mise waa daruur aniga aad moodo inay igu soo dagayso oo aad igu dhaw. Aroortii ayaan Rasuulki CSW intii u sheegay wuxuu igu yidhi akhri Ibnu Xudaydoow Qur’aanka walaahi Malaa’iig ayey ahaayeene”. Haddaba is weydii oo Ibnu Xudayd iyo malaa’iigtu inay sidaa isugu soo dhawaadaan maxaa keenay?. Waa Qur’aanka uu akhrinayey, ee qof yahoow haddii aad doonayso in sidaa aad ahaato joogtee akhrinta Qur’aanka.
Habeen ayaa Rasuulka CSW oo akhrinaya Qur’aan waxa maqlay koox ka mid ah jinka. Dabadeed is aamusiiyeen iyagoo leh “aamusa aamusa” ka dib sida u Qur’aanku ka waramay waxay noqdeen iyaga oo digayaal ah, markii ay noqdeena waxa ay tolkood ku yidhaahdeen “waxa aanu maqalnay Qur’aan la yaab leh, oo kugu hagaya hanuun, waanu rumaynay anagu, Illaahayna cid la wadaajin mayno”. Waxa aad arkaysaa in isla markiiba iimaanku qalbigooda galay, taas waxa keenaysa fahamkii ay Qur’aanka Kariimka ah fahmeen inuu hadalkii Illaahay SWT yahay. Markii ay dhegaysteenba waxay isu rogeen digayaal. Adiguna intaasaad dhagaysanayse maalin uun aayaad Qur’aan ah oo aad dhagaystay waxay ka hadlaysay dadka ma uga warantay?.
Waxa iyana Qur’aanka dhagaystay koox wadaado kiristaan ah. Markii ay dhagaysteen ayey kasoo fal celiyeen isla markiiba, hadaladii iyo ficiladii ay maalintaa la yimaadeen Illaahay SWT wuxuu ka dhigay Qur’aanka ilaa maanta la akhriyo. Wuxuu Alle SWT yidhi “markii ay dhagaysteen hadalkii lagu soo dajiyey Rasuulka (Qur’aanka) waxa aad arkaysay indhahooga oo ilmadu kasoo qubanayso, garashadii ay xaqa garteen darteed, waxa ay yidhaahdeen Allahayoow waanu ku rumaynay ee noo qor in aanu ka mid nahay kuwa maraga kuu ah”. Isla judhiiba iimaanku qalbigooga wuu galay markii ay fahmeen inuu yahay hadalkii Alle SWT. Dano kale may eegin ee waxa ay noqdeen qaar muslimnimadu qalbigooda gasho.
Nin la odhan jiray Fudayd Ibnu Ciyaad ayaa wuxuu ahaaba la yidhi tuug dadka dhaca, oo shufto ah, habeen ayuu oday usoo dhacay isagoo doonayaa inuu xado, odaygu wuxuu tukanayaa Salaatul-layl, wuxuu maqlay odaygii oo akhrinaya aayada Qur’aanka ah ee odhanaysa “waar miyaanay gaadhin kuwa iimaanka laga helay in xuska Alle qalbigoogu u jilco”. Fudayd ayaadaasi qalbigiisa waran ayey ku noqotay, ka leexisay wuxuu u socdayba. Odaygii ayuu ag fadhiistay isaga oo ku leh waar Qur’aanka igu akhri, odaygiina inta uu yaabay ayuu ku yidhi waar maxaad ahayd, waar xageed iga timid xilligan. Fudayd Ibnu Ciyaad halkaa wuxuu ku noqday nin wixii ka toobad keena, wadaad aad u caan baxay ayuu ku dambeeyey Fudayd Ibnu Ciyaad oo markii uu usoo gabyayey Cabdilaahi Bin Mubaarak waa kii ku lahaa “waar kii labada Xaramayn ugu cibaadada badnaayow”. Darajada muxuu ku gaadhay Fudayd, waa Qur’aanka qalbigiisa tuujiyey.
Walaalayaal haddii aynu is nidhaa raadaynta Qur’aanka ka geyoon mayno dhamayna kari mayno. balse inaga intee ayuu qalbigeena taabtaa mise maba fahano. Markii ay reer yurub kusoo duuleen Falastiin ayaa janankii ciidanka watay yidhi waar haddaba kitaabkan iyo iyaga sidee ayeynu u kala fogaynaa, mid askartiisi ka mid ah ayaa kitaabkii inta u qabtay jeex jeexay, markaasuu ku yidhi janankii waar sidan maaha, sida aan doonayaa waa in qalbigooda aynu ka masaxno oo is fahamka ay is fahmaan kala kaxayno. Waxa marag ma doon ah intiina ay dhacday. Dunida Islaamka ee aan carabta ahayni barashada luuqada Carabiga liidnimo ayey u arkaan maanta, halka carabtiina qudhoodu u baahan yihiin in iyaga laftarkooga loo macneeyo Qur’aanka waayo lahjado kale ayey qaateen oo iyagiibaaba u baahan intooda baddani in loo macneeyo.
Walaalayaal gun iyo gunaanad waa in aynu wakhtigeena qayb ka mid ah u hurnaa barashada Qur’aanka iyo tafsiirkiisa. Si aynu u ahaano qaar uu raadeeyo. Markaa aad fahamtid ayaad ku dhaqmaysaa.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment