Friday, December 5, 2014

Maahmaahyada Saddex Leyda Ah- W/Q: Cali Cabdi Coomay

1. Saddex saddex loogama maarmo
• Oday arrin loogama maarmo
• Aqalna afaaf loogama maarmo
• Ubadna deeq loogama maarmo
1. Saddex waa laga tagaa
• Tub aan ceel lahayn
• Taran aan wiilal lahayn
• Talo aan caadil lahayn
2. Saddex saddex loogama tago
• Waad dad yar tahay dirir loogama tago
• Duunyo ayaad leedahayna deeqa loogama tago
• Waad da’weyn tahayna dumar loogama tago
3. Saddex waa laga ducaystaa
• Talo aan tawfiiq lahayn
• Taws aan ka bogsi lahayn
• Tigaad aan biyo lahayn
4. Saddex waa lagu tarmaa
• Hoo waalid
• Hayn cibaado
• Hagar la’aan tol
5. Saddex waa xarago adduunyo
• Hanta badni
• Qabiil wagaasani
• Hadal karnimo
6. Inkaarta dadku waa saddex
• Af-ku leeble
• Il-ku leeble
• Uur ku leeble
7. Saddex waa lagu hoogaa
• Ka tegid cibaado
• Ku tumasho waalid
• Ka tegid sokeeye
8. Saddex laguma deg-dego
• Masalo guur
• Maqrib roobabow
• Madi dhaxalkii
9. Saddex kaama hadho
• Nabsi kaama hadho
• Nasiib kaama hadho
• Nasab kaama hadho
10. Saddex bay Riyuhu dumarka ka shabbahaan
• Daymada
• Qooraasniga
• Qol qol wareega
11. Saddex baa aabaha laga dhaxlaa
• Magaciisa
• Maalkiisa
• Murtidiisa
12. Taladu waa saddex
• Mar aad gaadhi weydid
• Mar aad garan weydid
• Mar ay kula gudboon tahay
13. Saddex waa lagu xamdiyaa
• Caafimaad qab
• Cimri dheeri
• Cuud xalaala
14. Nin saddex buu nin u yahay
• Nin naagtiisuu nin u yahay
• Ninna maalkiisu nin u yahay
• Ninna afkiisa nin u yahay
15. Saddex weligaa haysku deyin
• Labaatan jir la orodkii
• Afartan jir la lagdankii
• Lixdan jir la gartankii
16. Saddex rajo male
• Caalin xishood lagu waaniyey
• Ciroole cibaado lagu waaniyey
• Cadrad xishood lagu waaniyey

Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, somaliland
calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
maahmaahyada saddexlayda ah……………………… Jaamac Biixi Muuse

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment