Thursday, December 4, 2014

SONSAF oo Qabatay Shirkii u horreeyey Noociisa ee lagaga Arrinsado Qaababka looga Faa’idaysan karo Kheyraadka dalka

Hargeysa, 04 Dec, 2014 (Himilo)- Daladda ay ku midaysan yihiin Ururrada Rayidka Somaliland ee SONSAF, ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay kulan lagu falan-qeeyey ka faa’idaysiga Kheyraadka dalka, gaar ahaan shidaalka iyo Macdanta, iyada oo shirkani noqonayo kii ugu horeeyey noociisa ee lagu qabto dalka.
SONSAFShirkan oo maalin xukumadda iyo Ururrada bulshada Rayidka ahi ku wadaagayaan xogahaya iyo macluumaadka ku saabsan qaababka ugu habboon ee looga faa’idaysan karo kheyraadka dalka si looga taxaddaro caqabado ka hor yimaadda, waxa ka qayb-galay wasiirrada Arrimaha Gudaha, Macdanta iyo Tamarta, Agaasimaha Dalladda SONSAF iyo xubno kale oo ka tirsan Ururrada Bulshada Rayidka ah.
Ugu horeyn, waxa kulanka furay isla markaana ujeedooyinka laga leeyahay sharraxay, Agaasimaha Daladda SONSAF Maxamed Axmed Barwaani oo sheegay in muhiimadda kulanku tahay sidii wada-tashi iyo xog-is-dhaafsi dhexmara ururrada Bulshada iyo Xukuumaddu uga yeelan lahaayeen qaababka ugu habboon ee kheyraadka dalka looga faa’idaysan karo.
“Ujeeddada ugu weyn ee shirka waxa ka mid ah sidii ay u jiri lahayd jewi laysku dhaafsado xogta dawladda iyo bulshada rayidka ah ee ku saabsan maamulidda ama horusocodsiinta kheyraadka dalka, taas oo bulshada rayidku taageerayso sidii kheyraadka waddankeenna ku jira looga saari lahaa, loo horumarin lahaa si looga baxo dhibaatada faqriga iyo waxyaabo badan oo dalkeena aafeeyey muddo aad u dheer.
Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdilaahi Ducaale oo isaguna kulankaas ka hadlay, ayaa faahfaahiyey halka ay marayso hawsha shidaal-baadhista Somaliland iyo caqabado ku gedaaman sidii shirkaduhu u bilaabi lahaayeen hawlahooda.
“Shirkadaha baatroolka hawshoodii waxay ku xidhan tahay OPU (Ciidamada Ilaalada Sahaminta) ee wasaaradda Daakhiligu ku hawlan tahay, Insha Allahu Qadiyadda OPU-du markay dhammaato shirkadihii waa diyaar inay hawshii bilaabaan, wacyi-gelin taam ah ayay dawladdu diyaar u tahay inay samayso iyo xidhiidhin ah inay bulshada u tagto oo wax u sheegto, intaanay wax shaqo ahi deegaannada ka bilaabmin oo laysla qaato qorsheyaasha iyo hawl-gallada oo dadka wax la fahamsiiyo.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Warancadde oo kulanka hadlay, ayaa ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in guud ahaan dalka si siman looga faa’idaysto kheyraadka dihin ee dalka oo uu sheegay inuu kaalin muhiim ah ka geysan doono horumarka iyo dhaqaalaha dalka.
“Waxaynu haynaa calaamadihii sheegayey in dalkani leeyahay barwaaqo aad iyo aad u fara-badan,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha oo intaas ku daray in muhiimadda ugu weyn ee ay xukuumad ahaan ku dedaalayaan tahay in ka faa’idaysiga kheyraadka dalku aanay caqabad hor leh ku keenin xasiloonida iyo deggenaanshaha Somaliland ku caano-maashay, isaga oo taas tusaale ugu soo qaatay inay tahay sababta loo samaynayo ciidamo gaar ah oo qaabilsan ilaalinta ammaanka shirkadaha sahaminta shidaalka ka samaynaya dalka.
Kulankan oo maalin kaliya ahaa, waxa kale oo ka hadlay xubno ka tirsan Ururrada Bulshada Rayidka ah oo soo bandhigay muhiimadda ay leedahay talo-wadaag laga yeesho caqabado ka hor iman kara iyo sida looga faa’idaysan karo kheyraadka tihin ee dalka iyo bulshada loola wadaagi lahaa isla markaana loo fahamsiin lahaa sida dalku ugu baahan yahay in horumarkiisa looga faa’idaysto kheyraadkiisa oo siman yahay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment