Thursday, December 4, 2014

Wax-garadka, Dhalinyaro iyo Aqoonyahan Hambalyo u diray Xubinta Haweenka kaga jirta Guddiga doorashooyinka

Hargeysa, 04 Dec, 2014 (Himilo)- Wax-garad, Aqoonyahan iyo Dhalinyaro, ayaa Bayaan Taageero, Hambalyo iyo Talo ah u diray Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ee toddobaadkii hore ay Golaha Wakiilladu ansixiyeen, waxaanay si gaar ah u hambalyeeyeen Xubinta keliya ee Haweenka ah ee ka tirsan toddobada Xubnood ee Guddiga cusub ee doorashooyinka Somaliland.
DSC05681Waxay Xubnahan oo ku sugan magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland sidaa ku sheegeen Bayaan kooban oo ay Magacyadoodu ku qornayeen soo ay Warbaahinta soo gaadhsiiyeen, kaas oo qoraalkiisu u dhignaa sidan:-
“Annaga oo ah Wax-garadka, Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Magacyadoodu hoos ku qaoran yihiin waxaannu Taageero iyo Hambalyo u gudbinaynaa Xubinta Haweenka Somaliland ugu jirta Guddiga doorahsooyinka Qaranka ee toddobaadkii hore Golaha Wakiilladu Codka Aqlabiyadda ah ku ansixiyeen Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi.
Waxaannu leenahay Hambalyo, Xilka culus ee adiga iyo lixda xubnood ee kale ee Guddiga doorashooyinka la idiin dhiibay Allaah ha idinku asturo, oo noqda Insha Allaah Guddi Xaq ugu adeega Shacabka Somaliland ee masuuliyadda ku dhawaaqista go’aankoodu idin saaran tahay, caddaalad-na ugu xaqsoora Xisbiyada iyo Musharrixiinta u tartamaya doorashooyinka soo socda haddii ILLAAHAY yidhiaahdo. Wa Billaahi Tawfiiq.” Magacyada Xubnaha Bayaankan Soo saaray waxay u dhignaayeen sidan:-
Eng. Maxamuud Xasan Cabdi
Mawliid Aadan Cumar
Muxiyadiin Cabdi Ibraahin
Khadar Cabdi Cabdillaahi
Eng. Axmed-nuur Cabdi Ibraahin
Dr. Axmed Ibraahin
Madar Cabdiraxmaan Axmed.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment