Sunday, December 7, 2014

Wakiillada oo Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyey Xeerka Diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isla shalayna Madaxweynaha u Gudbiyey

Nuxurka Afar Qodob oo Golaha Guurtidu Wax-ka-beddel iyo Kaabis ku sameeyeen

Hargeysa, 07 Dec, 2014 (Himilo)- Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa fadhigoodii shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Wax-ka-beddel iyo Kaabis Golaha Guurtidu ku soo saamaysay Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Golaha Wakiilladu hore ugu gudbiyey.
golaha-wakiilladaXeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ka kooban 46 qodob, ayaa mudaneyaasha Golaha Wakiillada shalay cod gacan-taag ah ku meel-mariyeen, ka dib markii Golaha Guurtidu wax-kabeddel iyo kaabis ku sameeyey Afar qodob oo ka mid ah Xeerkaa, kuwaas oo qaarkood yihiin qodobbadii uu ka dhashay khilaafkii sharci ee Golaha Wakiillada ku kala qaybsamay.
Qodobbada Golaha Guurtidu wax-ka-beddelka iyo Kaabista ku sameeyeen, ayaa kala ah Qodobka todobaad farqaddiisa 2aad, Qodobka 26aad farqaddiisa 2aad, Qodobka 28aad farqaddiisa kowaad iyo qodobka 42aad, kuwaas oo ka hadlay mudeynta wakhtiga ay bilaabmayso diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo muddada ay ka horranayso xilliga doorashooyinka.
Fadhiga shalay ee Golaha Wakiillada oo uu shir-gudodoominayey Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa ka hor intii aan codeynta loo qaadin xeerka uu mudaneyaasha ku war-geliyey isla markaana uu u arkhiyey qodobbada Golaha Guurtidu kaabista iyo isbeddelka ku sameeyeen.
Guddoomiye Cirro oo sharraxayey qodobbada wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey, waxa ka hadalladiisa ka mid ahaa, “Golaha Guurtidu Afar qodob ayay ka soo beddeleen xeerkii aynu u gudbinnay, markaa way ku raacaynaa ama keennii hore ayaynu raacaynaa. Qodobka todobaad farqaddiisa labaad oo ay ku qoornayd Lix bilood gudahood, waxa lagu beddelay Lix bilood ka hor Iyo Qodobka 26aad farqaddiisa labaad oo ahayd halkaasi Liiska Diiwaangelinta codbixiyeyaasha wuxuu soo saarayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranku laba bilood ka hor xilliga doorashada, waxaana la waafajiyey qodobkaas hore.”
Qodobka 28aad farqaddiisa koowaad oo ahayd maalinta ay bilaabmayso diiwaangelintu waxa ku dhawaaqaya Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxa lagu soo beddelay waxa ku dhawaaqaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Qodobka ugu dambeeya (42aad) waa farqad kaliya, Af-Soomaaliga uun bay soo hagaajiyeen, laakiin nuxurka waxba lagama beddelin, wuxuu ku saabsan yahay ‘Goob-joogayaasha Caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee hubinaya habsami u socodka hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxa wasaaradda Arrimaha Gudaha komishanka doorashooyinka si ay go’aan uga gaadho ogolaanshiyaha dal-ku-galka ay ku imanayaan Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro oo mudaneyaasha u akhriyey qodobbada wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey.
Intaas ka dib waxa ay mudaneyaasha lagu war-geliyey inay u codeeyaan qodobbada wax-ka-beddelka lagu sameeyey ee xeerka Diiwaangelinta codbixiyaasha, iyada oo fadhiga shalay ay ka soo xaadireen 44 mudane, waxaana xeerka guud ahaan ogolaaday 39 mudane, 3 mudane waa ka aamuseen, waxaana diiday 1 xildhibaan.
Meelmarinta Xeerka ee Golaha ka dib, waxa uu shir-guddoonka Golaha Wakiilladu Xeerka Diiwaangelinta isla shalayba u gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la filayo maalmaha soo socda inuu dhaqan-geliyo xeerka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment