
Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera oo shalay warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay shidaal tayadiisu liidato oo lagu iibiyo meheradaha qaarkood oo aanay wakhtigan waxba ka qaban karin, balse waxa uu shaaca ka qaaday qorshe lagu hubinayo tayada shidaalka ay ganacsadu iibiso, kaas oo maamulka Haamaha Keydka Shidaalku hirgelinayaan dabayaaqada sannadkan.
Ugu horeyn isaga oo ka hadlay qiime-bararka Shidaalka iyo farqiga u dhexeeyey Sicirka suuqa lagaga iibiyo iyo qiimaha shirkadaha waaweyni kaga iibiyaan ganacsatada tafaariiqleyda ah, waxa uu yidhi, “Suuqa shidaalka ee Caalamku aadbuu u jabay, shirkadaha shidaalka inoo keena oo Shan ah iyaguna waa jabiyeen (Qiimaha), laakiinse waxaan wali shidaalkii ka jabin suuqyadii iyo kaalmihii. Markaa, maadaama oo shirkadihii shidaalka inoo keenayey ay jabiyeen shidaalkii, kaalmuhuna waa inay jabiyaan kaalmuhu oo aanay dadkooda ku tacaddiyin oo isbeddelka suuqa la socdaan. Marka suuqa wax ku kordhaan, markiiba way dareemaan bulshadu, laakiin marka sicirka wax dhinmaanna waa inay dareemaan.
Dhowr maalmoodbaanu eegaynay inay kaalmuhu isbeddel sameeyaan, may samaynin isbeddelkii wali, markaa dadka kaalmaha leh waxaan ugu baaqayaa inay dadka sicirka ka jabiyaan, maadama oo shidaalkii uu jabay,” ayuu yidhi Maareeyuhu.”
“Shirkadaha waaweyn oo shidaalka Jabiyey aad baan ugu hambalyeynayaa, waa shan shirkadood oo si firfircoon u shaqeeya oo baaxadda Haamaha aynu hadda haynaana ku filan yahay wixii ay inoo keenayeen. Waxaan u sheegayaa inay daba-gal ku sameeyaan macmiilkooda Kaalmaha qiimaha ay ku iibinayaan,” Sidaas ayuu yidhi maareeyaha haamaha Keydka Shidaalka Berbera.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas daray, “Waxaanu annagu sugney tayada shidaalka inoo imanaya, kaalmaha shidaalku waa inay ka dedaalaan shayga la yidhaahdo khiyaamada oo shidaalka xabagta leh ee Boosaaso iyo dhulalka kale innaga soo galaya oo xilliyadan qabowga bilaabma.”
Maareeyuhu waxa uu sheegay inaanay Xukuumad ahaan waxba ka qaban karin ilaalinta tayada Shidaalka dalka dibaddiisa laga keeno wakhtigan, balse ay qorsheynayaan sidii loo keeni lahaa Shay-baadh lagu hubiyo tayada shidaalka, waxaanu yidhi, “Dhowaan waxaanu keeni doonnaa Laab-kii (Shay-baadhkii) oo kaalin kasta oo furan aanu tijaabin doonna haamahooda oo tijaabo laga qaadi doono, shahaadana la siin doono, taasina ay noqon doonto ta hadhow suuq-geynta kaalmaha u galaysa.
Maareeyaha oo la weydiiyey sababta ay Ganacsatada ugula xisaabtami waayeen tayada shidaalka iyo in tallaabo laga qaado cidda lagu helo shidaal aan isticmaalkiisu habboonayn, waxa uu yidhi, “Annagu ma lihin tallaabada, annagu waxaanu leenahay sheegidda, tallaabada qudha ee aanu ka qaadi karnaa waa markaanu Lab-ka (Shaybaadhka) keeno ee Kaalintii la baadho ee la ogaado shayga ay haysaa inaanu sax ahayn xagga tayada, markaasbaa laga qaadi karaa (tallaabada) oo dadkana loo sheegi karayaa, waxaananu rejaynaynaa inuu dabayaaqada sannaka noo dhammaystirmo (Shay-baadhka), taasaananu ku kaantarooli doona tayada Shidaalka dibadda ka imanaya.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment