Tuesday, December 2, 2014

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qalliin ku galay Cusbitaal ku yaalla Dalka Turkiga

Hargeysa, 02 Dec, 2014 (Himilo)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa qalliin ku galay cusbitaal ku yaala magaalada Ankara ee caasimadda Dalka Turkiga, halkaas oo isaga iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada u gaadheen gogol-xaadhka wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
IYMY7R1R76205042-somaliland-disisleri-bakani-turkiye-de-ameliyat-olduSida ay baahiyeen Warbaahinta dalka Turkiga shalay, laguna daabacay bogga internetka ee Cusbitaalka Lokman Hekim, wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi oo ay weheliyaan Xaaskiisa iyo wiil ay dhaleen, ayaa baadhis caafimaad u tagay cusbitaalka, halkaas wasiirku ku galay qalliin fudud oo lagaga sameeyey indhaha.
Madaxa Cusbitaalka Lokman oo lagu magacaabo Dr Galilee ayaa sheegay inay qalliinka oo lagu guulaystay ay sameeyeen koox dhakhaatiir ah oo cusbitaalka ka tirsan, haseyeeshee ma sheegin muddada uu qalliinku qaatay iyo wakhtiga uu cusbitaalku ku jiray.
Haseyeeshee, waxa lagu baahiyey bogga Cusbitaalku ku leeyahay Intenetka Sawirka muujinaya wasiirka oo la taagan dhakhaatiirta cusbitaalka oo uu la galay sawir xusuus ah barxadda hore ee cusbitaalka hortiisa oo uu Wasiirka ka tagayey cusbitaalka.
Dhinaca kale, wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo aanu laftiisa isku daynay inaanu xidhiidh la samaynayo si aanu xaaladdiisa wax uga weydiinno, nooma suurta-galin inaanu ku helno.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka madaxtooyada, ayaa todobaadkii hore dalka Turkiga ugu baxay gogol-xaadhka wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya oo dawladda Turkigu gogoshiisa gacanta ku hayso, halkaas oo ay kulamo ku yeelanayaan masuuliyiin ka socda dawladda Somaliya, si layskula meel-dhigo ajandayaasha lagu soo qaadi doono wad-hadallada oo wakhtiga ay qabsoomi doonaan lagu muddeyn doono kulamada gogol-xaadhka ah.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment