Thursday, December 4, 2014

Xukuumadda Somaliland oo Shaaca ka qaadday inay leedahay Awood Ciidan oo ay illaa Xamar si deggan ugu qabsan karto

Waa immisa tirada Ciidanka OPU ee ilaalinta Shirkadaha Sahaminta Shidaalka Somaliland loo abuuray, maxayse Xukuumaddu ka tidhi sida Beeluhu u kala helayaan Saamiga Ciidankaas?

Hargeysa, 04 Dec, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday inay leedahay Awood Ciidan oo ay si deggan ugu qabsan karto Caasimadda waddanka Soomaaliya ee Xamar haddii ay doonayso inay waxyeellayso Soomaaliya, isla markaana waxay beenisay kalsooni-darrada iyo walaaca Beesha caalamku ka muujisay Ciidammada ilaalada Shirkadaha Sahamitna iyo baadhista Shidaalka ka wada Somaliland ee OPU oo ay sheegeen in halis nabadgelyo kaga iman karto dalalka la deriska ah.
waranWasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo shalay magaalada Hargeysa kaga hadlay arrintan Ciidanka ilaalada Shirkadaha Sahaminta iyo baadhista Shidaalka ka wada Somaliland ee ee Oil Protetion Unit (OPU) oo dhawaan Madaxweynaha Somaliland Digreeto ku soo saaray magacaabista Ciidankaas, balse aan weli si rasmi ah loo abuurin sida uu sheegay Wasiir Waran-cadde.
“Waxay leeyihiin dawladaha qaarkood iyo beesha caalamku Ciidammada OPU waxay khatar gelinayaan Soomaaliya iyo dalalka la deriska ah. Waxaan halkan ka caddaynayaa inay been tahay, waxaan halkan ka caddaynayaa in war khaldan la siiyey beesha caalamka, Ciidanka OPU waxay hoos yimaaddaan Wasaaradda aan Madaxda ka ahay, waxay ka tirsan yihiin Ciidammada Booliska, Ciidammada hoos-yimaadda Wasaaradda aan Madaxda ka ahay ee Booliska waxaa ka mid ah OPU-daa immika aan ka hadlaayo, SPU, RRU, CID, Laanta Socdaalka iyo ilaalada Xeebaha.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde.
Waxaanu intaas ku daray oo uu yidhi; “Waxa ka baxsan Ciidanka Qaranka ee ballaadhan ee hantidii badnayd ee aan sheegay haya haddaynu doonayno inaynu Soomaaliya wax yeelno waxaynu awood u leenahay si tartiib ah oo deggan inaynu xataa Xamar dib u qabsanno ayeynu awood u leenahay. Laakiin, ma yeelno, Taakana kama gudubno Xuduudkii ay dawladihii Gumaysigu dhigeen ee innaga iyo Soomaaliya innoo dhaxaysa, waynu ixtiraamnaa, Xuduudka innaga iyo Itoobiya innoo dhaxaysa waynu ixtiraamnaa..”
“Xuduudka baddu dalalka ay innoo dhexeeyaan waynu ixtiraamnaa, haddaynu doonayno inaynu cid waxyeelno Ciidanka awooddaas leh ee aynu haysanno ayaynu cid wax ku yeeli lahayn, macadallaa saddex boqol oo Askaro oo qori AK ah sita oo OPU ah oo laga soo xulay Booliska Somaliland iyo Ciidanka Qaranka. Laakiin, loo tabobbaray si casri ah oo ah qofka Ajaanibka ah ee innoo yimaadda ama Shirkadaha Caalamiga ah ee Shidaalka qodaya dadka ka socda ee wax qodaya naftooda inuu qofkaasi badbaadin kara ama awood u leh in lagu soo gaadho haddii meelaha qaarkood loo istaago.” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu sheegay inay beesha caalamku ka war-qabto abuurista Ciidankan iyo ujeeddadiisa, balse warar qaldan la siiyey, waxaanu yidhi; “Beesha caalamku way ogtahay, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuu ogyahay inaanu Ciidankaasi mud-darro cidna u lahayn, laakiin aynu uga baahannahay dadkaas ku mashquulsan khayraadka dalkeenna inay soo saaraan inay helaan jewi deggan, amni ah oo naftooda ay isku hallayn karaan naftoodu inay ammaan tehay oo keliya.”
“Hadday intaas diiddan yihiin oo ay leeyihiin dayaca oo u dayaca cadawga ama iyaguba aanay raalli ka ahayn, dee si wanaagsan ha noogu sheegaan oo ha yidhaahdaan; ‘waar meesha wax u dooni maynee naga daaya ciddan amniga samaynaysa’. Ciidammadani waa saddex boqol iyo jar-jar Askari, maaha Ciidan awood weerar leh, waa Ciidankaa u tabobbaran sida Ciidammada casriga ah, waxaannu qarsannay maaha, Shirkado Ingiriis ah baannu u yeedhnay, iyagaa dejiyey sida loo dejinayo iyo cidda tabobbaraysa, waanannu wadaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Cali Maxamed Waran-cadde.
Wasiirka arrimaha guduhu waxa uu sheegay in Liiska Ciidankaas uu isagu hayo, isla markaana aanay illaa hadda jirin hal qof oo la qoray, waxaanu sheegay inaanay waxba ka jirin warar sheegaya in beelo gaar ah iyo jilibbo hoose laga qoray Ciidammadaas. Hase-yeeshee, waxa uu sheegay inaan warkaas waxba ka jirin, waxaanu ku dooday in Ciidankaasi noqon doono Ciidan ka kooban guud ahaan Beelaha dalka Somaliland wada dega deegaan ahaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment