Saturday, April 18, 2015

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Markii u horeysay Isku-canaanatay bixinta Cashuuraha iyo Digniin loo jeediyey Masuuliyiinta Dowladda

Hargeysa, April 17, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii ugu horraysay digniin u jeedisay masuuliyiin xilal kala duwan ka haya hay’adaha Dawladda ee caadaystay inay bixiyaan cashuurta ku waajibtay Maalka ay sida gaarka ah u leeyihiin.
lexeWasiiru-dawalaha Wasaaradda Maaliyadda Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa soo bandhigay hab-dhaqanno ka hor imanaya inay shacabku u hoggaansamaan bixinta cashuuraha ku waajibay, kuwaas oo uu tusaale u soo qaatay Masuuliyiin qaranka xilal ka haya oo cashuuraha ku waajibay maalkooda gaarka ah uga faa’idaystay mansabka ay hayaan, iyagoon bixin cashuuraha.
Wasiirku waxa uu masuuliyiintaas u diray Farriin cad oo uu ku sheegayo in looga fadhiyo Bixinta cashuuraadka waajibka ku ahaa Maalkooda. “ama Garsoore ha ahaado, ama wasiir ha ahaado ama nin derejo sida oo ciidanka kamid ah ha ahaadee waxan ka codsanayaa oo faraynaa baabuurta ay wataan ee gaarka ah marka la joojiyo inaanay awoodda Dawladda isticmaalin ee sida muwaadinka Somaliland ay cashuurta u bixiyaan. haddii ay guryahooda tahay, haddii ay Ganacsigooda tahay iyo Haddii ay baabuurkooda tahay looma adeegsan karo Derejada qaranka somaliland in cashuurta dalka lagu diido, suurtana gelimayso in islaanta tamaandhada iibisa ee lacagtaas laga soo qaaday derejadaas ama xilkaas lagu bixiyey inuu sharciga u diido walaahi inaanaan aqbalaynin,”ayuu yidhi Wasiir Caddaani.
Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu uga digay Masuuliyiinta xilalka haya inay haddidaad gaadhsiiyaan shaqaalaha u dabran ururinta cashuurta, waxaanu yidhi, “Waxan ka codsanaynaa Masuuliyiinta maanta dalka joogta inuu mid waliba shaqaalihiisa iyo madaxdiisa amro oo gaadhigiisa ninkii aan cashuurin ama gurigiisa aan cashuurini uu cashuurta sida ugu dhakhsaha badan u bixiyo, mana doonayno nin bahdila shaqaalahayaga, Hadii uu askari yahay iyo Haddii uu kastamada jooga waliba uga dulqaadan mayno ka derejada maanta haya xilka uu doono qaranka haka hayee. Iyadoo ay muwaadiniinta somaliland cashuurta bixinayaan.”
“Cidda xilka haysa ee Baabuurtoodu aanay cashuurnayn ee jidka marayaanow ha isku dayina inaad xilka aad qaranka u hayso adeegsato, Gaadhigaana waad dhigaysaa wixii cashuur ku waajibtana waad Bixinaysaa,” Sidaas ayuu yidhi Md Caddaani.
Hadalka Wasiir Caddaani ayaa ku soo beegmay iyada oo dhawaan ay Wasiirka Maaliyaddu shaacisay olole ballaadhan oo lagu dar-dargelinayo ururinta cashuuraha, iyada oo dhammaan gobollada dalka ay socdaallo ku marayaan masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Somaliland.
Waa markii u horeysya muddadii xukuumadda madaxweyne Siilaanyo talada dalka haystay ay masuuliyiinta xilalka ka haya ugu baaqdo inay iska bixiyaan cashuuraha ku waajibay.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment