Sunday, April 19, 2015

Soomaaliya oo Tagto hore ugu gar-dhigatay Koonfur Afrika oo ay kala hadashay dhibaatada Soomaalida dalkeeda lagu hayo

Booliska Koonfur Afrika oo ka digay farriimo ka dhan ah Ajaanibka dalkooda ku dhaqan oo dadkeedu baahinayaan
Johannesburg, 19 April, 2015-(Himilo)- Ciidammada Booliska dalka Koonfur Afrika, ayaa ugu baaqay dadka in ay joojiyaan farriimaha aan la xaqiijin ee ku saabsan weerarrada ka dhanka ah dadka Ajaanibka ah ee la soo dhigayo baraha Internet-ka ee Bulshadu ku wada xidhiidho, iyagoo ku dooday inay sababayaan farriimahaasi argaggax iyo cabsi laga qaado dalkaas, iyagoo dadka lagu dhibaateeyey waddankaas ay u badan yihiin Soomaali Ganacsiyo ka furtay Koonfur Afrika.
DADKA REER KOONFUR AFRIKA EE SOOMAALIDA DILKA, DHACA IYO BOOBKA KU HAYADawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa iyadu Sabtidii shalay war ay soo saartay kaga hadashay weerarrada lagu hayo Muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee waddanka Koonfur Afrika ku dhaqan, iyadoo dawladda dalkaas ugu baaqday inay xil-iska-saarto ilaalinta Muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee Muwaaddiniinta reer Koonfur Afrika ku hayaan, dilka, dhaawaca, boobka iyo dhaca hantidooda.
Ciidanka Ammaanka waddanka Koonfur Afrika, ayaa sheegay in ay ka welwel-qabaan waxa ay ku sheegeen in ay yihiin waxyaabaha aan sal iyo raad toona lahayn in ay sii kicinayaan rabshadaha ka dhanka ah dadka Ajaaniibta ah ee ku nool dalkaas. Illaa iyo 30 qof ayaa loo xidhay rabshado habeen-hore ka dhacay magaalada Johannesburg, waxaana sidoo kale la burburiyay Ganacsiyo dhawr ah oo ay leeyihiin dadka Ajaaniibta ah oo Soomaaliduna ka mid yihiin.
Ugu yaraan illaa Shan qof, ayaa ku dhimatay weerarrada ka dhanka ah dadka Ajaaniibta ah, kuwaasoo soo billaabmay ka dib markii Boqorka Qabiilka Zulu Goodwill Zwelethini uu sheegay inay tahay in Ajaanibku ka baxaan dalkooda Koonfur Afrika. Dadka soo galootiga ah ayaa lagu eedeeyaa in ay shaqooyinka kala wareegeen dadka deegaanka oo sabool u badan.
Dadka Ajaanibka ah ee dhibaatooyinka isugu jira dilka, dhaca, garaacista, jidh-dilka iyo gubista kala kulma dalka Koonfur Afrika, ayaa u badan dadka Soomaalida ah oo waddankaas qaxoonti ahaan ku galayey muddadii colaaduhu ka taagnaayeen dalka Soomaaliya, kuwaasoo Ganacsiyo kala duwan ka samaystay waddankaas, waxaana naftoodii iyo maalkoodiiba ku waayey boqollaal qof oo Soomaali ah oo dhac iyo dilba la isugu daray.
Booliska waddanka Koonfur Afrika, ayaa lagu eedeeyaa inaanay waxba ka qaban dhibaatooyinka sida badheedhka ah ay dadka reer Koonfur Afrika ugula kacaan dadka Ajaanibka ah ee dalkaas ku dhaqan, isla markaana aanay ka daba-tegin cidda dembiyada dilalka, dhaawacyada iyo dhaca u geysata dadka aan waddankaas u dhalan ee Ajaanibka ah.
Hase-yeeshee, War qoraal ah oo Sabtidii shalay ka soo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa lagaga hadlay dhibaatadan Soomaalida Koonfur Afrika ku dhaqan lagu hayo. “Dawladda iyo Shacabka Soomaaliya waxa naxdin ku noqotay xad-gudubyada ka dhanka ah Muwaaddiniinta Soomaaliyeed, iyadoo la ogsoon yahay Taageerada xooggan ee Soomaaliya ay u fidisay loollankii dheeraa ee guuleystay ee Koonfur Afrika ay ku diiddanayd Midab-takoorka.” Sidaa ayaa lagu bilaabay qoraalka dawladda Soomaaliya kaga hadashay dhibaatada haysata Soomaalida Koonfur Afrika ku dhaqan.
Waanu sii socday qoraalka War-Saxaafadeedkaasi, waxaana lagu yidhi; “Taariikhdu waxa ay markhaati ka tahay tallaabooyinka Shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya ay u qaadeen si loo sugo xorriyadda Shacabka Walaalaha ah ee Koonfur Afrika, waxaa lagu bixiyay dedaalkaasi hanti iyo taageero dhinacyo badan leh si loo gaadho Koonfur Afrika oo xor ah. Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad Barre waxa uu yidhi; ”Gobonnimada iyo Xorriyadda aan heysanno wax micno ah ma laha iyo faa’iido, xilli Walaalaheenna Koonfur Afrika ay yihiin kuwa la dulmiyay oo ka xanniban Xuquuqdoodii oo aaney laheyn aaya-katashi, annaga iyo waddamada Afrika waxaannu laban laabi doonnaa dedaalkayaga si aan caalamka ugu baraarujinno xaaladda halista ah ee ka taagan Koonfur Afrika, waxa waajib nagu ah inaan taageero farsamo iyo mid niyad ah aan u fidinno dhaq dhaqaaqyada xornimo-doonka Afrika, si dal waliba oo Afrika ah uga xoroobo kuwa boobaya kheyraadka, dhaawacna u geysanaya karaamada iyo sharafta Afrika”.
“Sidaas darteed, dhaqankaasi colka ku ah shisheeyaha iyo badawnimada ay muujiyeen kooxda xad-gudubyada soo noq-noqday geysaneysa maaha mid la aqbali karo. waxaannu soo dhaweyneynaa farogelinta deg-degga ah iyo cambaareeynta uu jeediyay Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma, oo toddobaadkan ka hor sheegay Baarlamaanka in dawladdiisu aaney cafiyi doonin dadka geysta weerarradan ka dhanka ah dadka rayidka ah ee sida wacan u shaqeysanaya ee deggan Koonfur Afrika, annagu waxaanu taageereynaa hadalka Madaxweynaha ee ah in weerarrada noocan oo kale ah aan loo sameyn karin marmarsiiyo. Sidaas darteed, waxaanu ugu baaqeynaa Dawladda aannu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika inay qaaddo tallaabooyinka deg-degga ah ee Lagama maar-maanka ah si loo hakiyo weerarradan ka dhanka ah Muwaaddiniinta, lana Maxkamadeeyo dhammaan dadka ku lugta leh dembiyadan.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warka Soomaaliya ka soo saartay dhibaatada shacabkeeda ku dhaqan Koonfur Afrika.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment