Hargeysa, 19 April, 2015-(Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sagootiyey shan iyo toban qof oo ka tirsan Hawl-wadeennada Wasaaraddaas oo Deeq Waxbarasho u tegay waddanka Itoobiya, kuwaasoo soo baran doona maamulka hawada hoose ee diyaaradaha.
Hawl-wadeennadaas oo muddo sannad ah soo baran doona aqoonta Maamulka Hawada, ayaa shalay munaasibad kooban oo sagootin ah loogu qabtay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, iyada oo sidoo kalena halkaasi lagu guddoonsiiyey Shahaadooyin ku saabsan koorso kooban oo ay ku barteen Luuqadda Ingiriisida.
Munaasibaddaasi, waxa Wasiirka Duulista ku wehelinayey Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Wasaaraddaas oo uu ka mid yahay Agaasimaha Waaxda Duulista Saciid Mahdi, Agaasimaha Waaxda Mashaariicda Muuse Ibraahim Salaf, Afhayeenka Wasaaraddaasi Saddam Maxamed iyo Maamule Ku-xigeenka Madaarka Cigaal Maxamed Xuseen.
Agaasimaha Waaxda Duulista Saciid Mahadi Ileeye (Saqiire) oo munaasibaddaas ka hadlay, ayaa yidhi; “Sharaf weyn ayey ii tahay maanta oo ay Wasaaraddu dufcaddii labaad ee shaqaalaheeda ah dibedda u dirayso, dedaalkana waxa leh Wasiir Maxamud Xaashi Cabdi, oo Wasiirradii hore noo soo maray kamabay fekirin aqoonta. Kooraskan laydiin dirayaa waxa weeye kooraska la yidhaa maamulka hawada (Air Traffic Control) oo waa shaqo muhiim ah waana ta dhakhtarnimada oo kale, waayo? Intaas oo qof oo Diyaaradda aad hagayso saaran badqabkoodu gacantaada ayuu ku jiraa, intaa in le’eg oo khalad ah haddaad samayso dee waad xidhan tahay, markaa dedaal ayaa laydinka rabaa.”
Wasiirka Duulista Somaliland Md. Maxamuud Xaashi oo munaasibaddaasi ka hadlay waxa uu yidhi; “Run ahaantii farxad weyn ayey ii tahay, maanta in aynu munaasibaddan isugu nimaadno, taasoo sidii Saddam sheegay ku aaddan laba ujeeddo, waata koowaad waxa weeye Ardayda halkan fadhida ee aynu tabobbarka u dirayno oo soo dhammeeyay kooras gaaban oo luuqadda Ingiriisiga ah oo ay Jaamacadda Islamic Online University siinaysay in halkan lagu siiyo shahaadooyinkoodii, oo masuuliyiintii iyo Macallimiintii Jaamacadduba ay innala joogaan. Marka labaad wakhtiga oo nagu yar darteed oo laga yaabo galabta in aad dhooftaan, waxaannu uga faa’iidaysanaynaa in ay noqoto sagootis iyo macalsalaamayn.”
Wasiir Xaashi oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku ladhay; “Waxaan jecelahay in aan halkan uga mahad-celiyo ugu horrayn Masuuliyiinta iyo Macalimiinta Jaamacadda Islamic Online University, oo runtii wax weyn ku biirisay Ardaydan iyo guud ahaanba Waxbarashada Somaliland, si gaar ahna waxaan u hanbalyeynayaa Dr. Bilaal Philips, oo ah nin aqoonyahan ah oo Somaliland aqoontan keenay oo aynu u baahnayn in aynu ka faa’iidaysanno, mar labaadka waxaan jecelahay in aan halkan uga mahad-celiyo dawladda aannu Walaalaha nahay, Saaxiibka nahay, Deiska nahay ee Ethiopia Wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adda Duulimaadyada oo deeqdan waxbarsho inna siiyey, Deeqdan Waxbarasho muddo dheer ayaannu daba soconnay, dawladda Ethiopia waxaynu nahay dad walaalo ah oo isku deegaan dhaw, waxaynuna nahay dad isku midab ah haddana kala aqoon sarreeya, waayo? Waa dal inNaga hano-qaad horreeyay.”
Mar uu Wasiirka Duulistu ka hadlayey muhiimadda tabobbarkan sida ay Somaliland ugu baahnayd, waxa uu yidhi; “Fursad weyn ayey innoo tahay qiimo weyna way innoogu fadhidaa in maanta aynu seeska u dhigno sahanna u diranno, wixii la odhan jiray Air Traffic Control’s, ( maamulka hawada ) inaad soo barataaan guul weyn iyo qiimo weyn ayey tahay, qaranka aad maanta ceelalyada u tegaysaan Raggii u dambeeyey ee waxaas iyo wax ku dhaw soo bartay waxa ka mida ninkan Agaasimaha ah ee Saciid Saqiire, Waaxdii duulista madaniga ahayd ee wixii Soomaaliya la odhan jiray markii laysku noqday dadkii wax bartay ee dibedda loo diray, waxay wakhtigaas u badnaayeen dad Somaliland ah, Raggaas maanta Saciid-baa innagala jooga Raggii kale waa wada quruushay, ninka da’daas ah ee Saciid iyo idinka wax idiin dhaxeeyaa ma jiraan, faraqaasna waad garan kartaan.”
“Waxa Taawaradeenna innoo hagta Hay’adda ICAO, shaqada aannu doonayno inaad soo barataan maanta waxa innoo haya Ajinabi, innamo sawaaxiliyiin ah ayaa innoo maamula, waa ku mahadsan yihiin ka abaal ka dhici mayno. Laakiin, waxa aynu u baahnay inaynaan Nin asaageen ah isku halayn, oo aynu han yeelanno, oo waxbaranno, waxeenna waa inaynu innagu maamulannaa. Somaliland Hawadeeda waxay doonaysaa inay maamulato, markaas muddadaa saddexda sano ah ee Qaramada midoobay ay doonayso inay gacanta ku sii hayso ee aynu innaguna doonayno inaynu maamulanno aakhirka, waxa Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo uu hoggaamiyo ka go’an inay Qaranka u soo saarto dhalinyaro aqoon leh, idinkuna aad u horraysaan, oo hawadeenna haga.” Sidaa ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.
Waxaanu Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland intaas ku sii daray; “Maanta idinka waxa laydin soo barayaa hawada qaybta hoose (Lower Air space) waxaana noqonaysaan kuwa diyaarahadaha soo haga markay hawadeenna soo gasho, soo dejisaan marka dambe aad kicisaan, intaasaa koorsadan masuuliyaddiisu noqonaysaa, laba sano ayaa Koorsadan lagu bartaa, immika waxa lagu soo ururiyey sannad wax ku dhaw, dawladda Itoobiya waxaannu ka codsanay in Koorsadan la soo koobo, waxa aad wax baran doontaan saacado aad u dheer, oo laba gelinba ah, waayo? Waxaannu doonaynaa inaad saacadahaas waxbarasho buuxisaan waa shaqo adag oo guddoon, hami iyo Ragannimo u baahan.”
“Waxa kale oo aan idinku war-gelinayaa in aannu dawladda Itoobiya ka codsannay inay naga caawiyaan, in aynu hagno maamulka hawada sare (Upper Air space) ee Somaliland inaynu hagi karno, taasna qofka tabobbarka lama siiyo illaa uu qaato koorsadan aad immika u baxaysaan ee Lower Air space, markaas marka qaybtan dhammaysaan ayaa taas kalena laydin barayaa, waxay innoo ballan-qaadeen in xubnaha u sarreeya Ardaydiinnan in la reebi doono uu muddo laba sannadood ah ay tabobbarkaas kale qaadan doonaan, waa Jaamacad dhammaystiran, dedaalkuna idinka ayuu idinku xidhan yahay, waxaannu idiin rejaynayaa Guul. muhiimadda ay waxbarashadaasi leedahay ee aannu danaynayno darteed, dawladda Itoobiya waxay na siiyeen deeqdaas Waxbarasho, hoyga iyo cunnadana Wasaaradda Duulista Somaliland ayaa bixinaysa INSHA ALLAAH.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.
Munaasibaddaasi ayaa sidoo kalena waxa ka hadlay Saciid Cabdilaahi Saciid oo ka tirsan maamulka Jaamacadda Islamic Online University, oo koorso kooban oo luuqada ah siinaysay Ardaydaasi, Isaga oo masuulyiinta Wasaaradda duulista ku amaanay dadaalka ay ugu jiraan tayeynta hawl wadeenada Wasaaradaasi, iyadoo halkaasina shahaadooyin lagu guddoonsiiyey ardaydaas.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment