Hargeysa, 19 April, 2015 (Himilo)- Maayer-Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa iyo Xoghayaha dawladda hoose, ayaa shalay xadhigga ka jaray mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyey magaaladda Hargeysa.
Mashaariicdan ayaa kala ah Biriish laga dhisay Xaafadda isku raranka ah ee State House iyo Garoon weyn oo laga hirgaliyey degmadda Macalin Haaruun ee Bariga magaaladda Hargeysa.
Xafladda xadhigga lagaga jarayey mashaariicdan, ayaa waxa ka qaybgalay, Maayar ku-xigeenka Caasimadda ahna ku simaha Maayerka Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Ina-Caga-weyne), Xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa, Xildhibaannada Golaha Deegaanka, Agaasimeyaasha Waaxda hawlaha guud ee dawladda hoose iyo Marti-sharaf kale
Ku-simaha Maayerka Caasimadda ahna Maayar ku-xigeenka Cabdicasiis Maxamuud Xaashi, ayaa sheegay in mashaariicdan ay xadhiga ka jarayaan qaarkood iska kaashadeen mashruuca JPLG ee dawladaha hoose iyo qaar ay iyagu hirgaliyeen, waxaanu dadweynaha ugu baaqay inay cashuurta iska bixiyaan si wax loogu qabto oo waddooyin loogu dhiso.
Cabdicasiis oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Waxaynu xadhigga ka jaraynaa Biriijkii isku xidhayey xaafadda State House-ka, kaasoo baahi badan loo qabay, isla markaana khatar ku jiray inuu ku dumo iyadoo aanay jirin meel ay soo maraan, waxaana biriijkan nagaga baxay dhawr iyo afartan kun sidaa darteed waa inay xaafaddu ilaashataa, isla markaana qashinka aanay ku soo shubin, waxaana bariijka dumiyay marka qashin lagu shubo ee la gubo ama dab la qabadsiiyo ayuu dumayaa, marka walaalayaal ka illaaliya qashinka aad ku soo shubaysaan, waxa kale oo u mahad naqayaa Mashruuca JPLG-ga oo qayb weyn ka qaatay dhismaha biriijkan”.
Sidoo kale, Xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa, Ibraahim Axmed Raabi, ayaa sheegay inay muhiim tahay inay dadka iyo dawladuba wada shaqeeyaan, isla markaana horumar weyn sidaas lagu gaadhayo, isagoo u mahad-naqay hay’adaha iskaashiga wada leeyihiin ee mashruuca JPLG-ga oo uu xusay inay gacan ka geysteen.
Waxay Ku-xigeenka Duqa Caasimadda Cabdicasiis Cago-Weyne iyo Xoghayaha dawladda hoose Ibraahim Raabi xadhigga ka jareen Garoon weyn oo laga hirgaliyey degmadda Macalin Haaruun, kaasoo dhulka iyo dhismaha dawladda hoose hirgalisay.
Maayer ku-xigeeku waxa uu shacabka ugu baaqay inay cashuurta iska bixiyaan, isagoo xusay in dadka lacagta leh ee aan cashuurta bixin warbaahinta ka sheegi doonaan, isagoo xusay in aanay suurogal ahayn in miskiinkuna cashuurta bixiyo ka taajirkuna cashuurta bixin waayo.
“Waxaynu immika xadhiga ka jaraynaa garoon weyn oo loo dhisayo degmada Macalin Haaruun, waydinka arkaya mashaariicda kala duwan ee aanu ka hirgalinayo Caasimada, sidaa darteed, waa in aad cashuurta bixisaan oo dadka lacagta leh lacagta bixiyaan, waxaana warbaahinta ka sheegi doonaan dadka taajiriinta ah ee aan cashuurta bixin, suuragalna maaha in miskiinka cashuurta bixiyo kii ladnaana cashuurta bixin waayo, walaalayaal cashuurta bixiya si qashinka la idin kaga guro si waddooyin aad u heshaan waa inaad cashuurta bixisaan.”
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin kale, kuwaasoo ku nuux nuuxsaday mashaariicda horumarineed ee ka socda caasimadda iyo kuwo ay shalay xadhiga laga jaray, iyaga oo ay soo dhoweeyeen goobahan dadkii deganaa ee mashaariicdan laga hirgaliyey.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment