Saturday, April 18, 2015

Mudane Katirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland Oo Maanta Muqdisho Lagu Dilay

Muqdisho:April,18,2015(Himilo)-Mudane katirsan Baarlamaanka Maamul-goboleedka Puntland, ayaa saaka kooxo hubaysani ku dileen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia.

sooleEebbe ha u naxariistee Xildhibaan Aadan Yare waxaa uu Kasoo jeedaa Deegaano ku yaalla Gobolka Sool ee Gudaha Somaliland, waxana uu in muddo ah kasoo mid ahaa Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Waxaa hore magaalada Muqdisho loogu dilay xildhibaano fara badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaliya, balse xildhibaan Aden yare waxaa uu noqonayaa xildhibaankii u horeeyey ee ka tirsan Maamulka Puntland oo lagu dilo caasimada Soomaliya ee Muqdisho

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment