Monday, August 3, 2015

Baadhitaan Musuqmaasuq Ee Shirkada Soma Oil Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Tuhuno Laga Qabo Madaxda Ugu Sareysa Dawlada Federaal Somaliya.

Muqdisho (Himilo)-Saraakiisha ka socda Xafiiska ka hortaga Musuq Maasuqa baahsan ee loo yaqaan Serious Fraud Office (SFO) ayaa lagu wadaa inay wareysi la yeeshaan Madaxa shirkadaasi Soma Oil oo hore usoo noqday hogaamiyaha Xisbiga Conservative Party UK.

Michael Howard oo ah madaxa ugu sareeya ee shirkada Soma Oil & Gas ayaa sheegay inuu la kulmi doono saraakiisha wax baadheysa isagoo iska fogeeyey inuu isagu wax lug aanu ku lahayn musuq maasuqa lagu soo eedeeyey shirkadaasi, maadaama aanu waxna kala socon hawl-maalmeedka shirkadaasi, isagoo kaalintiisa ku sheegay (non-executive director).

Xafiiska SFO ayaa bishan furay baadhitaanka kadib markii ay soo shaac baxday in lacago badan lagu lunsaday magaca shirkada Soma Oil & Gas oo heshiis horey ulla gashay dawlada Federaalka dhanka wax-soo-saarka Macdanta gaar ahaan Shidaalka iyo Gaaska.
Heshiiska dhexmaray Federaalka Soomaaliya iyo shirkada Soma Oil & Gas oo dhacay bishii August 2013 ayaa ahaa mid aan wax badan laga ogeyn oo mugdi badan ku jiray, shirkadan ayaa warbixino ay horey usoo saartay lagu sheegay inay baadhitaan sahamin ah ku sameyso qeybo kamid ah bada Soomaaliya.

Dadka dhaliila shirkada Soma Oil & Gas ayaa sheegay in heshiiskan uu si gaar ah uga dhaxeeyey Madaxda dawlada Federaalka oo ugu horeeyo Madaxweynaha somaliya Xasan Sheekh Maxamuud isla markaana muhiimadiisu ahayd in lagu helo dhaqaale laga qaado shirkadaha doonaya inay maalgashadaan shidaalka Soomaaliya.

Sidoo kale shirkada SOMA oil & Gas ayaa lagu eedeeyaa inay dooneysay inay si gaar ah ulla wareegto xogta Macdanta Soomaaliya ku jirta si looga iibiyo shirkadaha waaweyn, xogtaasi oo ahayd in dowlada Somaliya iyadu gacanteeda ku jirto sida dalalka madaxa-banaan yeelaan.

Soma Oil & Gas ayaa dhowr mar magaalada London ku qabatay kulamo lacag lagu galayey oo ay uga hadleysay mashaariicda Batroolka iyo sahminta ay ka wadaan dalka Soomaaliya. Halkan ka akhriso warbixin aan horey uga qornay shirkada Soma Oil & Gas.

Madaxda sare ee shirkadan Soma Oil & Gas ayaa sidoo kale si dad-ban ugu lug lahaa murranka ka taagan xaduuda bada ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Soma Oil & Gas ayaa xidhiidh toos ah ulla leh shirkadaha laga leeyahay Norway ee doonaya inay shidaalka ka baadhaan bada Soomaaliya oo ay sheeganeyso Kenya. [Halkan ka akhriso dacwada Maxkamada caalamiga ICJ].

Shirkadaha ka hoos shaqeeya Soma Oil & Gas ayaa laga leeyahay qaarkood dalka Norway sida shirkada SeaBird Exploration oo fadhigeedu yahay Norway, shirkadan ayaa Soma Oil & Gas u sameysay sida ay sheegeen sahminta Batroolka ku jira bada Soomaaliya. Halkan ka eeg [Warbixinta Soma Oil & Gas ee sanadkii 2014]

Saraakiisha baadhitaanka ku wada shirkadan ayaa ka codsaday in cid walba oo xog ka heysa shirkadan ay lasoo xadhiidhaan xafiiskooda London. Hay’ada baadhista Musuq Maasuqa ee Serious Fraud Office (SFO) ayaa arbacadii lasoo dhaafay baadhitaan ku sameysay Xaafiisyada shirkada Soma Oil & Gas ku leedahay magaalada London.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment