Baaxadda Taageerada beesha caalamka ee Xisbiyada, Baarlamaaka, xukuumadda iyo dawladaha Hoose
Washington, 01 March, 2014 (Himilomedia.com)- Madaxa machadka falanqeynta siyaasada caalamka ee IRI, Mr J. Peter Palm ayaa cadeeyey inuu filayo aqoonsi Somaliland ka hesho caalamka, isaga oo ku dooday in kooxaha mucaaradka ah ee ku sugan gudaha Somaliland aanay waxba u dhimi doonin madaxbanaanida Somaliland.
J. Peter Palm oo ka qayb-galay kulan lagu faaqidayey natiijada cilmi-baadhis ay hay’addiisu ku samaysay dimuqraadiyada Somaliland, ayaa ka hadlay waayo-aragnimadiisa la xidhiidha xidhiidhka dibloomasiyadeed iyo taageerada dhinaca Dimuqraadiyadda ee Somaliland ka hesho Beesha Caalamka.
Kulankan oo ku qabsoomay magaalada Washington ee dalka Maraykanka, waxa ka qayb-galay Machadyo iyo Goleyaal Caalamka looga daba-fadhiisto daraasadaha ku saabsan xidhiidhada dibloomasiyadeed ee Caalamka iyo Dimuqraadiyadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin International Republican Institute (IRI) iyo Atlantic Council.
Mr. Palm oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey saamaynta kaga iman karta Somaliland mucaaraddada gudaha siiba kooxda la baxday Khaatumo dhinaca raadinta aqoonsi caalami ay beesha Caalamka ka hesho, ayaa ayaa ku jawaabay, “Waxaanu haynaa laba warbixinood oo ku xigeenada Midowga Afrika qoreen kuna caddeynayaan in xaalada madaxbanaanida Somaliland gaar tahay, lana xidhiidho madaxbanaanidii ay qaateen 26 June, 1960-kii. Saamayn kuma yeelanayso dib-u-qaabaynta xuduudaha Afrika. Xaalkeedu waa go’aan siyaasadeed maaha mid sharci. Wax saamayn ah ku yeelan mayso hadii la aqoonsado in deegaan ka mid ah meel kale doonayo. Qeylo kastoo dad degan Somaliland ku sheegtaan waxaan doonaynaa madaxbanaani macquul ma noqonayso, hadii Somaliland la aqoonsado, aanu filayo in la aqoonsan doono mushkilad kuma keenayso, maxaa yeelay khariidadoodii 60-kii ayey qaadanayaan. Wax kastoo ka hooseeya taa cid ogolaanysa ma laha, maxa ayeelay waa iyadoo biyaha badda Indian Ocean loo soo jeexo Atlantic. Macquul maaha wax kastoo sax ah in xaqiiqo laga dhigo.”
Madaxa Golaha Atlantic Council oo ka hadlayey guuldaradii ka dhalatay israacii Somaliland iyo Soomaaliya iyo taariikhda u gaarka ah ee lagu xusuusan doonto halgankii SNM ayaa yidhi, “Israacii waxuu ahaa mid bilowgiiba khalad ahaa, maxaa yeelay, wax lala yaabo ahayd midow dhexmara laba dhinac isla markaana kala isticmaalaan laba cashuurud. Sidoo kale taariikhda in markii ugu horeysay jabhadii SNM noqotay wadamada qaarada Afrika ee lama-deegaanka saxaraha ka hooseeya, tii koowaad ee intay xilkeedii gudatay saaxada siyaasada ka baxday, isla markaana aan su dhigin xisbi xukunka ku loolama sida jabhadii ANC kuwa kale qaarada Afrika.
Waxuu sheegay sida warbixinta IRI lagu soo bandhigay, inay jiraan fursad kale oo Somaliland ka faa’iidaysan karto, waxaanu yidhi, “In ololaha keliya ee xisbiyadu ku raadsadaan codka shacabka ee ah “anigaa ictiraafka keenaya” oo ah mowduuca muhiimka ka ah Somaliland, wax ka balaadhan xisbiyadu u samaystaan qorshe ahaan. Waxa jira dareen saamayntiisa leh, balse sidoo kale fursad ku jirto, mudooyinkii ugu dambeeyey beesha caalamku waxay indhahooda ku jeediyeen Soomaaliya, oo ilaa shalay aragno qaraxyada ka dhacaya, laakiin muhiimada halkani waa in Somaliland inkastoo caqbaadahaasi jiraan, am adhaqaalahii badi loo leexiyey dhinaca, haddana hawlaheeda wadato, isla markaana u diyaarsanayso qorshayaasheda si ay u rabto in loola fuliyo. Wakhtigu waxuu saacidayaa dhinaca Somaliland, inta ay hawshooda wataan, iyagoon werwer ka qabin wax ka socda Soomaaliya.”
Dhinaca kale, warbixintii IRI ayaa lagu sheegay in tagaeerada beesha caalamku mudnaanta siinayso.
Baarlamaanka
- Taageerdi Baarlamaanka inay ka shaqeeyaan arrimaha siyaasadasida la xisaabtanka waaxda Fulinta, laakiin taageridoodu noqon macno la’aan
- Taageerida mustaqbalka ee wakiiada waa in sidoo kale la raaciyaa Guurtida
- Taageerida mashaariic isku xidha xidhiidhka xildhibaanka iyo goob-doorashadiisa
- Mashaariicda lagu taageerayo baarlamaanka waa in laga tallogeliyaa xukuumada, wakiilada iyo ururada rayidka ah
Dawladaha Hoose iyo xukuumada
- Taageerida abuuritaanka dakhli e dawladaha hoose iyo helitaanka sidii ganacsiga gaarka loo leeyahay u taageeri lahaa shaqooyinka ay qabtaan
- Taageerida sidii loo heli lahaa siyaasada maamul daadejinta
- Taageerida sidii lloo abuuri lahaa waajibaadka wasaarad walba u xilsaaran tahay
- Taageerida hay’adda maamul-wadaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa xilligan jirta
- Taageerida qorsheynta, cilmi-baadhista, statistics iyo macluumaad uruurinta
- Taageerida ilaa heerka ugu hooseeya sidii dumarka iyo dhalinyaradu uga qeybqaadan lahaayeen fagaarayaasha go’aamada siyaasada lagu gooyo.
Xisbiyada
- Tagaeerida sidii xisbiyadu u heli lahaayeen khubaro ka caawisa inay samaystaan hadaf cad oo gaar u ah iyo ajendayaal ay ku ololeeyaan
- Tababrida taageerayaasha/xisbiyahanada iyo abuuritaanka waaxda tababarka xisbiga si loo horumariyo in heer hoose xisbiyada ka soo koraan
- Taageerida shirweynayaasha xisbiyada ka hor doorashooyinka soo socda
- Taagerida jiritaanka xisbiyada doorashooyinka dhexdooda iyo abuuritaanka xidhiidh dhexmara xisbiyada iyo hay’adaha horumarinta
- Taageerida sidii xsbiyadu u samayn lahaayeen nidaam ra’yi ururin kharash yar
- Taageerida sidii xisbiyadu uga muuqan lahaayeen magaalooyinka ka baxsan Hargeysa
- Taageerida mashaariicda dhiirigelinaya xisbiyahanada dumarka iyo dhalinyarada
- Taageerida mashaariicda horumarinaya ku dhaqanka siyaasada xisbiga ee xubnaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment