
Budhcad badeedaas oo sagaal qof ah ayaa helaya kumannaan Euro, maadaama aan isla markiiba la hor keenin garsoorka Faransiiska.
Garsoorayaasha ayaa ku eedeeyay Faransiiska in ay xabsiga ku hayeen maxaabiista mudo 48-saacadood ka badan.
Budhcad badeedda ayaa waxaa u afduubnaa muwaadiniin Faransiis ah kaddib markii ay qabsadeen markab uu ka dulbabanayo calanka dalkaasi sanadkii 2008, waxaana ciidammada Faransiiska ay ku qabteen howlgal ay ka sameeyeen xeebaha Soomaaliya.
Waxaa si weyn hoos ugu dhacay falalka ay budhcad badeedda Soomaaliya ka fuliyeen badweynta Hindiya, maadaama ciidamo badan lasoo dhoobay agagaarkii ay ka Hawlgeli jireen Budhcaddaasi.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment