
Macluumaadka Haweenkan sawirrada qaadanayey, ayaa waxa soo Gudbiyey Shacabka Deegaankaas, kuwaas oo ciidanka siiyey warbixnta lagu xidhay Haweenkan.
iyadoo si weyn looga feejiganyahay weeraro la mid ah kuwii argagixiso ee ugu dambeeyay ayaa dadkan la qabtay, waxana hada ku socota su’aalo weydiin.
Wararka ayaa sheegaya in haweenkan ay si gaar ah muuqaallo uga duubanayeen xeryaha ciidamada, taasoo sii kordhisay shakiga dadka shacabka ah.
Waxaa la sheegay in goobo xasaasi ah ay sawiranayeen xili aan wax fasax ah loo siinin.
Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa xaqiijiyay qabashada muwaadiniinta Mareykanka ah, iyagoo sheegay in ay baadhitaano ku hayaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment