
Dilkan ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii isla magaalada lagu dilay xildhibaaan isaguna kamid ahaa taageerayaasha Ruushka.
Xildhibaan Oleh Kalashnikov, ayaa Arbacadii laga helay irida gurigiisa iyadoo ay xabado ku yaalaan, welina lama sheegin cida ka danbeysa dilkiisa.
Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa khudbadiisa sanadaha shalay kusoo qaatay dilalka ka dhacay magaalada Kiev oo uu ku tilmaamay dilal siyaasadeed.
Dhinaca kale qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowlada Ukraine ayaa dilalkan ku eedeeyey Ruushka oo ay sheegeen inuu doonayo inuu xiisad ka dhex dhaliyo shacabka dalkaasi Ukraine.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment