
Salaadiintan oo Maanta Hargeysa ka Hadlay, ayaa Axsaabta Mucaaridka ugu baaqay inay Hagardaamada ka daayaan Geeddi socodka horumrumarka dalka, isla-markaana ay ay ka dhursugaan go’aanka Guurtidu qaadan doonto.
“Caaqil iyo Suldaan Midna waxba Mayeelayo Qaranimada iyo Jiritaanka Somaliland,Nimanka Guurtida waxaan Qalooc u Arkaa Nimanka Dhaleecaynta ula Taagan iyaga oon waxba Galabsan Afkoodana Hadal Laga Maqlin waxaan u arkaa Fadeexad Aan qaban,waxaan leeyahay Saddex waa laga Ducaystaa Suldaan Siyaasad Looga Taag waayay waa laga ducaystaa Markaas Intaas hadaynaan ka Ducaysan Dhib kale Majirto,Haday Guurtideena iyo Komiishanka haday wax inoo kordhiyaana waa wax jeeb keena Ah oo inaga ayaa iska leh.”ayuu yidhi Caaqil Aadan Cabdilaahi oo kamid ah Cuqaashii saaka Halkaas ka Hadashay.
Caaqil Axmed Faarax Diiriye oo kamid Cuqaasha Beesha Subeer oo Shirkaas ka hadlay ayaa sheegay in Qaranimada iyo Jiritaanka somaliland tahay lama taabtaan, waxaana uu dul istaagay qiimaha Guurtidu inoo leedahay, waxana uu yidhi.
“Haday Guurti Tahay inaga ayaa samaysanay,Nabada Haday tahay anaga ayaa keenay waxaana ay dhamaan inoon yihiin Lama taabtaan,dawladuna meel kale kamay iman waa tii Aanu u soo dhimanay,Maantana Qofkii Doonaya inuu si dhib yar u wax yeleeyo Kayeeli mayno qofkaasna waxaan qabaa inuu yahay cadawga ina dhex fadhiya uune,dalka waxa aynu u dhiibanay Rag Caynaanka haya waxaan loo baahan yahay in aynu ku daba fadhiisano ragaas.
Suldaan Xuseen ismaaciil Geele ayaa waxa uu madaxwaynaha somaliland ku tilmaamay mid mudan in Mudo kordhin loo sameeyo caqli iyo Aqoona ka hagi kara dalka somaliland gaadhsiin karana haykal ay caalamku Aqoonsi Buuxa Siiyaan.
“Madaxwayne siilaanyo xilka uu hayo cidna kama eryi karto nina hadal kagama kaxayn karo inta uu haynayo wuu haynayaa caqli iyo Garasho wuu leeyahay maanta mudo kordhinta waa loo samaynayaa sidii loogu samayn jiray Dawladihii tanba ka horeeyay,Dalkan iyo dadka waxa uu gaadhsiiyay himilo wanaagsan mucaaradna dalkan waxba uma tarayo iyo madal Aan sharci Ahayn,Siilaanyo kacdoon shacab ayaa lagu doortay maanta codkaas ayaa lagaga qaadi karaa Lakiin nina Qaylo iyo caytoona kuma kasban karo shacabka somaliland waxaan leeyahay shacaboo nin Aan kuu furi Doonin Yaanu kuu rarin.”
Suldaan Jaamac Cismaan ayaa tilmaamay guulaha Ay gaadhay Xukuumada sheegayna in ay kasbatay wixii lagu dooran lahaa shacabka somaliland u muujisa waxqabad Aanay Arkayn indhaha Xaka Waxqabadka ka buka sida uu sheegay waxaana uu yidhi.
“Mucaaridka waxaan leeyahay mucaaradku wax ayuu dhisaa ee isagu wax madumiyo,waxaad ku dadashaan sidaad waxqabadka dalka ka socda wax uga qaban lahaydeen,Mudo kordhin Haday noqoto cid ayaanu u diranay cidaas ayaa dhamayn Doonta Golaha Guurtidu waa kuwa aynu ku baxsano Maalinta ay gaadho Xumaanta ee loo baahan yahay in laqadariyo,Dal waliba waxa uu leeyahay gas Danbeed inaga guurtida ayaa inoo gaws danbeed Ah Waxa ay soo jeediyaan Ayaynu qaadan Doonaan.”
Suldaano iyo ugaasyo sidoo kale Madasha hadal ka jeediyay waxa ay sheegeen in Ay beeshooda Subeer awal tegeero midaysan lagarab taagan tahay xukuumada iyo xisbiga kulmiye iyagu cod ku soo saareen maanta la garab taagan yihiin.
Shirkan Maanta ay ay warbaahinta u qabteen Salaadiinta iyo Waxgaradka beesha Sacad Muuse, ayaa Daba socday mid hal maalin ka hor ay Salaadiin uu hoggaaminayo Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan kaga dayriyeen Xaaladda Dalka, islak-markaana ku canaanteen Guurtida, uguna baaqeen inaanay samaynin muddo-kordhin ka Badan middii Komishanku cayimay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment