
Hoggaamiyahan la dilay, ayaa ahaa gacantii Midig ee Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Marxuumm Sadaam Xuseen oo sannadkii 2003-dii ay xukunka ka tuureen Ciidammo uu Maraykanku hoggaaminayey oo weeraray dalka Ciraaq, iyagoo Sadaam deldelay sannadkii 2006-dii markii uu muddo xidhnaa ka dib.
Al-Duuri, ayaa ahaa Sarkaalkii ugu sarreeyay ee ka tirsanaa Xisbigii dalka Ciraaq hoggaaminayay ee Bacath; isagoo Maraykanku dul-dhigay Madaxiisa lacag fara badan si loo soo qabto, balse lagu guuleysan waayay in la qabto. Cisad Ibraahimi Al-Duuri, ayaa hore loo sheegay in la qabtay, laakiin-se been ayay noqday, balse Taleefishinka Al-Carabiya, ayaa soo bandhigay Jimcihii shalay muuqaallo lagu sheegay Meydka Al-Duuri.
Saraakiisha wadankaas ayaa sheegay in uu ku dhintay dagaal ka dhacay gobalka Salaxuddin, ee waqooyiga Ciraaq. Hase-yeeshee, Taageerayaashiisa ayaa diiday in arrintaasi ay jirto. Al-Douri, ayaa 72-sano jir ahaa, waxaanu Hoggaaminayey Koox la yidhaahdo Naqshbandi oo ah Koox xoog badan oo ka dambeysay kacdoonkii Kooxda Daacish.
Guddoomiyaha gobolka Salaaxu-diin Raa’id Al-Jubuuri, ayaa sheegay in Al-Duuri lagu dilay hawlgal ay fuliyeen Malleeshiyaad Shiico ah oo ka mid ahaa Ciidammadii dhawaan la wareegay magaalada Tikrit, isagoo xusay in lagu dilay Bariga Tikrit.
Ciidammada dawladda Ciraaq oo ay caawinayaan diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo reer Galbeedku, ayaa qabsaday dhul ballaadhan oo ay Daacish ka talinaysay, balse kooxda ISIS ayaan weli ka taliya deegaanno badan oo ku yaalla dalka Ciraaq, gaar ahaan gobollada ku yaalla Waqooyiga iyo Galbeedka dalkaas oo ay ku jirto Masuul. Cisad Al-Duuri ayaa la rumeysan yahay inuu gacan ka geystay sidii Ururka Daacish ama ISIS ay u qabsan lahaayeen deegaanno ka tirsan dalka Ciraaq oo ay qaarkood weli ka taliyaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment