Thursday, April 16, 2015

Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddda Oo Maanta Ololeyaal Cashuuraha Lagu Dardergelinayo Ka Bilaabay Caasimadda Hargeysa

isoreHargeysa:April,16,2015(Himilo)-Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa Maanta Magaalada Hargeysa ka Bilaabay Olole Ballaadhan oo lagu dardergelinayo Hawlaha Cashuur ururineed Ee Dalka, si looga midho dhaliyo Qorshaha Dakhliga dalka lagu soo xaraynayo.

Ololahan Maanta Hargeya ka Bilaabmay, ayaa waxa hor boodayey Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (caddaani), iyagoo masuuliyiinta Kastamaduna ay arrintaas ku wehelinayeen.

Ugu horrayn waxa Olalahaas cashuur ururineeda ka hadlay Wasiiru dawlaha Maaliyadda Mudane Caddaani, waxana uu ku sifeeyey mid looga gol leeyahay sidii cashuur kor loogu qaadi lahaa Arrimaha dakhliga kor loogu qaadayo,

“Waxanu Bilownay Olole Cashuur ururineed oo ilaa bisha Soddonkeeda Soconaya, waana Derdergelinta Dakhligii dalka soo geli jirey, waxana aanu ka gudubnay Saddex Biloodkii hore ee Sannadka inagoo u gudbnayna Saddex-biloodkii labaad.” Ayuu yidhi Wasiir Caddaani.

Wasiiru-dawlaha oo Hadalkiisa sii wata, ayaa Gaashaanka ku dhuftay in hoos u dhac ku yimi Dahligii daalka soo geli jirey, waxana uu tilmaamay in wax waliba sidoodii ku socdaan, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Waxan idiin sheegayaa Dakhligii somaliland ilaa intii wasiirka cusub ee Samsam ay timi waxba iskama ay beddelin, Hadii wax iska Beddelay jiraana waa intaas yar ee Xoolaha ee aynu Yemen Geyn jirney, dakhligaasina qorshihiisii buu ku socdaa.”

Kooxdan ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ee Wasiir Caddaani Gadh-wadeenka u ahaa, ayaa kormeer kusoo maray dhammaan goobaha dakhliga Magaalada Soo Gala lagu ururiyo oo ay ugu horreeyaan Xarumaha Shanta Degmo ee Hargeysa iyo Kastamahada Magaalada ku dhexyaalla, waxana ay kula dardaarmeen Masuuliyiinta xarumahaas ku sugan inay Kor u qaadaan Dakhli ururinta.

Hawlahana dakhli ururineed ee Wasaaradda Maaliyaddu bilowday, ayaa dalka oo dhan ah, waxana ay socon doonaan Muddada ka hadhay bishan aynu ku jirno ee April, iyadoo masuuliyiinta wasaarada Maaliyadda oo Wasiirku ugu horraysaa ay Socdaallo arrintan la xidhiidha u joogaan Goobo ka Baxsan Caasimadda Hargeysa.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment