
Sido kale guddidu waxa ay warbixin dheer ka dhagaysteen Guddoomiyaha iyo Xoghayaha guud warbixintaasi oo la xdhiidhay dhammaan hawl-galkii SOLJA ee mudadii hogaanka cusub xilka ururka hayeen laga oo bilaabo 7-dii January 2015 oo ahayd maalinti rasmi ahaan golaha sare ee ururku xilka la wareegeen, Warbixintaasi oo dhinacyo badan ka taabanaysay wax-qabadka ujeedooyinka ururku u aasaasan yahay. Sidoo kale kalfadhiga koowaad ee Golahan waxa shalay lagaga hadlay qorshayaasha Lixda bilood ee soo socda ururku ka shaqayn doono iyada oo qiimayn lagu sameeyey qorshe-biloodyadii hore ee ururka u yaallay wixii ka qabsomay iy wixii qabyo ahaa.
Hogaanka Ururka oo kala ah Guddoomiyaha, Gudd/Xigeenka iyo Xoghayaha guud ayaa halkaasi ka soo jeediyey warbixino dhaadheer oo si faahfaahsan uga warramayay hawlihii shaqo ee mudadaa saddex biloodka ah, sida weriyayaashii la kulmay xad-gudubyada, kuwii xanuunsaday iyo tallaabooyinkii ay hogaanka ururka iyo gudidooda difaaca suxufiyiintu ka qaadeen abuuritaan jawi is afgarad oo u dhexayn kara suxufiyiinta shaqadooda ku jira iyo dhinacyada kale, xidhiidhadii lala sameeyey hay’adaha samafalka, mashaariicdii la diyaariyey iyo waxa ka soo noqday, dakhligii soo galay iyo waxyaabaha lagu qabtay, oo ay soo raacaan yagleelidda xarun tababar iyo maktabad u gaar ah suxufiyiinta oo laga hir-geliyey Xarunta ururka, agabka adeega xafiiska looga baahnaa ee la soo kordhiyey sida gaadiidka iyo qalabka xafiisyada.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment