Qormooyin taxane ah oo si xeel dheer uga waramaya Yuhuudu siday ugu foogan tahay dadyawga adduunka iyo siday ugu dedaasho inay maskaxda ka qabsadaan dawladaha iyo bulshooyinka caalamka. Waxa turjumay oo isku soo habeeyey Cabdilahi Beershiya. C.persia@hotmail.com
Qaybtii 2aad
Waxa kale oo u Qur’aanku ka waramaa sifooyinka iyo calaamada ay ku caan baxeen oo dhammaantood ah sifooyin qallafsan oo danaysi iyo damac badan ka muuqdo, haddii aynu tusaale soo qaadano waa ummada keliya ee Illaahay sammada uga soo dejiyey hillib shiillan oo noociisa oo kale aan adduunka lagu arag, markay muddo cuneen ee ay ka dhergeena nacay hadiyadaa Illaahay siiyey iyaga oo ka doortay in loo ogolaado inay beertaan khudrada kulul ee cuntada lagu iidaamo dadkuna urteeda neceb yahay sida Toonta iyo Basasha…Lasoco.
Madax adaygaasi wuxuu ku sababay in qaar ka mid Illaahay u bedelo muuqaalkooda Daayeer iyo Doofaaro, haddaba akhriste maanta waqtigan aynu nool nahay waxa Yuhuuda loo yaqaanaa inay yihiin dadka dhaqaalaha iyo siyaasada adduunka gacanta ku haya, sidaa darteed ayey isteerinka u hayaan dawladaha waaweyn oo dalka Maraykanku ka mid yahay.
Waxay buburiyaan oo dhulka la simaan cid kasta oo ay u arkaan inay madaxa la soo kacayso, waxay samasyteen ururo iyo hay’addo waaweyn oo xubnaha ku jiraa tiro beeleen, waxay leeyihiin golayaal waaweyn oo xambaarsan magacyo kale oo aan iyaga laga dareemayn, tusaale ahaan gobolka Daarfuur ee dalka Sudan ayaa waxa ka hawl gala siday qoreen qaar ka mid wargeysyada caalamku hay’addo Yuhuudu leedahay oo tiradoodu gaadhayso siddeetan hay’addood oo magacyo kala duwan sita, qaar ka mid ahna qarsoon yihiin oo aan la ogayn waxay qabtaan.
Arrintu maaha wax sahlan waxa laga hadlayaa gobol keliya oo dal ka tirsan ayey joogaan tirada intaa le’eg, maxaad qiyaasan kartaa dawlada kale ee ka kooban gobolo badan oo kala duwan, hay’ado intee leeg ayaa joogi kara?.
Haddaba maqaaladan waxaynu ku eegi doonaa khatarahaa ay huwan yihiin iyo siday meel kasta u dhex galeen, meelaha aan ka soo qaadanayna waxay u badnaan doonaan buuggaag laga qoray iyo maqaalo furan oo adduunka caan ka noqday magacyadoodana aynu xagga danbe ee maqaaladan ku sheegi doono haddii Alle Idmo.
Haddii aynu ka nimaadno hordhacan kooban waxaynu qaybaha kale ku eegaynaa Yuhuuda iyo siday awooda u saaraan sirdoonka ama inay ogaadaan dadka kale ee aan iyaga ahayn awoodohooga siyaasadeed, dhaqaale iyo diimmeed, si ay taas u gaadhaan ayey samaysteen laamo iyo hay’addo awood badan oo dhexgal baaxad leh ku sameeya dawladaha iyo bulshooyinka.
Taariikhdii hore marka dib loogu noqdo dadka Kiristaanka ah waxay Yuhuuda ku tilmaamaan inay iyagu basaaseen Nebi Ciise (CS) markay doonayeen kooxihii isa soo abaabulay inay ka takhalusaan, waxay sheegeen in ninkii lacagta ku bedeshay warbixintii uu Nebi Ciise CS ka hayey u ahaa nin Yuhuudi ah oo lagu magacaabi jirey Yuhuuda SKharuedi…..Lasoco.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Tuesday, June 30, 2015
Loolanka Yuhuuddu Kula Jirto Adduunka
Madaxweyne Silaanyo Oo Wakiilo Cusub U Magacaabay Waddamada China Iyo Isu-Taga Imaaraadka Carabta
Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo Ayaa Wakiilo Cusub U Magacaabay Waddamada China Iyo Isu-taga Imaaraadka Carabta.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3383/062015, ku magacaabay laba danjire oo cusub, Somaliland u fadhiyi doona Dalalka China iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabista iyo buuxinta jagada Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalalka China; iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Cabdi Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiiste), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka China
2. In Mudane, Baashe Cawil Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

DAAWO:Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay War Murtiyeedkii Ay Soo Saareen Xukuumada Iyo Xisbiga Kulmiye.
https://www.youtube.com/watch?t=26&v=anrM6rzSE6g
Himilo Media
Hargeysa Office
Himilo Media
Hargeysa Office
Gudoomiye Muuse Biixi Oo Xisbiyada Mucaaridka Eedeeyay.
Hargeysa (Himilo)30 June 30, 2015-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, Ayaa Mucaaridka Ku eedeeyay Inay Ka Gaabiyeen in Golaha Guurtida Lagu Qanciyo Sidii Doorashooyinka loo Qaban Lahaa 2016ka Meeshana Laga Saaro Mudo Kordhinta 2 Sano Ee Ay Guurtidu Ku Dareen Mudo Xileedka Xukuumada.
Gudoomiye Muuse Oo Ka hadlay shirjaraaid oo ay si wada jira u qabteen xukuumada iyo xisbiga kulmiye Iyagoo Shirkaa Jaraaidna Uu Daaranaa Sidii Golaha Guurtida Loogu Qancin Lahaa Heshiiska Xisbiyada Qaranka.Muuse Biixi Waxaa uu sheegay in guurtidu ay Kasoo Horjeedo Heshiiska Xisbiyada “Waa la isku yimid, guurtidu halkii bay nagaga xanaaqday oo waxay yidhaahdeen anagu go’aan sharci ah baanu gaadhnay, markii horena waydinkii heshiin waayay ee qoladiinan xisbiyadow dalka ha wareerinina, sidii baanay ku maqan yihiin”.
Waxa uu intaasi Ku Daray “Hadda waxaanu ugu taag la nahay xisbiyada Mucaaradka ah, waar wixii aynu doonaynay ilayn inagaa danta lehe ina keena oo odayaasha wada qancinee, hal khalad ah bay umadda ka dhaadhiciyaan oo ah Madaxweynuhu ha saxeexo, Madaxweynuhu muxuu u saxeexayaa?,Madaxweynaha, Kulmiye, Waddani iyo Ucid way u siman yihiin arrintan, anigaa doonayna doorasho, guurtiduna markii ay qabasho lahayd inagaa sii daynay, maantana waxaa la inaga rabaa inaan guurtida nidhaa arrintaas dib noola qaata” Ayuu Yidhi Gudoomiye Muuse Biixi.
Guddoomiyaha Muse Oo Ka Jawaabayay Su’aal Ahayd In Mudo Kordhintu Dastuurka Jabinayso Waxaa Uu Ku Jawaabay “Dastuurka jabin mayso ee waa codsi. Adeer waxyi maaha waxa waxa la yidhaahdaaye waxaanu is tusaynaa wixii aad gaadheen dan ka dhaw haddaanu helnay oo si qancinay shariciga idinkaa lehe nala qaata ayaanu idin leenahay, codsi iyo waxaanu idiinla imanaynaa talo laakiin, xaggayagii bay ka qabyo tahay oo nimankii mucaaradka ahaa waxay nala soo taagan yihiin caalamka ayaanu u yeedhaynaa, caalamku halkan kama taliyo ee wuu ina caawiyaa, qodobka labaad maxakamad hala geeyo ma guurtidaynu maxakamad gaynaa?”
Xisbiyada Qaranka iyo xukuumada uu hogaaminayo madaxwayne Siilaanyo Ayaa Maalmihii Ugu Dambeeyay Khilaaf Xoogani Dhexyiil,Iyadoo Mucaaridku Ku Doodayaan In Xukuumadu Mudo Kordhinta Dabadda Ka Wado,Xukuumaduna Xisbiyada Mucaaridka Ah Ku Eedaynayso Dib U dhaca Doorashooyinka.

Waxyaalaha Bannaan soonka Dhexdiisa
Waxa jira in dadka soomani waxyaalo aan Soonka shido u lahayn ay ka feejignadaan iyagoo moodaya in uu dhib leeyahay, bal haddaba aan wax ka tilmaano waxyaalaha aan Soonka dhibta u lahayn haddii Qofku sameeyo:
1. Qofka sooman waxa u bannaan inuu qubaysan karo labada gelinba weliba haddii uu uga jeedo in naftiisu ku ilowdo oonka iyo haraadka wax dhib ah ma laha, haddii uu jidhaan dhex muquurto oo uu aamin ka yahay in aanay Afka iyo Sanka wax Biyo ahi ka gelayn way u bannaan tahay inuu muquurto.
“Waxaan arkay Rasuulka oo jooga meesha Caraj, isagoo ku shubaya madaxiisa Biyo, isagoo sooman, haraad dartii ama kulayl dartii.”
2. Cadaygu labada gelinba wax dhibaato ah ma laha, Cullimada qaarbaa yar kohday maadaama uu urtii afka kaxaynayo, urtaas oo Illaahay agtiisa ka udgoon badan miskiga. “Haddii aanan mu’miniinta,ama Ummadayda dhibayn waxaan amri lahaa cadayga Salaad kasta”.
Markaa Xadiiskan waxaan ka faa'iidaynaa in Cadaygu goor kasta fiican yahay.Cadayga oo leh Faa'iido badan waxa Nebigu SCW inoo jideeyey isagoo ah sunne adag, in la cadaydo wuxuu Xadiis ku yidhi:
"Cadaygu waa Nadaafada Afka & Raalli noqodka Illaahay".
Markaa Cadaygu dhawr jeer ayuu aad u fiican yahay, waxa ka mid ah:
b) Xilliga Hurdada laga kaco (Nebigu SCW wuu cadayan jirey).
t) Xilliga Hurdada loo diyaar garoobayo (Nebigu SCW wuu Cadayan jirey)
j) Xilliga Guriga &Xaaska aad u soo gashid (Nebigu SCW wuu cadayan jirey).
x) Xilliga la waysaysto.
kh) Xilliga Salaada la gelayo.
d) Xilliga Qur’aanka la akhriyeyo.
r) Xilliga Afka aad isbedel ka dareento.
3. Waxa bannaan Irbadaha aan ahayn cuntada ama fitamiinada Nafta gelinaya awooda haddii Qofku isku duro caafimaad darro awgiis dhib ma laha.
4. Waxa u bannaan inuu Xaaskiisa dhunkan karo, lana faraka ciyaari karo waa haddii uu aamin ka yahay inuu galmo ku dhaco ama Biyo ka soo baxaan.Waxa sidaa sheegaya Xadiiska Rasuulka ay ka sheegtay Caa'isha RC:
"Caa’isha waxay tidhi: Rasuulku SCW wuxuu ahaa mid dhunkada isagoo sooman, wuu taataaban jirey (Xaaska) isagoo sooman, laakiin wuxuu ahaa mid is xejin kara. (Xubintiisa ka adag). Cullimadu waxay yidhaahdeen dhalinyarada aan is xejin karayn ha ka fogaadeen inay Dumarka ka ag dhowaadaan, waayo haddii uu ku tala xumoobo waxa ka dhalanaya kafaara gud culus.Maxaa yeelay nabadgelyada wax loo dhigaa ma jiraan.
5. Waxa u bannaan inuu Cadar marsan karo, ama indho kuusho, ama subkan karo.
6. Waxa u bannaan haddii uu u baahdo inuu cunto dhadhamiyo, isaga oo aan liqayn ee tufaya.
Afurada & Adaabteeda
Sunadu waxay tahay inuu degdeg u afuro Qofka sooman marka Qorraxdu dhacdo, marka uu xaqiiqsado in Qoraxdii dhacday waa inuu dedejiyo afurka, xadiis ayuu Nebigu SCW ku sheegay: Dadku Khayr ka suuli maayaan intay dedejinayaan Afurka".
Waxa kale oo uu xadiis ku yidhi: "Ummadaydu ka suulimayso inay Sunahayga ku taagan yihiin, inta aanay Afurka Xiddigaha la sugin".
Waxyaalaha lagu afurayo
Waxyaalaha lagu afurayo waxa ugu horreeya Timirta, iyada ayuu Nebigu SCW ugu horreysiin jirey, haddii uu waayo Biyaha ayuu ku afuri jirey, Sidaa wuxuu ku sheegay Xadiis: "Midkiin haddii uu afurayo ha ku afuro Timir, waa Barako, haddii uu waayo, Biyaha ha ku afuro waa Daahire". Sh. Albaani wuxuu yidhi; Waxa Saxiix ah in Ficilka Nebigu SCW sidaa ahaa. Waxa kale oo dhaqanka Nebiga SCW ahaa in Saddex midh oo timir ah ku afuro ama tiro isdheer, waxa kale oo uu ku afuri jirey wax aan dab lagu bislayn.
Afurka waxa ugu Mudan Timirta & Biyaha
Afurka oo cunto badan la cuno, waxay keentaa in Salaada Taraawiixda laga wahsado, oo Qofka culays fuulo, markaa waxa fiican in cuntada iyo Cashada laga danbaysiiyo Salaada Taraawiixda, tani sunne maaha laakiin waa wax tajribada lagu ogaan karo.
Waxa kale oo iyana aynu Imaamada Masaajidada ku boorinaynaa in aan Salaada maqrib la dedejin waa in dadka sooman loo ogolaado waqti ku filan oo ay ku afuri karaan, waxa Nebigu inoo jideeyey haddii Cuntada & Salaadu isku beegmaan in Cuntada la hor mariyo, waayo Salaada lama ogola in Qofku tukado isagoo qalbigiisu wax ku fekerayo, markaa waa in salaada dib loo yare dhigo si dadku u afuraan.
Waxa iyana ka soo aroortay Ducooyin uu ku ducaysan jirey marka uu afuro, Ducooyinkaa wax ka mid ah: ﺿﻌﻴﻒ(أﻓﻄﺮت رزﻗﻚ وﻋﻠﻰ ﺻﻤﺖ ﻟﻚ إﱐ اﻟﻠﻬﻢ). Xadiisku waa Mursal oo ma ansaxin, wuxuu leeyahay markhaatiyo xoojinaya, laakiin qofku wixii uu doono ee khayr ah ayuu ku ducaysan karaa.
Waxa kale oo Nebiga SCW ka sugan inuu markii uu afuray yidhi:
"Rasuulku wuxuu ahaa marka uu afuro mid yidhaahda; Haraadkii wuu tegey, Curuuquhuna way Qoyeen, Ajrigiina Insha allaah wuu sugmay". Waxa kale oo iyana khayr badani ku jiraa in la afuriyo Qof sooman, wuxuuna helayaa ajrigii Qofka Sooman mid la mid ah, iyadoo aan kii la afuriyey waxba laga nusqaamin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Itoobiya oo Jaan-goysay Qaddarka ay ka Isticmaalayso Dekedda Berbera iyo Cidda ka Dambaysa Qorshaha ku kallifay inay ballaadhiso Adeegsiga Dekedaha Gobolka
Addis Ababa, 30 June, 2015 (Himilo)- Dowladda Itoobiya, ayaa ku hawlan qorshe ay ku ballaadhinayso baahida ay u qabto isticmaalka Dekedaha ku yaala gobolka Bariga Afrika isla markaana ay ku yaraynayso ganacsigeeda ku xidhan dekedda Jabuuti oo boqolkii 90 daboosha badeecadaha ay la soo degto iyo kuwa ay dhoofiso, ayaa caddeysay xaddiga badeecadaha ay ka isticmaalayso dekedda Berbera.
Qorshaha Dowladda Itoobiya ku ballaadhinayso isticmaalka dekedo ay kala soo degto badeecadaheeda ku xidhan dekedda Jabuuti, waxa ka mid ah inay adeegsato dekedda Mombasa ee dalka Kenya, dekedda Berbera ee Somaliland iyo Dekedda Port Sudan ee waddanka Sudan.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Dowladda Federaalka ee Itoobiya oo la hadlayey Baarlamaanka dalkaas, ayaa sheegay inay sii wadayaan ganacsigooda ku xidhan dekedda Jabuuti, balse ay baahi weyn u qabaan dekedo ay kala soo degaan badeecadaha dibadda uga imanaya oo Dekedda Berbera ku jirto.
“Waxaanu qorshaynaynaa inaanu dekedda Berbera u isticmaalno Boqolkiiba Shan ilaa Toban ka mid ah Alaabooyinka aynu dibadda kala soo degno, waxaananu rejaynaynaa inaanu sii wadno baadi-doonka aanu ugu jirno dekedo ku haboon oo aynu u isticmaalno jihooyinka kala duwan ee dalka. Haseyeeshee, dekedda Jabuuti waxay sii ahaan doontaa dekedda ugu muhiimsan,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka ee dowladda Itoobiya Workeneh Gebeyehu.
Sida ay qoreen warbaahinta dalka Itoobiya, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Mashaariicda Horumarinta ee UNDP, ayaa ka dambaysa qorshaha ay dowladda Itoobiya ku ballaadhinayso isticmaalka Dekedaha ganacsigeedu ku xidhan yahay. Waddanka Itoobiya, ayaa ka mid ah 16 Waddan oo ku yaala qaaradda Afrika, kuwaasoo aan wax Bad ah lahayn.
Dekedda Jabuuti waxa wakhtigan gacanta ku haysa shirkadda DP World Djibouti oo maamulkeedu hoostago shirkadda DP World oo laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta, taas oo gacanta ku haysa in ka badan 65 Dekedood oo ku kala yaalla lix Qaaradood, kuwaas oo ay ku jiraan dekedaha ugu waaweyn qaaradda Afrika oo ay ka mid tahay Dekedda Durban ee waddanka Koonfur Afrika.
Shirkadda DP World, ayaa wakhtigan ka mid ah dhowr shirkadood oo wada-hadallo la xidhiidha maalgeshiga dekedda Berbera kula jirta xukuumadda Somaliland, iyadoo shirkaddan DP World xilligan olole ay ku raadinayso heshiiska maalgeshiga dekedda Berbera uga faa’idaysanaysa isla markaa ku xod-xodanaysa dowladda Itoobiya baahida ay u qabto adeegysiga Dekedda Berbera iyo inay dowladda Somaliland ku qanciso in DP World lagu wareejiyo maamulka Dekedda, sida aanu ka soo xigannay warbixinno ay qoraal warbaahinta dalka Itoobiya qaarkood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo dhaliilay Tayada Wax-Qabad ee Ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka
Amar maanta dhaqan-galaya oo lagu soo rogay Gadiidleyda Waaweyn
Hargeysa, 30 June, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa amar fulintiisu maanta hirgalayso ka soo saaray gaadiidka waaweyn ee xagga hore iyo xagga dambe lagaga dhejiso Biraha (Turuska), kuwaas oo ay tilmaameen inay halis ku yihiin ammaanka waddo-marista.
Wasiir Wara-cadde iyo Taliyaha Booliska oo shalay ka qayb-galay Aas Qaran oo Xabaalaha Naasahablood ee magaalada Hargeysa loogu sameeyey Saddex Marxuum oo shil-baabuur ku geeriyooday Sabtidii kaddib markii gaadhi booyad ahi dul-martay Gaadhigii ay wateen xilli ay ku sii jeedeen magaalada Berbera, waxa ay labada masuulba uga digeen mulkiilayaasha iyo darawallada gaadiidka waaweyn inaan la arki karin isla markaana ay mabnuuc tahay gaadhi in dalka lagu arko gaadhi Turus ku xidhan yahay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa ku dooday inaanay waddooyinku gaar ahaan waddamada Berbera sabab u ahayn shilalka sababta khasaaraha nafeed iyo maalmba, balse waxa uu masuuliyadda shilalka dusha ka saaray darawallada gaadiidka oo uu masuul-darro ku eedeeyey.
“Runtii waddadaasu waa nimco ka mid ah nimcooyinka Alle ina siiyay waayo waa waddo si wanaagsan loo sameeyay , hase yeeshe waxaad moodda shilalkeedu in ay aad u badanyihiin immika, waxaana muuqata dadka waddada isticmaala gaar ahaan kuwa Booyadaha wata iyo kuwa wata Iskaragooyinku in ay yihiin dad qayrul masuul ah,” ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde, waxaanu intaas ku daray, “Arrintaas aan canaanteeda dusha ka saarayo ciidamada waddooyinka oo aan u arko iyaga laftoodu in ay aad u tamar daranyihiin, waxaanse jecelahay in aan halkan ka soo jeediyo, baabuurtaasu gar-darrada iyo fool-xumooyinka ay sameeyaan waxaa ka sii daran, xagga horena waxay ku xidheen bir wayn oo sidii cagaf cagaftii ay wax ku jiidhaan xagga danbena mid aan looga soo dhawaanin.”
Wasiirku waxa uu dadka gaadiidka leh iyo Ciidanka waddoonyinka faray in biraha Turuska laga furo Gaadiidka, isagoo ku adkeeyey in maanta oo Salaasa ah laga bilaabo la hirgeliyo amarkaas, waxaanu yidhi, “Marka maanta waxaan halkan ka farayaa ciidamada waddooyinka si deg deg ah wixii Berri (Maanta) laga bilaabo in ay labada dhinacba ka jaraan labada turusba oo aanu gaadhi turusyo leh marin wadooyinka dalka , amarkaa waxaan siinaya ciidamada nabadgalayda waddooyinka, Berrina Insha Allaah waa la bilaabaya, inta aan police-ku xarayna in uu nin waliba geerash geeyo oo uu labadaba ka jaro ayaanu amar ku bixinaynaa, ninkii lagu arko ee shaqeynayaa wixii berri ka bilawda baabuurka waa laga dhigi doonaa waxaana la saari doona ganaax culus.”
Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa farriin u diray gaadiidleyda, waxaanu yidhi, “Waxaan halkan farriin adag uga dirayaa gadiidlayda sida khilaafsan xeerka gadiidka u socota, waxaanan si gaar ah digniin ugu siidirayaa, Basaska ciyaal Iskuulka wada, Booyadaha iyo Iskarogooyinka,waxaana idiin sheegayaa qadarku waa halkiisa, laakiin cidii sharciga u hoggaansami wayday inuu ciidanku gacan wayn ku qaban doono, ciidanku maanta laga bilaabo shaqada bilaabi doonaan.”

“Haddaanu wadno bulshooy noo sheega, hadday iyagu wadaanna, bulshooy u sheega”
Hargeysa, 30 June, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji xasan, ayaa jawaab ka bixiyey eedo iyo aflagaaddooyin uu sheegay inay siyaasiyiinta mucaaradka ugu jeediyaan madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa, waxaanu wasiirku ku dooday in xisbiyada mucaaradka ahi hormood ka yihiin, bulshadana ku kala qaybiyaan qabyaalad ay ku dooanayaan inay hoggaanka dalka ku hantaan.
Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlayey munaasibad lagu qabtay magaalada Burco oo lagu caleemo-saaray mid ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Togdheer, waxa uu bulshada ugu baaqay inay kala xukumaan isla markaana garsoor ka noqdaan eedaha mucaaradku u jeediyaan xukuumaddooda iyo wax-qabadka ay bulshada u qabtaan.
“Waxa ii muuqata inay siyaasaddii noqotay in dadka la caayo, waxaad arkaysaa xisbi dhan oo qorshaha uu la yimi ay tahay inuu madaxda qaranka caayo. Waxaad aragteen rag siyaasiyiin ah oo isla soo taagaya madaxweynuhu dalka ma xukumo, madaxweynuhu ma caafimaad-qabo. Haseyeeshee, waxaanu ka digaynaa oo bulshada u soo bandhigay, dadka halaga daayo qabyaaladda iyo kala-qaybinta ay adeegsanayaan mucaaradka kuwa sheegaya, kuwa kuraasta u haliilaya waxaan leeyahay, Illaahaybaa kursiga bixiya oo samaduu ka qoran yahay, kii Illaahay u qorayna wuu helayaa maalintiisa, waxaan leenahay waar sug maalintaada oo la kaalay farsamo aad nagaga qaaddo, cidina xoog nagaga qaadi mayso,” Sidaas ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Cidda wax kala xukumaysaa waa bulshada, waxaan leeyahay bulshada, waxay nagu caayaan inay yidhaadaan waa tuug, waa musuq-maasuq, waa qabyaalad, isagaana (Mucaarad) intii nagu sheegayana wada, markaa waxan leeyahay, waar haddaanu wadno bulshooy noo sheega, hadday iyagu wadaanna, bulshooy u sheega oo u badheedha yaan caqligiina la caayin.”

Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Hablaha oo la soo gebo-gabeeyey iyo Magacyada Ardayda ku guulaysatay
Hargeysa, 30 June, 2015 (Himilo)- Tartanka Qur’aanka Kariimka ah qaybtiisa labaad oo maalmihii u dambeeyey Masaajidka Rusheeye ee Hargeysa uga socday Hablo ku tartamay Xifdiga 30-ka Juz iyo 15 Juz Qur’aanka Kariimak ah, ayaa shalay la soo gebo-gabeeyey, waxaana loo qabtay munaasibad abaal-marinno kala duwan lagu guddoonsiiyey hablihii kaalmaha hore ku guulaystay.
[gallery ids="21033,21032"]
Tartanka oo ah sannadle ay maalgeliso shirkadda Dahabshiil, waxa lagu soo gunaanaday ka qayb-galay culimo-aw-diin uu ka mid ahaa Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Maxamed Cali Biixi, Sheekh Maxamed Aaden iyo Sheekh Mubaarak.
Tartankan oo ahaa 30 Juz iyo 15-ka Juz ee Qur’aanka Kariimka ah ayaa waxaa saddexda kaalmood ee ugu horreeya koox walba ku guulaystay ardaydan hoos ku xusan:
Ardayda 30-ka Juz
1- Asma Maxamed Xasan Kitaab Qur’aan ah, Labtob, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 1,000 USD (Kun Dollar).
2- Faa’isa Xuseen Maxamed Kitaab Qur’aan ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 700 USD (Todoba Boqol Oo Dollar).
3- Kaltuun Axmed Warsame Kitaab Qur’aan ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 500 USD (500 Boqol Oo Dollar).
Ardayda 15-ka Juz
1- Asma Maxamuud Cabdi (Kitaab Qur’aanka Kariimka ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 400 USD (Afar Boqol Oo Dollar).
2- Caa’isha Adem Ducaale (Kitaab Qur’aanka Kariimka ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 300 USD (Saddex Boqol Oo Dollar).
3- Barwaaqo Axmed Xuseen (Kitaab Qur’aanka Kariimak ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 200 USD (Labo Boqol Oo Dollar).
Sidoo kale, waxa xafladdaasi abaalmarinno ay ka mid yihiin Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah iyo Shahaadooyin isugu jira lagu guddoonsiiyey Arday kale oo ku guulaystay tartanka Qur’aanka Kariimka ah 30-ka Juz iyo 15-ka Juz, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin:
Ardayda 30-ka Juz:
Xafsa Muuse Cabdi, Nimco Xasan Jaamac, Salma Cabdiraxmaan Aaden, Raxma Muuse Sahal, Muniira Mustafe Baashe, Safiya Muuse Cabdi, Xamda Cabdilaahi Axmed, Sacda Cabdilaahi Axmed, Khadra Mustafe Maxamed, Umal-khayr Maxamed Jaamac, Nasra Aden Saciid
Ardayda 15-ka Juz
Najax Sulaymaan Maxamed, Deeqa Maxamed Xasan, Raadiya Maxamed Xasan, Xafsa Maxamed Xasan,
Xafsa Faarax Cabdiraxmaan, Asma Xuseen Cali, Ilhaan Cabdi Muuse, Warda Aadem Cabdi, Muhiim Aadem Xuseen, Khadan Maxamuud Xirsi, Nimco Cabdiqaadir Sulaymaan.
Qaybtii kowaad ee tartanka oo loo qabtay Wiilashada isla markaana ay maalgelisay shirkadda Dahabshiil, ayaa todobaadkii hore la soo gebo-gabeeyey, waxaana ka qayb-galay arday ka kala socotay gobollada dalka.

Wasiirka Warfaafinta oo Daah-furay Buug Ka Hadlaya Tayaynta Waddooyinka Somaliland
Hargeysa, 30 June, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Waraafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ka qayb-galay kulan lagu soo bandhigay Buug lagu naaqishayo tayaynta Waddooyinka Somaliland, kaas oo isku-dubba-ridkii iyo diyaarintiisa ay qayb ka tahay hay’adda Waddooyinka Somaliland.
[gallery columns="2" ids="21041,21040"]
Kulan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Maareeye ku-xigeenka hay’adda Waddooyinka, masuuliyiin ka socday hay’adda ILO iyo khubaro aqoon u leh dhismaha Waddooyinka.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sharraxay dib-qorshayaasha xukuumadda ee dib-u-dhiska iyo tayaynta waddooyinka dalka, waxaanu yidhi, “Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo wax ay ku faani karto taariikhadana u galay, waxa ka mid ah waxqabadka hay’adda Wadooyinka, waxa ka mid ah Waddooyinka kuwa aan jiri jirin ee ay iyadu samaysay, waxa ka mid ah Waddooyinka dawladihii kacaan ahaa, dawlado shacab ahaa iyo dawlado Xukuumaddan ka horeeyay aanay ku dhici karayn ee ay iyaddu bilawday oo socda ee Injineerkii fulinayay uu halkan fadhiyo oo Ceerigaabo ka mid tahay. Waxa ka mid ah Waddooyinka isku xidhaya Boorama iyo Hargeysa oo aad ogtihiin Boorama ilaa Dila ilaa Ingiriiskii in aanay Wadadaasi ahayd Wado jirta, maantana aad ogtihiin in Wadadaasi wakhtiga lagu tago iyo rafaadka loo mari jiray, waxaan ku amaanaynaa siday Wadooyinka u dhiirigeliyaan ee hay’adda Wadooyinku, Xukuumadda iyo Shacabku inta badan iska kaashadaan ee shacabkana lagu dhiirigeliyo waxqabsiga, oo lagu dhiirigeliyo siday wax u qabsan lahaayeeyn oo wax loogu daro oo wixii ay qabsadaan kolba wax u dhigma ama wax loo gooyay loogu daro, taasina ay suurto geliso in Waddooyin dhaadheer maanta la maro oo ay sidaas ku samaysmeen,” sidaas ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse.
Maareeye ku-xigeenka hay’adda Waddooyinka Maxamuud Daahir Jaamac oo kulankaasi ka hadlay, waxa uu yidhi, “Waxa la ogaaday horumarka dalku inuu yahay haddii Wado la helo horumar baa la gaadhayaa, maanta meel kasta ilaa Ceerigaabo ilaa dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka oo dhan horumar baa ka socda, waana hadafkii Madaxweynaheena Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu hormoodku inoogu ahaa. INSHA ALLAH waxaanu ku rajo weynahay in aqoon isweydaarsigan inay sidii loogu tallo galay u qabso , cid alaale cidii qorshahan ka faa’idaysanaysana inay sidii loogu tallo galay uga faa’idaysato, imika sidii la inoo sheegeen qolihii waday waa daraaf in dhamaytirkiisana aynu dhamaystirno, xadhigana maalin ka wada jarno.” Ayuu yidhi Maareeye ku xigeenka Wadooyinka hay’adda Somaliland
Sidoo kale Yasiin Cali Aadan oo ah Sarkaal ka tirsan hay’adda Waddooyinka ayaa sheegay in Somaliland ay yeelatay nidaam cusub oo lagu horumarinayo Waddooyinka, waxaanu yidhi, “Waxa soo saaray ama hawshan hirgeliyay hay’adda Waddooyinka Somaliland, waxa gacan ka siisay hay’adda ILO, muhiimadda ugu weyn ama nuxurka Dhukumantiyadani ka hadlayaan waa qaabkii loo raaci lahaa Wadooyinka oo Somaliland hore umayn lahaan jirin waligeedna may yeelan, laakiin maanta waxay leedahay wax kasta oo Wado ku saabsan. Hadday tahay Bariijkii iyo biyamareennadii iyo hadday tahay calaamadihii Waddooyinka.”
Dhinaca kale Eng. Cabdilaahi Cabdisalaan Sheekh Cali Jawhar iyo Maxamed Cabdiraxiim oo ah mid ah masuuliyiinta hay’adda ILO, ayaa ka warramay muhiimada ay dhismaha Waddooyinku u leeyihiin dalka.

Sarkaal ka tirsanaa AMISOM oo ku biiray Kooxda Al-Shabaab
Qansax-dheere, 30 June 2015 (Himilo)- Sarkaal ka tirsanaa Ciidammada Midawga Afrika (AMISOM) ee ku sugan dalka Soomaaliya, ayaa la sheegay inuu isu dhiibay Malleeshiyada Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta AMISOM iyo Ciidammada dawladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Maamulka degmada Qansax-dheere Aadan Cabdi Qooqane, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da u xaqiijiyey in Sarkaalkaasi uu isku dhiibay Malleeshiyada Al-shabaab ee deegaanka Ufurow.
Waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in Sarkaalkaasi uu sii maray Tuulo la yidhaahdo Geriyow oo degmada Qansax-dheere u jirta siddeed Kiiloo-mitir, kaasoo dadka Tuuladaasi weydiisatay jidka taga deegaanka Ufurow. Illaa iyo hadda lama ogga sababta uu Sarkaalkan ka tirsanaa Ciidanka Nabad-ilaalinta AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dawladda Ethiopia uu isugu dhiibay Al-Shabaab.
Taliska Ciidammada AMISOM ee Soomaaliya, ayaan weli ka hadal Sarkaalka la sheegay in uu u goostay dhanka Malleeshiyada Al-Shabaab, kana baxay Ciidanka uu ka tirsanaa ee Itoobiya oo qayb ka ah Hawlgalka AMISOM. Sidoo kale, Kooxda Al-Shabaab, ayaan iyaguna dhinacooda weli shaacin Sarkaalkan la sheegay inuu isu dhiibay.

Itoobiya oo Jaan-goysay Qaddarka ay ka Isticmaalayso Dekedda Berbera iyo Cidda ka Dambaysa Qorshaha ku kallifay inay ballaadhiso Adeegsiga Dekedaha Gobolka.
Addis Ababa, 30 June, 2015 (Himilo)- Dowladda Itoobiya, ayaa ku hawlan qorshe ay ku ballaadhinayso baahida ay u qabto isticmaalka Dekedaha ku yaala gobolka Bariga Afrika isla markaana ay ku yaraynayso ganacsigeeda ku xidhan dekedda Jabuuti oo boqolkii 90 daboosha badeecadaha ay la soo degto iyo kuwa ay dhoofiso, ayaa caddeysay xaddiga badeecadaha ay ka isticmaalayso dekedda Berbera.
Qorshaha Dowladda Itoobiya ku ballaadhinayso isticmaalka dekedo ay kala soo degto badeecadaheeda ku xidhan dekedda Jabuuti, waxa ka mid ah inay adeegsato dekedda Mombasa ee dalka Kenya, dekedda Berbera ee Somaliland iyo Dekedda Port Sudan ee waddanka Sudan.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Dowladda Federaalka ee Itoobiya oo la hadlayey Baarlamaanka dalkaas, ayaa sheegay inay sii wadayaan ganacsigooda ku xidhan dekedda Jabuuti, balse ay baahi weyn u qabaan dekedo ay kala soo degaan badeecadaha dibadda uga imanaya oo Dekedda Berbera ku jirto.
“Waxaanu qorshaynaynaa inaanu dekedda Berbera u isticmaalno Boqolkiiba Shan ilaa Toban ka mid ah Alaabooyinka aynu dibadda kala soo degno, waxaananu rejaynaynaa inaanu sii wadno baadi-doonka aanu ugu jirno dekedo ku haboon oo aynu u isticmaalno jihooyinka kala duwan ee dalka. Haseyeeshee, dekedda Jabuuti waxay sii ahaan doontaa dekedda ugu muhiimsan,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka ee dowladda Itoobiya Workeneh Gebeyehu.
Sida ay qoreen warbaahinta dalka Itoobiya, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Mashaariicda Horumarinta ee UNDP, ayaa ka dambaysa qorshaha ay dowladda Itoobiya ku ballaadhinayso isticmaalka Dekedaha ganacsigeedu ku xidhan yahay. Waddanka Itoobiya, ayaa ka mid ah 16 Waddan oo ku yaala qaaradda Afrika, kuwaasoo aan wax Bad ah lahayn.
Dekedda Jabuuti waxa wakhtigan gacanta ku haysa shirkadda DP World Djibouti oo maamulkeedu hoostago shirkadda DP World oo laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta, taas oo gacanta ku haysa in ka badan 65 Dekedood oo ku kala yaalla lix Qaaradood, kuwaas oo ay ku jiraan dekedaha ugu waaweyn qaaradda Afrika oo ay ka mid tahay Dekedda Durban ee waddanka Koonfur Afrika.
Shirkadda DP World, ayaa wakhtigan ka mid ah dhowr shirkadood oo wada-hadallo la xidhiidha maalgeshiga dekedda Berbera kula jirta xukuumadda Somaliland, iyadoo shirkaddan DP World xilligan olole ay ku raadinayso heshiiska maalgeshiga dekedda Berbera uga faa’idaysanaysa isla markaa ku xod-xodanaysa dowladda Itoobiya baahida ay u qabto adeegysiga Dekedda Berbera iyo inay dowladda Somaliland ku qanciso in DP World lagu wareejiyo maamulka Dekedda, sida aanu ka soo xigannay warbixinno ay qoraal warbaahinta dalka Itoobiya qaarkood.
Himilo Media
Hargeysa Office
Himilo

“Haddaanu wadno bulshooy noo sheega, hadday iyagu wadaanna, bulshooy u sheega”Wasiir Xirsi.
Hargeysa, 30 June, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji xasan, ayaa jawaab ka bixiyey eedo iyo aflagaaddooyin uu sheegay inay siyaasiyiinta mucaaradka ugu jeediyaan madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa, waxaanu wasiirku ku dooday in xisbiyada mucaaradka ahi hormood ka yihiin, bulshadana ku kala qaybiyaan qabyaalad ay ku dooanayaan inay hoggaanka dalka ku hantaan.
Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlayey munaasibad lagu qabtay magaalada Burco oo lagu caleemo-saaray mid ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Togdheer, waxa uu bulshada ugu baaqay inay kala xukumaan isla markaana garsoor ka noqdaan eedaha mucaaradku u jeediyaan xukuumaddooda iyo wax-qabadka ay bulshada u qabtaan.
“Waxa ii muuqata inay siyaasaddii noqotay in dadka la caayo, waxaad arkaysaa xisbi dhan oo qorshaha uu la yimi ay tahay inuu madaxda qaranka caayo. Waxaad aragteen rag siyaasiyiin ah oo isla soo taagaya madaxweynuhu dalka ma xukumo, madaxweynuhu ma caafimaad-qabo. Haseyeeshee, waxaanu ka digaynaa oo bulshada u soo bandhigay, dadka halaga daayo qabyaaladda iyo kala-qaybinta ay adeegsanayaan mucaaradka kuwa sheegaya, kuwa kuraasta u haliilaya waxaan leeyahay, Illaahaybaa kursiga bixiya oo samaduu ka qoran yahay, kii Illaahay u qorayna wuu helayaa maalintiisa, waxaan leenahay waar sug maalintaada oo la kaalay farsamo aad nagaga qaaddo, cidina xoog nagaga qaadi mayso,” Sidaas ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Cidda wax kala xukumaysaa waa bulshada, waxaan leeyahay bulshada, waxay nagu caayaan inay yidhaadaan waa tuug, waa musuq-maasuq, waa qabyaalad, isagaana (Mucaarad) intii nagu sheegayana wada, markaa waxan leeyahay, waar haddaanu wadno bulshooy noo sheega, hadday iyagu wadaanna, bulshooy u sheega oo u badheedha yaan caqligiina la caayin.”
Himilo Media
Hargeysa Office
Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlayey munaasibad lagu qabtay magaalada Burco oo lagu caleemo-saaray mid ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Togdheer, waxa uu bulshada ugu baaqay inay kala xukumaan isla markaana garsoor ka noqdaan eedaha mucaaradku u jeediyaan xukuumaddooda iyo wax-qabadka ay bulshada u qabtaan.
“Waxa ii muuqata inay siyaasaddii noqotay in dadka la caayo, waxaad arkaysaa xisbi dhan oo qorshaha uu la yimi ay tahay inuu madaxda qaranka caayo. Waxaad aragteen rag siyaasiyiin ah oo isla soo taagaya madaxweynuhu dalka ma xukumo, madaxweynuhu ma caafimaad-qabo. Haseyeeshee, waxaanu ka digaynaa oo bulshada u soo bandhigay, dadka halaga daayo qabyaaladda iyo kala-qaybinta ay adeegsanayaan mucaaradka kuwa sheegaya, kuwa kuraasta u haliilaya waxaan leeyahay, Illaahaybaa kursiga bixiya oo samaduu ka qoran yahay, kii Illaahay u qorayna wuu helayaa maalintiisa, waxaan leenahay waar sug maalintaada oo la kaalay farsamo aad nagaga qaaddo, cidina xoog nagaga qaadi mayso,” Sidaas ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Cidda wax kala xukumaysaa waa bulshada, waxaan leeyahay bulshada, waxay nagu caayaan inay yidhaadaan waa tuug, waa musuq-maasuq, waa qabyaalad, isagaana (Mucaarad) intii nagu sheegayana wada, markaa waxan leeyahay, waar haddaanu wadno bulshooy noo sheega, hadday iyagu wadaanna, bulshooy u sheega oo u badheedha yaan caqligiina la caayin.”
Himilo Media
Hargeysa Office
Aas Qaran oo Hargeysa loogu sameeyey Suxufi iyo Laba Sarkaal oo ku geeriyooday Shil Baabuur
Hargeysa, 30 June, 2015 (Himilo)- Allaah ha u naxariistee Aas Qaran ayaa shalay loogu sameeyey Qubuuraha Naasa-hablood ee duleedka magaalada Hargeysa saddex Marxuum oo ku geeriyooday Shil Baabuur oo Axaddii ka dhacay jidka isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, kuwaasoo kala ahaa Weriye iyo laba Sarkaal.
Saddexdan Marxuum ee Aaska Qaran loo sameeyey, waxay kala ahaayeen Allaah ha u naxariistee Maxamed Daa’uud Yuusuf oo ahaa Filim-qaade ka hawlgali jiray Horn Cable TV, Weli Daa’uud Cigaal oo ahaa Agaasimihii Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Muuse Cabdi Ducaale oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska, isla markaana ka mid ahaa ilaalada Wasiirka Maaliyadda Somaliland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Sayici), Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Shir-guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka, Xildhibaannada iyo Maamulka dawladda hoose ee Hargeysa, Taliyeyaasha Ciidammada, Ehelada saddexda Marxuum, Bahda Saxaafadda iyo Dadweyne Tiro badan.
Masuuliyiinta iyo dadweynaha kala duwan ee ka qaybgalay Aaska saddexda Marxuum Isniintii shalay loogu sameeyey Xabaalaha Naasa-hablood, ayaa Allaah uga beryey saddexda Marxuum inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Ciidanka Booliska, Wasaaradda Maaliyadda, Warbaahinta Somaliland, gaar ahaan Horn Cable TV iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay, oo ay ka tacsiyadeeyeen geeridaas naxdinta lahayd.
Waxay aad ugu duceeyeen saddexda Marxuum oo ay sheegeen inkastoo geeri naxdin leh ay geeriyoodeen, in haddana ALLAAH ku soo beegay inay dunida ka baxaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ay ku soo beegmeen bilawga tobanka dhexe ee dembi-dhaafka ah, iyagoo ALLAAH ka beryey inuu cawil khayr qaba ka siiyo Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Hay’adaha ay ka tirsanaayeen iyo guud ahaanba Qaranka Somaliland ee ay ka baxeen saddexda Marxuum.
Bahda Wargeyska Himilo waxay guud ahaan Tacsi taas la mid ah u dirayaan Qoyska, Ehelada, Asxaabta, Qaraabada, Hay’adaha ay ka hawlgeli jireen iyo Qaranka Somaliland, waxaanannu Allaah uga baryeynaa inuu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo, saddexda Marxuumna Naxariistiisa Janno ka waraabiyo Insha ALLAAH.
Himilo Media
Hargeysa Office
Saddexdan Marxuum ee Aaska Qaran loo sameeyey, waxay kala ahaayeen Allaah ha u naxariistee Maxamed Daa’uud Yuusuf oo ahaa Filim-qaade ka hawlgali jiray Horn Cable TV, Weli Daa’uud Cigaal oo ahaa Agaasimihii Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Muuse Cabdi Ducaale oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska, isla markaana ka mid ahaa ilaalada Wasiirka Maaliyadda Somaliland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Sayici), Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Shir-guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka, Xildhibaannada iyo Maamulka dawladda hoose ee Hargeysa, Taliyeyaasha Ciidammada, Ehelada saddexda Marxuum, Bahda Saxaafadda iyo Dadweyne Tiro badan.
Masuuliyiinta iyo dadweynaha kala duwan ee ka qaybgalay Aaska saddexda Marxuum Isniintii shalay loogu sameeyey Xabaalaha Naasa-hablood, ayaa Allaah uga beryey saddexda Marxuum inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Ciidanka Booliska, Wasaaradda Maaliyadda, Warbaahinta Somaliland, gaar ahaan Horn Cable TV iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay, oo ay ka tacsiyadeeyeen geeridaas naxdinta lahayd.
Waxay aad ugu duceeyeen saddexda Marxuum oo ay sheegeen inkastoo geeri naxdin leh ay geeriyoodeen, in haddana ALLAAH ku soo beegay inay dunida ka baxaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ay ku soo beegmeen bilawga tobanka dhexe ee dembi-dhaafka ah, iyagoo ALLAAH ka beryey inuu cawil khayr qaba ka siiyo Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Hay’adaha ay ka tirsanaayeen iyo guud ahaanba Qaranka Somaliland ee ay ka baxeen saddexda Marxuum.
Bahda Wargeyska Himilo waxay guud ahaan Tacsi taas la mid ah u dirayaan Qoyska, Ehelada, Asxaabta, Qaraabada, Hay’adaha ay ka hawlgeli jireen iyo Qaranka Somaliland, waxaanannu Allaah uga baryeynaa inuu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo, saddexda Marxuumna Naxariistiisa Janno ka waraabiyo Insha ALLAAH.
Himilo Media
Hargeysa Office
Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Hablaha oo la soo gebo-gabeeyey iyo Magacyada Ardayda ku guulaysatay
Hargeysa, 30 June, 2015 (Himilo)- Tartanka Qur’aanka Kariimka ah qaybtiisa labaad oo maalmihii u dambeeyey Masaajidka Rusheeye ee Hargeysa uga socday Hablo ku tartamay Xifdiga 30-ka Juz iyo 15 Juz Qur’aanka Kariimak ah, ayaa shalay la soo gebo-gabeeyey, waxaana loo qabtay munaasibad abaal-marinno kala duwan lagu guddoonsiiyey hablihii kaalmaha hore ku guulaystay.
Tartanka oo ah sannadle ay maalgeliso shirkadda Dahabshiil, waxa lagu soo gunaanaday ka qayb-galay culimo-aw-diin uu ka mid ahaa Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Maxamed Cali Biixi, Sheekh Maxamed Aaden iyo Sheekh Mubaarak.
Tartankan oo ahaa 30 Juz iyo 15-ka Juz ee Qur’aanka Kariimka ah ayaa waxaa saddexda kaalmood ee ugu horreeya koox walba ku guulaystay ardaydan hoos ku xusan:
Ardayda 30-ka Juz
1- Asma Maxamed Xasan Kitaab Qur’aan ah, Labtob, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 1,000 USD (Kun Dollar).
2- Faa’isa Xuseen Maxamed Kitaab Qur’aan ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 700 USD (Todoba Boqol Oo Dollar).
3- Kaltuun Axmed Warsame Kitaab Qur’aan ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 500 USD (500 Boqol Oo Dollar).
Ardayda 15-ka Juz
1- Asma Maxamuud Cabdi (Kitaab Qur’aanka Kariimka ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 400 USD (Afar Boqol Oo Dollar).
2- Caa’isha Adem Ducaale (Kitaab Qur’aanka Kariimka ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 300 USD (Saddex Boqol Oo Dollar).
3- Barwaaqo Axmed Xuseen (Kitaab Qur’aanka Kariimak ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 200 USD (Labo Boqol Oo Dollar).
Sidoo kale, waxa xafladdaasi abaalmarinno ay ka mid yihiin Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah iyo Shahaadooyin isugu jira lagu guddoonsiiyey Arday kale oo ku guulaystay tartanka Qur’aanka Kariimka ah 30-ka Juz iyo 15-ka Juz, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin:
Ardayda 30-ka Juz:
Xafsa Muuse Cabdi, Nimco Xasan Jaamac, Salma Cabdiraxmaan Aaden, Raxma Muuse Sahal, Muniira Mustafe Baashe, Safiya Muuse Cabdi, Xamda Cabdilaahi Axmed, Sacda Cabdilaahi Axmed, Khadra Mustafe Maxamed, Umal-khayr Maxamed Jaamac, Nasra Aden Saciid
Ardayda 15-ka Juz
Najax Sulaymaan Maxamed, Deeqa Maxamed Xasan, Raadiya Maxamed Xasan, Xafsa Maxamed Xasan,
Xafsa Faarax Cabdiraxmaan, Asma Xuseen Cali, Ilhaan Cabdi Muuse, Warda Aadem Cabdi, Muhiim Aadem Xuseen, Khadan Maxamuud Xirsi, Nimco Cabdiqaadir Sulaymaan.
Qaybtii kowaad ee tartanka oo loo qabtay Wiilashada isla markaana ay maalgelisay shirkadda Dahabshiil, ayaa todobaadkii hore la soo gebo-gabeeyey, waxaana ka qayb-galay arday ka kala socotay gobollada dalka.
Himilo Media
Hargeysa Office
Tartanka oo ah sannadle ay maalgeliso shirkadda Dahabshiil, waxa lagu soo gunaanaday ka qayb-galay culimo-aw-diin uu ka mid ahaa Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Maxamed Cali Biixi, Sheekh Maxamed Aaden iyo Sheekh Mubaarak.
Tartankan oo ahaa 30 Juz iyo 15-ka Juz ee Qur’aanka Kariimka ah ayaa waxaa saddexda kaalmood ee ugu horreeya koox walba ku guulaystay ardaydan hoos ku xusan:
Ardayda 30-ka Juz
1- Asma Maxamed Xasan Kitaab Qur’aan ah, Labtob, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 1,000 USD (Kun Dollar).
2- Faa’isa Xuseen Maxamed Kitaab Qur’aan ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 700 USD (Todoba Boqol Oo Dollar).
3- Kaltuun Axmed Warsame Kitaab Qur’aan ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 500 USD (500 Boqol Oo Dollar).
Ardayda 15-ka Juz
1- Asma Maxamuud Cabdi (Kitaab Qur’aanka Kariimka ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 400 USD (Afar Boqol Oo Dollar).
2- Caa’isha Adem Ducaale (Kitaab Qur’aanka Kariimka ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 300 USD (Saddex Boqol Oo Dollar).
3- Barwaaqo Axmed Xuseen (Kitaab Qur’aanka Kariimak ah, Shahaado, Shandad, Saacad iyo Lacag dhan $ 200 USD (Labo Boqol Oo Dollar).
Sidoo kale, waxa xafladdaasi abaalmarinno ay ka mid yihiin Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah iyo Shahaadooyin isugu jira lagu guddoonsiiyey Arday kale oo ku guulaystay tartanka Qur’aanka Kariimka ah 30-ka Juz iyo 15-ka Juz, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin:
Ardayda 30-ka Juz:
Xafsa Muuse Cabdi, Nimco Xasan Jaamac, Salma Cabdiraxmaan Aaden, Raxma Muuse Sahal, Muniira Mustafe Baashe, Safiya Muuse Cabdi, Xamda Cabdilaahi Axmed, Sacda Cabdilaahi Axmed, Khadra Mustafe Maxamed, Umal-khayr Maxamed Jaamac, Nasra Aden Saciid
Ardayda 15-ka Juz
Najax Sulaymaan Maxamed, Deeqa Maxamed Xasan, Raadiya Maxamed Xasan, Xafsa Maxamed Xasan,
Xafsa Faarax Cabdiraxmaan, Asma Xuseen Cali, Ilhaan Cabdi Muuse, Warda Aadem Cabdi, Muhiim Aadem Xuseen, Khadan Maxamuud Xirsi, Nimco Cabdiqaadir Sulaymaan.
Qaybtii kowaad ee tartanka oo loo qabtay Wiilashada isla markaana ay maalgelisay shirkadda Dahabshiil, ayaa todobaadkii hore la soo gebo-gabeeyey, waxaana ka qayb-galay arday ka kala socotay gobollada dalka.
Himilo Media
Hargeysa Office
Wasiirka Warfaafinta oo Daah-furay Buug Ka Hadlaya Tayaynta Waddooyinka Somaliland.
Hargeysa, 30 June, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Waraafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ka qayb-galay kulan lagu soo bandhigay Buug lagu naaqishayo tayaynta Waddooyinka Somaliland, kaas oo isku-dubba-ridkii iyo diyaarintiisa ay qayb ka tahay hay’adda Waddooyinka Somaliland.
Kulan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Maareeye ku-xigeenka hay’adda Waddooyinka, masuuliyiin ka socday hay’adda ILO iyo khubaro aqoon u leh dhismaha Waddooyinka.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sharraxay dib-qorshayaasha xukuumadda ee dib-u-dhiska iyo tayaynta waddooyinka dalka, waxaanu yidhi, “Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo wax ay ku faani karto taariikhadana u galay, waxa ka mid ah waxqabadka hay’adda Wadooyinka, waxa ka mid ah Waddooyinka kuwa aan jiri jirin ee ay iyadu samaysay, waxa ka mid ah Waddooyinka dawladihii kacaan ahaa, dawlado shacab ahaa iyo dawlado Xukuumaddan ka horeeyay aanay ku dhici karayn ee ay iyaddu bilawday oo socda ee Injineerkii fulinayay uu halkan fadhiyo oo Ceerigaabo ka mid tahay. Waxa ka mid ah Waddooyinka isku xidhaya Boorama iyo Hargeysa oo aad ogtihiin Boorama ilaa Dila ilaa Ingiriiskii in aanay Wadadaasi ahayd Wado jirta, maantana aad ogtihiin in Wadadaasi wakhtiga lagu tago iyo rafaadka loo mari jiray, waxaan ku amaanaynaa siday Wadooyinka u dhiirigeliyaan ee hay’adda Wadooyinku, Xukuumadda iyo Shacabku inta badan iska kaashadaan ee shacabkana lagu dhiirigeliyo waxqabsiga, oo lagu dhiirigeliyo siday wax u qabsan lahaayeeyn oo wax loogu daro oo wixii ay qabsadaan kolba wax u dhigma ama wax loo gooyay loogu daro, taasina ay suurto geliso in Waddooyin dhaadheer maanta la maro oo ay sidaas ku samaysmeen,” sidaas ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse.
Maareeye ku-xigeenka hay’adda Waddooyinka Maxamuud Daahir Jaamac oo kulankaasi ka hadlay, waxa uu yidhi, “Waxa la ogaaday horumarka dalku inuu yahay haddii Wado la helo horumar baa la gaadhayaa, maanta meel kasta ilaa Ceerigaabo ilaa dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka oo dhan horumar baa ka socda, waana hadafkii Madaxweynaheena Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu hormoodku inoogu ahaa. INSHA ALLAH waxaanu ku rajo weynahay in aqoon isweydaarsigan inay sidii loogu tallo galay u qabso , cid alaale cidii qorshahan ka faa’idaysanaysana inay sidii loogu tallo galay uga faa’idaysato, imika sidii la inoo sheegeen qolihii waday waa daraaf in dhamaytirkiisana aynu dhamaystirno, xadhigana maalin ka wada jarno.” Ayuu yidhi Maareeye ku xigeenka Wadooyinka hay’adda Somaliland
Sidoo kale Yasiin Cali Aadan oo ah Sarkaal ka tirsan hay’adda Waddooyinka ayaa sheegay in Somaliland ay yeelatay nidaam cusub oo lagu horumarinayo Waddooyinka, waxaanu yidhi, “Waxa soo saaray ama hawshan hirgeliyay hay’adda Waddooyinka Somaliland, waxa gacan ka siisay hay’adda ILO, muhiimadda ugu weyn ama nuxurka Dhukumantiyadani ka hadlayaan waa qaabkii loo raaci lahaa Wadooyinka oo Somaliland hore umayn lahaan jirin waligeedna may yeelan, laakiin maanta waxay leedahay wax kasta oo Wado ku saabsan. Hadday tahay Bariijkii iyo biyamareennadii iyo hadday tahay calaamadihii Waddooyinka.”
Dhinaca kale Eng. Cabdilaahi Cabdisalaan Sheekh Cali Jawhar iyo Maxamed Cabdiraxiim oo ah mid ah masuuliyiinta hay’adda ILO, ayaa ka warramay muhiimada ay dhismaha Waddooyinku u leeyihiin dalka.
Himilo Media
Hargeysa Office
Kulan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Maareeye ku-xigeenka hay’adda Waddooyinka, masuuliyiin ka socday hay’adda ILO iyo khubaro aqoon u leh dhismaha Waddooyinka.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sharraxay dib-qorshayaasha xukuumadda ee dib-u-dhiska iyo tayaynta waddooyinka dalka, waxaanu yidhi, “Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo wax ay ku faani karto taariikhadana u galay, waxa ka mid ah waxqabadka hay’adda Wadooyinka, waxa ka mid ah Waddooyinka kuwa aan jiri jirin ee ay iyadu samaysay, waxa ka mid ah Waddooyinka dawladihii kacaan ahaa, dawlado shacab ahaa iyo dawlado Xukuumaddan ka horeeyay aanay ku dhici karayn ee ay iyaddu bilawday oo socda ee Injineerkii fulinayay uu halkan fadhiyo oo Ceerigaabo ka mid tahay. Waxa ka mid ah Waddooyinka isku xidhaya Boorama iyo Hargeysa oo aad ogtihiin Boorama ilaa Dila ilaa Ingiriiskii in aanay Wadadaasi ahayd Wado jirta, maantana aad ogtihiin in Wadadaasi wakhtiga lagu tago iyo rafaadka loo mari jiray, waxaan ku amaanaynaa siday Wadooyinka u dhiirigeliyaan ee hay’adda Wadooyinku, Xukuumadda iyo Shacabku inta badan iska kaashadaan ee shacabkana lagu dhiirigeliyo waxqabsiga, oo lagu dhiirigeliyo siday wax u qabsan lahaayeeyn oo wax loogu daro oo wixii ay qabsadaan kolba wax u dhigma ama wax loo gooyay loogu daro, taasina ay suurto geliso in Waddooyin dhaadheer maanta la maro oo ay sidaas ku samaysmeen,” sidaas ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse.
Maareeye ku-xigeenka hay’adda Waddooyinka Maxamuud Daahir Jaamac oo kulankaasi ka hadlay, waxa uu yidhi, “Waxa la ogaaday horumarka dalku inuu yahay haddii Wado la helo horumar baa la gaadhayaa, maanta meel kasta ilaa Ceerigaabo ilaa dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka oo dhan horumar baa ka socda, waana hadafkii Madaxweynaheena Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu hormoodku inoogu ahaa. INSHA ALLAH waxaanu ku rajo weynahay in aqoon isweydaarsigan inay sidii loogu tallo galay u qabso , cid alaale cidii qorshahan ka faa’idaysanaysana inay sidii loogu tallo galay uga faa’idaysato, imika sidii la inoo sheegeen qolihii waday waa daraaf in dhamaytirkiisana aynu dhamaystirno, xadhigana maalin ka wada jarno.” Ayuu yidhi Maareeye ku xigeenka Wadooyinka hay’adda Somaliland
Sidoo kale Yasiin Cali Aadan oo ah Sarkaal ka tirsan hay’adda Waddooyinka ayaa sheegay in Somaliland ay yeelatay nidaam cusub oo lagu horumarinayo Waddooyinka, waxaanu yidhi, “Waxa soo saaray ama hawshan hirgeliyay hay’adda Waddooyinka Somaliland, waxa gacan ka siisay hay’adda ILO, muhiimadda ugu weyn ama nuxurka Dhukumantiyadani ka hadlayaan waa qaabkii loo raaci lahaa Wadooyinka oo Somaliland hore umayn lahaan jirin waligeedna may yeelan, laakiin maanta waxay leedahay wax kasta oo Wado ku saabsan. Hadday tahay Bariijkii iyo biyamareennadii iyo hadday tahay calaamadihii Waddooyinka.”
Dhinaca kale Eng. Cabdilaahi Cabdisalaan Sheekh Cali Jawhar iyo Maxamed Cabdiraxiim oo ah mid ah masuuliyiinta hay’adda ILO, ayaa ka warramay muhiimada ay dhismaha Waddooyinku u leeyihiin dalka.
Himilo Media
Hargeysa Office
Sarkaal ka tirsanaa AMISOM oo ku biiray Kooxda Al-Shabaab
Qansax-dheere, 30 June 2015 (Himilo)- Sarkaal ka tirsanaa Ciidammada Midawga Afrika (AMISOM) ee ku sugan dalka Soomaaliya, ayaa la sheegay inuu isu dhiibay Malleeshiyada Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta AMISOM iyo Ciidammada dawladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Maamulka degmada Qansax-dheere Aadan Cabdi Qooqane, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da u xaqiijiyey in Sarkaalkaasi uu isku dhiibay Malleeshiyada Al-shabaab ee deegaanka Ufurow.
Waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in Sarkaalkaasi uu sii maray Tuulo la yidhaahdo Geriyow oo degmada Qansax-dheere u jirta siddeed Kiiloo-mitir, kaasoo dadka Tuuladaasi weydiisatay jidka taga deegaanka Ufurow. Illaa iyo hadda lama ogga sababta uu Sarkaalkan ka tirsanaa Ciidanka Nabad-ilaalinta AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dawladda Ethiopia uu isugu dhiibay Al-Shabaab.
Taliska Ciidammada AMISOM ee Soomaaliya, ayaan weli ka hadal Sarkaalka la sheegay in uu u goostay dhanka Malleeshiyada Al-Shabaab, kana baxay Ciidanka uu ka tirsanaa ee Itoobiya oo qayb ka ah Hawlgalka AMISOM. Sidoo kale, Kooxda Al-Shabaab, ayaan iyaguna dhinacooda weli shaacin Sarkaalkan la sheegay inuu isu dhiibay.
Himilo Media
Hargeysa Office
Guddoomiyaha Maamulka degmada Qansax-dheere Aadan Cabdi Qooqane, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da u xaqiijiyey in Sarkaalkaasi uu isku dhiibay Malleeshiyada Al-shabaab ee deegaanka Ufurow.
Waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in Sarkaalkaasi uu sii maray Tuulo la yidhaahdo Geriyow oo degmada Qansax-dheere u jirta siddeed Kiiloo-mitir, kaasoo dadka Tuuladaasi weydiisatay jidka taga deegaanka Ufurow. Illaa iyo hadda lama ogga sababta uu Sarkaalkan ka tirsanaa Ciidanka Nabad-ilaalinta AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dawladda Ethiopia uu isugu dhiibay Al-Shabaab.
Taliska Ciidammada AMISOM ee Soomaaliya, ayaan weli ka hadal Sarkaalka la sheegay in uu u goostay dhanka Malleeshiyada Al-Shabaab, kana baxay Ciidanka uu ka tirsanaa ee Itoobiya oo qayb ka ah Hawlgalka AMISOM. Sidoo kale, Kooxda Al-Shabaab, ayaan iyaguna dhinacooda weli shaacin Sarkaalkan la sheegay inuu isu dhiibay.
Himilo Media
Hargeysa Office
Hargeysa Oo Si Heer Qaran loogu ah Aasay Suxufi iyo Laba Sarkaal oo ku geeriyooday Shil Baabuur
Hargeysa (Himilo)- Alla ha u naxariistee si heer Qaran ah ayaa loogu aasay Qubuuraha Naasa-hablood ee duleedka magaalada Hargeysa saddex Marxuum oo ku geeriyooday Shil Baabuur oo Axaddii ka dhacay jidka isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, kuwaasoo kala ahaa Weriye iyo laba Sarkaal.
[gallery columns="2" ids="21025,21024"]
Saddexdan Marxuum ee Aaska Qaran loo sameeyey, waxay kala ahaayeen Illaahay ha u naxariistee Marxuum Maxamed Daa’uud Yuusuf oo ahaa Sawir-qaade ka hawlgali jiray Horn Cable TV, Weli Daa’uud Cigaal oo ahaa Agaasimihii Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Muuse Cabdi Haybe oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska, isla markaana ka mid ahaa illaalada Wasiirka Maaliyadda Somaliland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Sayici), Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Shir-guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka, Xildhibaannada iyo Maamulka dawladda hoose ee Hargeysa, Taliyeyaasha Ciidammada, Ehelada saddexda Marxuum, Bahda Saxaafadda iyo Dadweyne Tiro badan.
Masuuliyiinta iyo dadweynaha kala duwan ee ka qaybgalay Aaska saddexda Marxuum Isniintii shalay loogu sameeyey Xabaalaha Naasa-hablood, ayaa Illaahay uga beryey saddexda Marxuum inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Ciidanka Booliska, Wasaaradda Maaliyadda, Warbaahinta Somaliland, gaar ahaan Horn Cable TV iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay, oo ay ka tacsiyadeeyeen geeridaas naxdinta lahayd.
Waxay aad ugu duceeyeen saddexda Marxuum oo ay sheegeen inkastoo geeri naxdin leh ay geeriyoodeen, in haddana ALLAAH ku soo beegay inay dunida ka baxaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ay ku soo beegmeen bilawga tobanka dhexe ee dembi-dhaafka ah, iyagoo ALLAAH ka beryey inuu cawil khayr qaba ka siiyo Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Hay’adaha ay ka tirsanaayeen iyo guud ahaanba Qaranka Somaliland ee ay ka baxeen saddexda Marxuum.
Bahda Wargeyska Himilo waxay guud ahaan Tacsi taas la mid ah u dirayaan Qoyska, Ehelada, Asxaabta, Qaraabada, Hay’adaha ay ka hawlgeli jireen iyo Qaranka Somaliland, waxaanannu Allaah uga baryeynaa inuu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo, saddexda Marxuumna Naxariistiisa Janno ka waraabiyo Insha ALLAAH.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
[gallery columns="2" ids="21025,21024"]
Saddexdan Marxuum ee Aaska Qaran loo sameeyey, waxay kala ahaayeen Illaahay ha u naxariistee Marxuum Maxamed Daa’uud Yuusuf oo ahaa Sawir-qaade ka hawlgali jiray Horn Cable TV, Weli Daa’uud Cigaal oo ahaa Agaasimihii Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Muuse Cabdi Haybe oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska, isla markaana ka mid ahaa illaalada Wasiirka Maaliyadda Somaliland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Sayici), Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Shir-guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka, Xildhibaannada iyo Maamulka dawladda hoose ee Hargeysa, Taliyeyaasha Ciidammada, Ehelada saddexda Marxuum, Bahda Saxaafadda iyo Dadweyne Tiro badan.
Masuuliyiinta iyo dadweynaha kala duwan ee ka qaybgalay Aaska saddexda Marxuum Isniintii shalay loogu sameeyey Xabaalaha Naasa-hablood, ayaa Illaahay uga beryey saddexda Marxuum inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Ciidanka Booliska, Wasaaradda Maaliyadda, Warbaahinta Somaliland, gaar ahaan Horn Cable TV iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay, oo ay ka tacsiyadeeyeen geeridaas naxdinta lahayd.
Waxay aad ugu duceeyeen saddexda Marxuum oo ay sheegeen inkastoo geeri naxdin leh ay geeriyoodeen, in haddana ALLAAH ku soo beegay inay dunida ka baxaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ay ku soo beegmeen bilawga tobanka dhexe ee dembi-dhaafka ah, iyagoo ALLAAH ka beryey inuu cawil khayr qaba ka siiyo Qoysaska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Hay’adaha ay ka tirsanaayeen iyo guud ahaanba Qaranka Somaliland ee ay ka baxeen saddexda Marxuum.
Bahda Wargeyska Himilo waxay guud ahaan Tacsi taas la mid ah u dirayaan Qoyska, Ehelada, Asxaabta, Qaraabada, Hay’adaha ay ka hawlgeli jireen iyo Qaranka Somaliland, waxaanannu Allaah uga baryeynaa inuu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo, saddexda Marxuumna Naxariistiisa Janno ka waraabiyo Insha ALLAAH.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Monday, June 29, 2015
Loolanka Yuhuudu Kula Jirto Adduunka
Waa qormooyin taxane ah oo si xeel dheer uga waramaya Yuhuudu siday ugu foogan tahay dadyawga adduunka iyo siday ugu dedaasho inay maskaxda ka qabsadaan dawladaha iyo bulshooyinka caalamka. Waxa turjumay oo isku soo habeeyey Cabdilahi Beershiya. C.persia@hotmail.com
Qaybtii 1aad
Hordhac
Qoraalkan oo noqon doona mid xidhiidh ah waxa uu ka waramayaa dhibaatooyinka dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee dadka Yuhuuda ah had iyo jeer gaadhsiiyaan ama ku hayaan ummadaha kale ee adduunka kula dhaqan gaar ahaan kuwa ay u arkaan inay caqabad ku noqon karaan danahooda adduunyo.
Taariikh ahaan dadka Yuhuudu waxay ahaayeen dad Illaahay doortay oo uu ka karaameeyey amma ka sharfay dadka kale oo dhan laakiin arrintaa jawaab uga dhigay inay Illaahay la doodaan oo ay ka madax adaygaan Anbiyadii iyo dadkii uu u soo direy iyaga oo intaa ugu daray inay qaar ka mid ah Anbiyadiisa dilaan, kutubtii iyo hannuunkii loo soo dhiibayna ku bedelaan kuwa kale oo ay gacantooda ku qorteen si ay ummada ugu yidhaahdaan waa hannuun iyo diin dhinaca Illaahay inooga timmi.
Illaahay koreeyey wuxuu ku sheegay Yuhuudu inay tahay dad ballan burin badan oo meeraysigu ku badan yahay, sidaa darteed ayuu Kitaabka Qur’aanka Illaahay kaga waramay dadka Yuhuuda ah aayado tiradoodu gaadhayso Lixdan aayadood.
Qur’aanku markuu Yuhuuda ka waramayo wuxuu u yaqaanaa magacyo ay ka mid yihiin:-
• Reer Banii Israa’iil.
• Yuhuuda
• Kuwii aan Hannuuniney
• Ehlul Kitaab
Waxa kale oo u Qur’aanku ka waramaa sifooyinka iyo calaamada ay ku caan baxeen oo dhammaantood ah sifooyin qallafsan oo danaysi iyo damac badan ka muuqdo, haddii aynu tusaale soo qaadano waa ummada keliya ee Illaahay sammada uga soo dejiyey hillib shiillan oo noociisa oo kale aan adduunka lagu arag, markay muddo cuneen ee ay ka dhergeena nacay hadiyadaa Illaahay siiyey iyaga oo ka doortay in loo ogolaado inay beertaan khudrada kulul ee cuntada lagu iidaamo dadkuna urteeda neceb yahay sida Toonta iyo Basasha…Lasoco.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Qaybtii 1aad
Hordhac
Qoraalkan oo noqon doona mid xidhiidh ah waxa uu ka waramayaa dhibaatooyinka dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee dadka Yuhuuda ah had iyo jeer gaadhsiiyaan ama ku hayaan ummadaha kale ee adduunka kula dhaqan gaar ahaan kuwa ay u arkaan inay caqabad ku noqon karaan danahooda adduunyo.
Taariikh ahaan dadka Yuhuudu waxay ahaayeen dad Illaahay doortay oo uu ka karaameeyey amma ka sharfay dadka kale oo dhan laakiin arrintaa jawaab uga dhigay inay Illaahay la doodaan oo ay ka madax adaygaan Anbiyadii iyo dadkii uu u soo direy iyaga oo intaa ugu daray inay qaar ka mid ah Anbiyadiisa dilaan, kutubtii iyo hannuunkii loo soo dhiibayna ku bedelaan kuwa kale oo ay gacantooda ku qorteen si ay ummada ugu yidhaahdaan waa hannuun iyo diin dhinaca Illaahay inooga timmi.
Illaahay koreeyey wuxuu ku sheegay Yuhuudu inay tahay dad ballan burin badan oo meeraysigu ku badan yahay, sidaa darteed ayuu Kitaabka Qur’aanka Illaahay kaga waramay dadka Yuhuuda ah aayado tiradoodu gaadhayso Lixdan aayadood.
Qur’aanku markuu Yuhuuda ka waramayo wuxuu u yaqaanaa magacyo ay ka mid yihiin:-
• Reer Banii Israa’iil.
• Yuhuuda
• Kuwii aan Hannuuniney
• Ehlul Kitaab
Waxa kale oo u Qur’aanku ka waramaa sifooyinka iyo calaamada ay ku caan baxeen oo dhammaantood ah sifooyin qallafsan oo danaysi iyo damac badan ka muuqdo, haddii aynu tusaale soo qaadano waa ummada keliya ee Illaahay sammada uga soo dejiyey hillib shiillan oo noociisa oo kale aan adduunka lagu arag, markay muddo cuneen ee ay ka dhergeena nacay hadiyadaa Illaahay siiyey iyaga oo ka doortay in loo ogolaado inay beertaan khudrada kulul ee cuntada lagu iidaamo dadkuna urteeda neceb yahay sida Toonta iyo Basasha…Lasoco.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Wasiir Xirsi Oo eedayn u jeediyey Siyaasiyiinta Mucaaridka ah, Kana Xog-waramay Jidka Ceerigaabo
Hargeysa (Himilomedia)- Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa siyaasiyiinta mucaaridka ah ku booriyay in aanay kalsoonida bulshada u marin inay ku hantaan aflagaado, waxaanu ugu baaqay inay la yimaadaan qorshe siyaasadeed oo mustaqbal.
Wasiirku waxa uu sidaasi ku bayaamiyay qoraal hogga-tusaale iyo xog-waran iskugu jiray oo uu ku baahiyay bartiisa Internet-ka ee Guusha.com. waxa kale oo uu qoraalkaas tafaasiil kaga bixiyay halka uu marayo dhismaha jidka Ceerigaabo oo gaadhay heer yididiilo leh.
Qoraalka Wasiir Xirsina waxa uu u qornaa sidan:-“:Siyaasadu waa Hiraal “Political Vision” , bandhiga aragti bulshadda qancin karta iyo barnaamij siyaasadeed taasi ayaad ku kasban kartaa taageerayaal tiro badan isla markaana qalbigooda iyo codkoodaba lagu hantaa balsecay iyo ceeb toona cod laguma helo !
Ragga Kursiga u Haliilaya waxaan leeyahay “Xilka Illaah baa bixiya, Samadaana laga bixiyaa ee ee ha qawadin nasiibkaaga hana ka caban Illaahay ogaadana waxaan laguu qorin orod iyo ayaan toona laguma helo”
Dardaaran kooban oo ku aadan siyaasiyiinta u fahmay kasbashada quluubta shacabka cay iyo ceebayn:
Waxaa mudooyinkii u dambeeyey muuqanayey siyaasiyiin u fahmay tartanka siyaasadda aflagaado iyo hanjaabado aan macno badan lahayn isla markaana dhagaha shacabka ku ridayay hadalo deelqaaf ku ah qaranimada shacabku dhisteen waliba sidaas ku moodaya in ay hayaan jidkii saxda ahaa ee lagu helayey cod iyo cudud shacab.
Waxaan shaki ku jirin in muftaaxa quluubta shacabku yahay in aad u soo bandhigo siyaasad ku dhisan aragti mustaqbal iyo bisayl siyaasadeed sidoo kalena aad aaminto in xilka samada laga bixiyo.
Waxaan aaminsahay in siyaasadu tahay Hiraal “Political Vision” , bandhiga aragti bulshada qancin karta iyo barnaamij siyaasadeed taasina lagu kasban karo taageerayaal tiro badan isla markaana qalbigooda iyo codkoodaba lagu hanto balse aanay ahayn cay iyo ceeb toona codna lagu helin !
Waxaa cad in tartan soo socdo isla markaana lagu tartami doono xisbi walba sida uu u soo bandhigo waxqabad iyo aragti horumar waxaan leeyahay “Tartan diyaarbaanu u nahay ee miidaanka kaalaya, dhaliil diyaar baanu u nahay wixii aanu leenahay, toosin iyo sixitaana diyaar baanu u nahay”
Hadaanu Kulmiye nahay shalay barnaamij baan bulshada u soo bandhignay , qorshe cad ayaanan la nimi,taasi ayaanan ku helnay cududa iyo codka shacabka markii aanu dawlada noqonayna ficil iyo fulin horumarineed ayaanu la nimi oo cid walba ka marag kacday.
Waa la ogaa shalay makaan bilownay jidka Ceerigaabo kuwii beeninayey ee lahaa samayn maysaan kuwii lahaa lacag ayaa lagu lunsanayaa kuwii dadka qalbiga ka jabinayey in cadceedu dabadooda kasoo baxday oo waxaad maanta marag ka tihiin in 150km aanu dhamaynay oo isugu jirta wax daamurkii la saaray iyo wax gabogabo marayaba oo WAXAA BUSHAARO AH IN AANU KEENAY DAAMURKII WADADA DHAMAYSTIRI LAHAA OO DHAN OO HAL FOOSTO NAGAMA MAQNA
Ugu dambayn waxaan siyaasiyiinta xasuusinayaa in cayda iyo qabylaadu tahay wax dhaqankeena ka caagan umaduna birimagaydo iyo milgo leedahay ee aan siyaasada iyo tartanka la qalad fahmin!Wa Bilaahi Tawfiiq.”
HIMLOMEDIA
Hargeysa

Saddex Qof Oo uu Ku Jiray Sarkaal Ka Tirsan Wasaaradda Maaliyadda Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur
Hargaysa (Himilomedia): -Agaasimihii waaxda qorshaynta iyo tirro-koobka ee wasaaradda Maaliyadda, iyo sawir-qaade ka tirsanaa telefishanka Horn Cable iyo sidoo kale askari boolis ah oo ka mid ahaa ciidanka ilaaladda wasaaradda maaliyadda ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo maanta galabnimadii ka dhacay tuuladda Haleeya oo dhinaca Barri ka xigta magaaladda Hargaysa.
Sidoo kale waxaa shilkaasi ku dhaawacmay derawalkii wadday baabuurka ay la socdeen marxuumiintaasi, iyadoo baabuurka ay ku dhinteen saddexda qof uu ka mid ahaa kolonyo baabuur ah oo la socday wefti uu hogaaminayay wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, oo shalay hawlo shaqo u tegay gobolka Saaxil gaar ahaan magaaladda Berbera. Hase yeeshee intii aanay soo gaadhin Hargaysa uu haleelay shilkaasi sababay dhimashadda saddexdaasi marxuum oo magacyadoodu kala ahaayeen marxuum Weli Daa’uud Cigaal, oo ahaa Agaasimihii waaxda qorshaynta iyo tirro-koobka ee wasaaradda Maaliyadda iyo marxuum Maxamed Daa’uud Yuusuf, oo ahaa sawir-qaade ka tirsanaa telefishanka Horn Cable iyo sidoo kale Muuse Cali Haybe, oo isna ahaa askari boolis ah oo ka tirsanaa ciidanka ilaaladda wasaaradda maaliyadda.
Shilkaasi baabuur ee ay ku dhinteen saddexda qof, ayaa ka dhashay sida la sheegay kadib markii ay isku dhaceen baabuurkii ay saddexda marxuum la socdeen oo noociisu ahaa ZUZUKI, kana ka mid ahaa gawaadhidii la socotay weftiga uu hogaaminayay wasiirka maaliyadda iyo baabuur kuwa xamuulka qaadda ee loo yaqaano Waaraadka oo ka yimid dhinaca Hargaysa.
Sidoo kale dadkii saarnaa baabuurkii geystay khasaaraha dhimasho ee shilkaasi lama sheegin in wax dhibaato ahi ka soo gaadhay shilkaasi, marka laga reebo burbur badan oo ku yimid gaadhiga.
Nuuradiin C/raxmaan Macalin, oo ahaa derwalkii waday baabuurka ay saarnaayeen marxuumiintaasi oo uu dhaawac fududi ka soo gaadhay shilkaasi ayaa warbaahinta uga waramay qaabkii uu shilkaasi u dhacay Waxaanu yidhi “Waxaanu ka nimid magaaladda Berbera, markaanu marayno tuuladda Haleeya shishadeeda ayaa gaadhi weyn oo Waaraad ahaa oo ka yimid dhinaca Hargeysa naga hor yimid. mid kaloo Shaamboo ah ayaa damcay in uu soo dhaafo waaraadkii, Markii aanu aragnay in uu soo dhinac carrarayo ayaanu wadadii dhinac uga yarro baxnay si uu noo dhaafo, markaas ayuu daaqada Naga bilaabay, sidaasna shilkaasi ku dhacay.”
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay dhambaal tacsi ah u diray eheladda iyo qaraabadda saddexdii marxuum ee shilkaasi ku geeriyooday.
Tacsidaasina waxa u qornayd sidan: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka geeriyoodeen. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka geeriyoodeen.
1. Marxuum Weli Daa’uud Cigaal (masuul sare oo ka tursanaa Wasaaradda Maaliyada qaybta Qorshaynta)
2. Marxuum Maxamed Daauud Yuusuf (Weriye ka tirsanaa Horn cable Tv)
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka geeriyoodeen
3. Marxuum Muuse Cali Haybe (Askarigii ilaalada u ahaa wasiirka Maaliyada) oo shil baabuur oo naxdin leh ugu geeriyooday inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa ka dib markii ay dulmartay gaadhi booyad ahi, gaadhigii ay saarnayeen saddexdaa marxuum shilkaasina ay ku geeriyoodeen.
Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumiintaasi inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
Himilo media

Sunday, June 28, 2015
Tira-koob lagu Samaynayo Duurjoogta Somaliland oo Dabar-go’ Qarka u saaran iyo Beero lagu Xanna4aneeyo oo dalka laga hirgelinayo.
Xukuumadda oo Qirtay Ugaadhsi Sharci-darrada ah ee lagu hayo Duurjoogta dalka
“Waxa jira Niman Carab ah oo dalka yimaadda oo Dhibaato ku haya Duur-joogta iyagoo ka aamminsan Dawo oo adeegsanaya Dad Somaliland u dhashay”- Waraysi Gaar ah - Wasiir Ku-xigeenka Deegaanka iyo Horumarinta Somaliland
Hargeysa, 28 May, 2015 (Himilo)- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Axmed Maxamed Nuur, ayaa shaaca ka qaaday qorshe ay hay’ado caalami ah iyo Waddamo reer Yurub oo iskaashanayaa kaga caawinayaan Somaliland tira-koobka Duurjoogta ku dhaqan dalka isla markaana goobo dalka ka tirsan lagaga hirgelinayo beero lagu xannaaneeyo duurjoogta.
Wasiir ku-xigeenka oo waraysi gaar ah siiyey Wargeyska Himilo iyo Telefishanka Kalsan, waxa uu sheegay in Beero lagu xannaaneeyo Duur-joogta kala duwan laga hirgelin doono Caasimadda Hargeysa iyo deegaanno kale oo dalka ka tirsan, kuwaas oo uu sheegay inay wax ka tari doonaan duurjoogta sii dabar-go’ayso.
Wasiir Ku-xigeenku waxa uu Waraysigan kaga hadlay Kooxo hubaysan oo dhawaan ay cabasho ka muujiyeen dadka ku dhaqan Deegaanka Cobosha oo ka tirsan degmada Go’da way nee gobolka Saaxil, kuwaasoo ku cawday inay kooxo hubaysani faro-baas ku hayaan Duur-joogta Deegaannadaas, waxaanu sheegay inay jiraan Kooxo Carbeed oo dalka ku sugani culays ku hayaan Ugaadha dalka iyagoo adeegsanaya dad reer Somaliland ah, waxaanu ka digay in cid Somaliland u dhalatay cid Ajaanib ah ku caawiso inay si sharci-darro ah ugu fududayso Duur-joogta waddanka.
“Waxa jira qorshayaal lagu taageerayo Somaliland oo lagaga samaynayo Beero si gaar ah loogu xannaaneeyo Duur-joogta noocyadeedada kala duwan, waxaa dalka yimi dhawaan Weftiyo ka socda dalka Talyaaniga ah iyo waddamo kale iyo Hay’ado caalami, kuwaasoo noo ballan-qaaday inay Beero Xawayaanka lagu dhaqo innooga samaynayaan Caasimadda Hargeysa iyo weliba gobollada kale ee dalka qaarkood. Waxay Khoboradaasi ka yimi dalalka Talyaaniga iyo Tanzania, naga caawinayaan inay tiro-koob noogu sameeyaan Duur-joogta ku dhaqan Somaliland, si aan u kala ogaanno noocyada sii dabar-go’aya ee Beeritaanka u baahan iyo kuwa weli dalkeennu uu qaniga ku sii yahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Deegaanka iyo horumarinta Somaliland.
Axmed Maxamed Nuur waxa uu intaas ku ladhay; “Dhibaatadu waxay tahay Dadka Carabta ah ee imanaya dalka oo isku dayaya iyagoo dawo ka dayaya iyagoo aamminsan inay dawooyin ka helayaan oo qalanaya Garannuugta, Bayracda, Juglayda iyo kuwo kale, waana mabnooc arrintaasi, waxaanan uga digaynaa horena ugaga dignay dadka Ajaanebka ah iyo dadka reer Somaliland ee hor-yaacaya ee iyagu sharci-darrada u samaynaya. Warbixinta ay noo keeneen Khuborada Talyaaniga ka yimi inay Duur-joog fiican weli dalkeenna ku dhaqan tahay oo uu noocyo badan qani ku yahay.”
Wasiir Ku-xigeenku waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Wax oggolaansho ah oo ay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyigu bixisaa oo Duur-joogta lagu guranayaa haba-yaraatee ma jirto, cid kale oo bixin karta oo aan Wasaaraddan ahaynina ma jirto. Afar Digreeto ayuu Madaxweynaha Somaliland soo saaray oo Wasaaraddan Deegaanka ku saabsan, wuxu soo saaray Digreetadii badbaadinta Deegaanka, Digreetadii joojinta Xaalufinta Deegaanka, Digreetada ilaalinta Duur-joogta, mabnoocidda Ugaadhsiga Sharci-darrada ah. Markaa, ma jirto cid oggolaansho loo siiyey Duur-joog, waayo Duur-joogtu waxay ka mid tahay Khayraadka dalka, midka dabar-go’aya iyo midda dalka ku badan ma kala garan karaan dadku. Sharci uba oggol in cid oggolaansho Ugaadh loo siiyaana maba jiro oo weli ma lihin.”
“Wasaarado badan baa nala shaqeeya, Wasaaradda Duulista Hawada ayaa ka mid ah, waxa jiray Shimbiro Galaydh iyo kuwo qurux badan isugu jiray oo Madaarka Hargeysa lagu qabtay oo ay nagu soo wareejiyeen Maamulka Madaarku oo aan anigu gacantayda ku soo qaaday, markaa dalka in Ugaadh laga dhoofiyo iyo in cidi ka ugaadhsataba waa Sharci-darro, waa Tahriibin , waa Xaalufin, cid oggolaan kartaana ma jirto, Wasaaraddu cid ay u oggolaatayna ma jirto. Cid qori u qaadan karta, cid dili karta Ugaadha iyo Cid Tahriibin kartaana ma jirto, waana digniin, ciddii lagu qabtana waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin adag oo Sharci ah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Deegaanka Axmed Maxamed Nuur.
Mar uu ka jawaabayey inay jiraan Dad oggolaansho loo siiyey inay ka ugaadhsadaan dalka, waxa uu yidhi Wasiir Ku-xigeenku; “Warqad Wasaaradda laga saxeexay oo ay Wasiirku saxeexday, ama aan anigu saxeexay ama uu Agaasimaha Wasaaraddu saxeexay, haba yaraatee ma jirto, cid oggolaansho wax loo siiyey-na ma jirto ee waa been iyo tahriibin, waanan ka hawlgalnaa, wax la aqbali karana maaha. Tallaabada laga qaadayaa waa Xadhig iyo Ganaax ku siman hadba inta Maxkamaddu ay go’aamiso.”
Mar uu ka jawaabayey Sharci loo samaynayey maamulka Duur-joogta oo Golayaasha Baarlamaanka hor-yaallay halka uu marayo ama ku dambeeyey, waxa uu yidhi; “Hawshaas Sharciga waa lagu jiraa, Golaha Wakiillada wuu ka soo dhammaaday, Golaha Guurtida ayuu hor-yaallaa, dhawaanna inuu dhammaado ayaannu rejaynaynaa Insha ALLAAH. Laakiin, Wasaaraddu waxay leedahay awood ay ku maamusho hawlahaas.”
Inuu jiro qorshe ama Xeerar ku-meel-gaadh ah oo inta Sharcigaasi soo baxayo heshiis lagama maarmaan ah haddii la helo ay Wasaarad ahaan ku geli karaan oo cid ugu oggolaan karaan Ugaadhsida Duur-joogta dalka, waxa uu Wasiir Ku-xigeenku yidhi; “Wax heshiis ah oo la bixin karaa ma jiro, oo ay Wasaaraddu cid siinaysaa, ninna yuu ku talo-gelin, waayo? Hadda haddii aannu nidhaahno waxaasaa la siinayaa sharciyan waxa laga yaabaa inay xadhigga goosato. Laakiin, sharciyan ma jirto cid loo oggolaan karaa in heshiis lagu siiyo ugaadhsiga duur-joogta.”
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Axmed Maxamed Nuur oo ka jawaabayey su’aan aan ka weydiinnay haddiiba loo baahda in Ugaadh cid la siiyo ama laga iibiyo inta sharcigu soo baxayo ka hor, tallaabada la qaadayo, waxa uu yidhi; “Waxay noqonaysaa muddo kooban, Sharcigii hadda gacantaa lagu hayaa inta uu soo baxayo si ku-meel-gaadh ah Wasaaraddaa uga masuul ah markasta Duur-joogta iyo deegaanka, markaa inta uu sharcigu soo baxayo waxba lama bixin karo, marka laga reebo waxay Madaxweynaha kala tashato Wasaaraddu. Waayo?”
Waxa uu Wasiir Ku-xigeenka oo jawaabta su’aashaas sii wataa intaas ku daray oo yidhi; “Dalka waxa ugu sarreeya Madaxweyna, metelan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland haddii loo yimaaddo oo ay u yimaaddaan dad la sharfayo waxa uu xaq u leeyahay Niman Musheekh ah, Niman culus oo la maamuusayo ama Xubno sare oo ka socda dal dalkeennu xidhiidh weyni ka dhexeeyo inuu Hadyad ahaan wax kooban oo Duur-joog ah ugu Sharfo oo ugu maamuuso, cid kale oo xaq u leh inay Xabbad Ugaadh ah bixiso ma jirto. Intaasina wax kooban oo cayiman oo noocyo ah oo ah noocaan tafiir-go’ayn oo nooca dalka ku badan ah ayuu bixin karaa Madaxweynuhu.”

Imaaraadka Carabta oo Itoobiya la kaashanaya Maalgeshiga Dekedda Berbera iyo Fursad Somaliland uga soo baxday Khilaafka Djibouti iyo Dubia.
Dubai 28 June, 2015 (Himilo)- Dagaalada dalka Yemen ayaa la sheegay inay keeneen fursad Somaliland ku hesho dhaqaale lagu maalgeliyo dekedeeda Berbera, maalgelishaas oo ka imanaya waddanka Imaaraadka Carabta oo khilaaf siyaasadeed soo kala dhex-galay waddanka Jabuuti oo heshiisyo mashaariic tiro badan lagu fulin lahaa dhexmareen.
Sida lagu sheegay warbixin maalgeshiga dekedda Berbera ay ka diyaariyeen hay’ado warbaahineed oo caalami ah, Hogaamiyeyaasha dalka Imaaraadka ayaa wakhtigan u muuqda kuwo diyaar u ah goynta xidhiidhkii ay la lahaayeen Jabuuti, sida wararka laga helayo dhinacaasi sheegayaan, isla markaana qorshaynaya inay u wareegaan wadanka la jaarka ah ee Somaliland iyo dekedooda Berbera, sidii ay u maalgeliyeen Jabuuti 15 sannadood ka hor.
Sidoo kale wararka ku saabsan isbeddelka maalgashi ee hogaamiyaasha Dubai ka qaateen Jabuuti ayaa intaa raaciyey inay u diyaar yihiin kala shaqeynta madaxda Itoobiya inay wadajir u maalgeliyaan dekeda Berbera.
Wararka laga helayo caasimada Addis Ababa ayaa sheegaya in madax sare oo Dubai ka socda dhowaan kulan la yeesheen raysal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ku saabsan xiisahooda inay la wadaagaan shirkad maalgelin ku samaysa dekeda Berbera.
Inkastoo weli aanay wax warar ku saabsan qorshaha Dubai ka soo bixin madaxda Itoobiya, ayaa dhinaca kale xogaha ku saabsan arrinkani intaa ku dareen hadii Itoobiya aqbasho mashruucaa ka dhigi doonta mid ay ka faa’iido awood dhaqaale gobolka, halka ay keli ku ahaan lahayd maalgalinta mashruuca dekeda Berbera.
Si kasta, xidhiidhka jabuuti iyo Dubai ayaa u muuqda mid taagan dariiqii uu ku dhamaan lahaa, isla markaana lix mashruuc oo hore maalgelinta Dubai u qorshaysnaa, ayaa la filayaa inay dowladda Jabuuti dhamaantood u wareejiso maalgelin looga helo dalka Shiinaha oo danaynaysa dalka Jabuuti, taasoo bannaanka soo dhigtay khilaafka dhexmaray labada dhinac iyo dacwad Jabuuti ku oogtay shirkada Dubai World oo maalgelisay dekedda Jabuuti, kaddib markii ay ka baaqsatay fulinta mashaariic kale oo ay maalgelintooda hore u ballanqaadday.

Ciidamada Badda Somaliland iyo Kuwa Midowga Yurub oo markii u horeysay wada-jir u fuliyey Hawl-gallada Gurmadka deg-degga ah ee badda.
Berbera, 28 June, 2015 (Himilo)- Ciidamo ka tirsan Hawl-galka Midowga Yurub ee la-dagaalanka Budhcad-badeedda iyo Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland, ayaa xeebaha magaalada Berbera si wada-jir ah uga fuliyey hawl-gal carbis ah oo lagu tabobarayey Ilaaladaha Xeebaha Somaliland gurmadka deg-degga ah iyo baadi-doonka dadka ku qaraqma biyaha badda.
Hawl-galkan oo uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Somaliland ee Hawl-galka la-dagaalanka budhcad-badeeda ee Midowga Yurub ee EUCAP Nester, ayaa gunaanad u ahaa tabobar 8-dii bishan June u bilaabmay Ilaalada Xeebaha Somaliland oo ka socday duleedka Xeebta magaalada Berbera oo fadhiisin u ah Ciidamada Badda Somaliland, iyadoo hawl-galka lagu fulinayey doonyaha Dheereeya ee Qoryuhu ku rakiban yihiin oo Midowga Yurub ugu deeqay Somaliland, kaas oo hawl-galkani u ahaa tijaabadii u horreysay ee lagu sameeyo.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska EUCAP Nester Khamiistii, taageerada iyo tabobarrada la siiyo IXS, ayaa qayb ka ah kor-u-qaadista Agabka ay ku hawl-galaan iyo Ciidamada badda dalalka Geeska Afrika, waxaana ka qayb-qaadanayey Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la-dagaalanka Dambiyada iyo Mukhaadaraadka (UNODC) xafiiskooda magaalada Berbera.
“Waxa tabobarkan ka soo baxay inay si fiican u fahmeen qorshaynta iyo samaynta gurmadka deg-degga ah ee Badda iyo farsamooyinka ugu habboon ee baadi-doonka biyaha badda oo ay weheliyaan gargaarka deg-degga ah, taas oo fursad u siinaysa inay si firfircoon uga jawaabaan xaaladaha gurmadka biyaha Badda laga sameeyo. EUCAP Nester waxay ka geystay shidaalka doonyaha ee dabobarka lagu sameeyey, waxaanay ugu deeqday qalabka lagula dagaalamo dabka.
Ilaallada Xeebaha Somaliland waxay xilligan la tacaalayaan tirada sii kordhaysa ee qaxoontiga ka imanaya dalka Yemen oo sii kordhiyey baahida loo qabo barashada xirfadaha gurmadka deg-degga ah ee badda,” Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska EUCAP Nester ku leeyahay Somaliland.
Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay in wejiga labaad ee Hawl-galka Carbiska ah la samayn doono bisha September ee sannadkan, iyadoo gunaanadka wejiga labaad ee tabobarka lagu wareejin doono Illaalada Xeebaha Somaliland Markab ay ku hawl-galaan.
Hawl-galka carbis ee laga sameeyey duleedka Berbera, ayaa ku soo beegmay xuska maalinta Caalamiga ah ee Bad-mareennada oo Khamiistii laga xusay Somaliland, taas oo ay wada-jir u soo qaban-qaabiyeen Akedamiga Cilmiga Badda Berbera, Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo EUCAP Nester.
EUCAP Nester oo ka hawl-gasha dalalka Geeska Afrika iyo Galbeedka Badweynta Hindiya, fadhigooduna yahay magaalada Djibouti, ayaa xarumo ku leh magaalooyinka Nairobi oo xafiiska Somaliya laga xukumo, Victoria ee dalka Sychelles, Hargeysa ee Somaliland iyo magaalada Dar Es Salam ee dalka Tanzania.

Taliyaha Asluubta oo ka hadlay Askar Ciidankiisa ka tirsan oo Shaqo-ka-fadhiisin lagu sameeyey
Hargeysa, 28 June, 2015 (Himilo)- Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Xudhuun, ayaa faahfaahin ka bixiyey shaqo-ka-fadhiisin ku-meel-gaadh ah iyo ruqsayn uu ku sameeyey 86 Askari oo Ciidamada Asluubta ka tirsan.
Taliye Maxamed Cismaan Xudhuun, waxa uu sheegay in askartaasi oo liiska magacyadooda dhawaan la soo dhejiyay markii Amar lagu siiyey inay soo qaataan Qoryo ay ku hawlgalaan ay ku kaceen abaabul ka baxsan xayndaabka Ciidanka Asluubta, isla markaana ay cabasho u gudbiyeen madaxtooyada iyo golaha wakiillada, cabashadaas oo ay ku sheegeen inaanay haysan Qoryo ay ku hawl-galaan.
Taliyuhu waxa uu sheegay in afar askari oo ka dambeeyey abaabulka 86 Askari laga ruqseeyey shaqada.
“Afar askari waxaan ku eryay, askarigu dambi hadduu galo oo dambi qaran galo oo loo naxariisto aan la gayn xabsi, shaqada ayaa laga fadhiisiyaa. 86 askari oo bilaa qori ah ayaanu soo dhejinay, waxaanu nidhi muddo bil ah ku soo qaata qoryihiina, markaa 4-ta askari intay ciidankii abaabuleen ayay baarlamaanka iyo madaxtooyada geeyeen oo yidhaahdeen xeradii baa nalaga soo saaray, markii la waydiiyay sababta loo soo saarayna waxay yidhaahdeen qoryo keena ayaa nala yidhi, markaa askari wuxuu askari ku yahay qoriga ee qoryihiina doonta ayaa la yidhi. Kolkaa afartii 86 askari hor kacay waan ruqseeyay oo akhlaaq xumo ayaan u ruqseeyay, waayo maalinta dambena wax kale ayay samayne, kuwa kale ha ku waano qaataan,” Sidaas ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Asluubta oo warbaahinta la hadlayey.
Taliyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Askartii bilaa qoriga ahayd laba qaybood ayaanu u qaybinay, kuwii qoryaha keenay waanu u liis garaynay, kuwii aan qoriga keenina Lacagtiisa (Mushaharkiisa) ayaanu ka jarnay oo nidhi qori baanu kuu iibinaynaa,” ayuu yidhi Taliye Xudhuun.
Taliyaha oo la waydiiyay sababta loo qoray Askarta haddaanay marka horeba haysan qoryo ama dawladdu qoryo siin, waxa uu ku jawaabay, “Anigu xilka waxaan hayay muddo 3 bilood ah, sababta qori la’aan loogu qoray raggii hore (Taliyeyaashii hore) ayaydun waydiin,” Sidaas ayuu yidhi Taliye Xudhuun.

Maxaa ka dhexeeyey Weerarradii Sida Darran-dooriga ah u Gilgilay Somaliya, Tunisia, Kuweyt iyo France?
Hargeysa, 28 June, 2015 (Himilo)- Tiro ku dhow boqol qof, ayaa ku geeriyooday weerarro siyaabo kala duwan loo fuliyey oo Jimcihii dorraad ka dhacay waddamo ku yaalla qaaradaha Eeshiya, Afrika iyo Yurub.
Weerarrada oo lagu xidhiidhiyey kooxaha Xag-jirka ah, ayaa lala bartilmaameedsaday goobo lagu cibaadaysto, meherado ganacsi, Saldhigyo ciidan iyo goobo dalxiis oo ay ku sugnaayeen dad ajaanib ah, kuwaas oo ku kala yaala waddamada Soomaaliya, Tunisia, Kuweyt iyo Faransiiska.
Wargeyska Himilo oo soo xiganaya wakaaladaha wararka caalamka, waxa uu warbixin kooban ku soo ururiyey weerarrada dorraad galaaftay nolosha dadka tiradoodu boqolka qof ka badan tahay, kuwaas oo muddo dhowr daqiiqo ahi u dhaxaysa xilliyada la fuliyey.
Soomaaliya
Ugu yaraan 30 Qof ayaa ku geeriyooday weerar ay kooxo hubaysan ku qaadeen saldhig Xoogagga nabad-ilaalinta ee AMISOM ku leeyihiin deegaanka Leego oo ku yaalla waddamada u dhaxaysa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, sida ay dad goob-joog ah u sheegeen wakaaladda wararka ee AP.
Gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxaya, ayaa lagu weeraray kedinka hore ee Saldhigga Milatari ee AMISON oo fadhiisin u ah Ciidamada dalka Burundi oo 20,000 oo askar kaga jiraan hawl-galka Xoogagga Hawl-galka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaliya. Dadka ku dhintay weerarka ayaa isugu jira malleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, Askar ka tirsan AMISOM iyo Dad shacab ah. AMISOM oo ka hadashay weerarka, ayaa xaqiijiyey in maleeshiyaadka Al-Shabaab ka tirsan weerar ba’an ku qaadeen saldhiggooda, balse ma xaqiijin tirada Askarta kaga dhimatay. Sidoo kale, Al-Shabaab, ayaa shaaciyey inay la wareegtay gacan ku haynta saldhigga milatari AMISOM, balse ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijiyey, in kasta oo taliska AMISOM beeniyey warkaas.
Kuweyt
Weerar is-miidaamin ah oo Salaaddii Jimce ee dorraad laga fuliyey Masaajid ay ku tukadaan Dadka Shiicadaha ee waddanka Kuweyt, ayaa sababta dhimashada 25 qof iyo dhaawacyada 202 qof oo kale, sida ay shaacisay wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kuweyt.
Weerarka oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee laga fuliyo gudaha dalka Kuweyt, ayaa ka dhacay masaajid lagu magacaabo Imam Saadiq oo ku yaallo deegaan dadku aad ugu badan yihiin oo ku yaalla Bariga magaalada Kuwait, waxaana masuulyadda weerarka sheegtay koox Xag-jir ah oo xidhiidh la leh Kooxda Daacish ee ka dagaalanta waddamada Suuriya iyo Ciraaq.
Sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas, tiro ku dhow 2000 oo qof, ayaa ku cibaadaysanayey Masaajidka xilliga uu qaraxu dhacay.
Raysal-wasaaraha Kuweyt Sheekh Jaber al-Mubarak al-Sabah, ayaa weerarka ku tilmaamay mid lagu wiiqasho midnimada shacabka Kuweyt, isagoo sheegay in dalkoodu ku filan yahay iska-caabbinta weerarrada lagu kala faquuqayo shacabka Muslimka.
Tunisia
Weerar ay fuliyeen Kooxo hubaysan, ayaa galaaftay nolosha 37 qof oo reer Galbeed u badan, halka 36 qof oo kale dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen, kaddib markii dabley hubka darran-dooriga ah ku hubaysan weerar ku qaadeen xeebta magaalada Sousse ee waddanka Tunisia.
Sida ay sheegay wasaaradda Caafimaadka Tunisia, dadka weerarka ku dhintay ayaa u kala dhashay waddamada Tunisia, Britain, Germany, Belgium iyo Ireland, waxaana cusbitaalka magaalada Sousse ku booqday dadka dhaawaca ah madaxweynaha Tunisia Beji Caid Essebsi.
Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska iyo Belgium, ayaa shacabkooda uga digay inay u safraan dalka Tunisia, iyadoo shirkadda diyaaraha ee dalka Belgium ay joojiyeen duulimaadyadii ay ku tagayeen magaalada caasimadda ah ee Tunis.
Ma jirto Cid sheegatay masuuliyadda weerarrada, balse waxa uu weerarkani ku soo beegmay iyada oo horaantii sannadkan weerar ay fuliyeen kooxo hubaysan lagu khaarajiyey 22 qof oo Ajaanib u badan. Waxaana weerarradan noocan ah lagu xidhiidhiyey kooxo xag-jir ah oo awood xooggan ku yeeshay gudaha dalkaas wixii ka dambeeyey markii talada dalka laga tuuray madaxweyne Zine Caabidiin bin Cali kacdoonkii dalkaas ka dhacay sannadkii 2011-kii.
Waddanka Tunisia oo leh Xeeb ballaadhan oo ku dhereran badda Mediterranean-ka, ayaa dhaqaale badan ka hela Dalxiiska dadka reer Galbeedka ah, iyadoo boqolkiiba 15 miisaniyadda dalkaasi ku xidhan tahay waaxda Dalxiiska.
Faransiiska
Darawal gaadhi oo ka shaqeeya Wershad soo saarta Gaasta wax lagu karsado, ayaa weerar ku qaaday xarunta guud ee wershadda oo ku taala duleedka magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.
Sida uu wakaaladaha wararka u sheegay xeer-ilaaliye ka tirsan dowladda Faransiiska, ninka weerarka fuliyey oo lagu magacaabo Yaasiin Saali, ayaa la sheegay inuu baabuurkiisa la beegsaday kediska hore ee wershada oo ay yaalleen Gaasta wax lagu kersado oo wershadda laga qaadayey, taas oo sababtay qarax weyn oo gil-gilay wershadda. Haseyeeshee, ninka weerarka fuliyey oo aanay waxba soo gaadhin, ayaa isla markiiba lagu qabtay goobta, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee magaalada Lyon.
Warku waxa uu intaas ku daray in goobta laga helay meydka Maamulihii wershadda, balse lama sheegin inuu ku dhintay weerarka iyo in la dilay, balse waxa wali socota baadhis lagu wado ninka loo qabtay falkan oo la sheegay inuu xidhiidh la leeyahay Kooxda Daacish.
Kooxda Daacish (ISIS), ayaa ugu baaqday kooxaha ay xidhiidhka leeyihiin ee ka hawl-gala Caalamka inay bisha Ramadaan Kordhiyaan weerarradda ka dhan ah reer Galbeedka iyo goobaha ay ka fushadaan danahooda siyaasadeed.

Wararkii u dambeeyey Ciidamo ka Goostay Puntland iyo Xiisad ka taagan diyaar-garowga Weerar Maamulkaasi ku qaadayo
Garowe, 28 June, 2015 (Himilo)- Xaalad adag oo dhaqaale-darro ayaa soo waajahday Maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo awoodi waayey inuu bixiyo mushaharka Ciidamadiisa oo bishii Afraad ugu dhammaatay mushahar la’aan, waxaana arrintaas ka dhashaya inay gadoodaan qaar ka tirsan ciidamada oo ka goostay Ciidanka maamulkaas.
Taliye xigeenkii ciidanka Booliska Puntland Muxiyadiin Axmed Muuse iyo ciidan uu watay ayaa ka goostay maamul goboleedka Puntland, waxaanay saldhig ka dhigteen magaaladda Ayl ee xarunta u ahaan jirtay kooxaha budhcad badeedda.
Tallaabadan ayaa dhalisay amar maamul-goboleedka Puntland ku bixiyey in lala dagaalamo ciidanka uu la goostay Taliye Muxiyadiin, waxaanay jawaabtaasi wer-wer dhinaca ammaanka ah ku dhalishay bulshada ku dhaqan maamul goboleedkaas oo ka mid ah meelaha ugu nabadda badan dalkaasi Soomaaliya, waxaanay cabsi ka qabaan in dagaal hor lihi ka dillaaco deegaankooda.
Taliyahan ka goostay maamulka Garoowe oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in si xun loola dhaqmay xaasaskiisii iyo kuwa saraakiisha la socota ee ku sugnaa magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedkaas.
“Ciidamada aan hoggaaminayo ee gadooday waa dhowr boqol oo askari, waxaana markii aan ka baxnay Garoowe dhibaatooyin kala duwan loo geystay xaasaskayagiii, arrinta aan u gadoodnayna muddo ayaa laga wada-hadlayay heshiisna waa laga gaadhi waayay,” ayuu yidhi taliye ku xigeenka booliiska Puntland.
Mar la weydiiyey sababta keentay gadoodka ciidamadu ka goosteen ciidaanka maamulkaas, waxa uu ku jawaabay, “Sababta aan u gadoodnay waa Xuquuq la’aan, waayo ciidammadan wax mushahar ah may qaadan muddo dheer, ciidamada qaarkoodna xuquuqdooda way helaan, marka taas ayaa keentay inaan gadoodno.”
Dhinaca kale, wararkii u dambeeyey ee ka soo baxay deegaannada maamul-goboleedka Puntland, ayaa la soo weriyey diyaar-garow maamul-gobolkaasi ugu jiro sidii uu u wajahi lahaa ciidanka ka goostay, iyadoo la sheegay in la daad-gureeyey Ciidamo tiro badan oo difaac kaga jiray aagagga buuraha Gal-gala oo ay ku sugan yihiin malleeshiyaad Al-Shabaab ah.
Arrimaha sababa gadoodka ciidamada, ayaan ahayn hab-dhaqanno ku cusub Maamul-goboleedka Puntland, waxaana tiraba dhowr jeer oo hore sidan oo kale u gadooday askar ka tirsan ciidamada maamulkaas oo ka gadooday mushahar la’aan dhowr bilood ah oo soo food-saartay maamulladii ka horeeyey madaxweyne Cabdiweli Gaas.

Gobolka Togdheer oo sannadkan Hantiyey Kaalmaha hore ee Tartanka Xifdiga Qur’aanka Kariimka ah
Hargeysa, 28 June, 2015 (Himilo)- Xaflad ballaadhan oo Jimcihii dorraad galab lagu qabtay masaajidka Cali-Mataan ee badhtaamaha magaalada Hargeysa, ayaa lagu soo gebo-gabeeyey tartankii Xifdiga Qur'aanka Kariimka ee bisha Ramadan oo loo qabtay arday ka socotay gobollada Somaliland.
Tartankan xifdiga Qur’aanka kariimka oo sannad walba bisha barakaysan ee Ramadaan loo qabto arday ka kala socota dhamaan gobolada Somaliland, isla markaana maalgeliso Shirkadda Dahabshiil ayey ka qeybgaleen 64 arday oo wiilal ah, oo 30 Arday ku tartameen 30-ka Juz, halka 34 Arday ay ku tartameen 15-ka Juz.
Kaalinta 1-aad iyo Kaalinta 2-aad waxaa ku kala guulaystay Labo arday oo ka socday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Halka Kaalinta 3-aad uu ku guulaystay arday ka socday caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kaalinta 4-aad iyo 5-aad waxa ku kala guulaystay laba arday oo ka kala socday Laascaanood iyo Burco.
Ardayda 30-ka Juz
Kaalinta 1-aad: Maxamuud Axmed Caalin Oo Ka Socday Magaalada Burco ee G/Togdheer.
Kaalinta 2-aad: Naasir Faysal Faarax Oo Ka Socday Magaalada Burco ee G/Togdheer.
Kaalinta 3-aad: Xanafi Bashiir Maxamed Oo Ka Socday Magaalada Hargeysa Ee G/Maroodi-jeex
Kaalinta 4-aad: C/laahi Maxamed Cumar Oo Ka Socday Magaalada Laascaanood Ee G/Sool.
Kaalinta 5-aad: Xamse Cismaan Cabdilaahi Oo Ka Socday Magaalada Burco Ee G/Togdheer.
Ardayda 15-ka Juz
Kaalinta 1-aad: C/raxmaan Maxamuud Salaad Oo Ka Socday Magaalada Laascaanood Ee G/Sool.
Kaalinta 2-aad: C/laahi Axmed Sh.Shakuur Oo Ka Socday Magaalada Hargeysa Ee G/Maroodi-jeex
Kaalinta 3-aad: C/raxmaan Cabdilaahi Bashiir Oo Ka Socday Magaalada Boorama Ee G/Awdal.
Xidhitaankii Munaasibaddan tartanka Qur’aanka kariimka ee shalay la soo gebagebeeyey oo si weyn loosoo agaasimay ayey ka soo qeybgaleen culimo-udiin farabadan, Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Culimo-udiin, Iyo Wefti Culimo masaari ah.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillahi Axmed oo xidhitaankii xafladaa ka hadlay ayaa sheegay in tartan Qur’aanka Kariimka oo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo abaalmarino ku bixinayo la qaban doono 13 bishan maalinta salaasada lagu qaban doono masaajidka Cali-Mataan ee Hargeysa, taasoo kaalinta koowaad ardayga ku guulaysta abaalmarin u heli doono gaadhi, halka ardayda kaalmaha kale galena abaalmarino kala duwan la siin doono.

Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada oo ka hadlay Maalinta Xornimada Jabuuti
Hargeysa, 28 June, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, ayaa Shacabka iyo dawladda Jabuuti u diray dhambaallo Hambalyo ah oo ay ugu hambalyeynayaan dabbaal-deggooda 27 June oo ku beegan sannadkan 38-guurada ka soo wareegtay markii ay Jabuuti Xornimada ka qaadatay Gumaystihii Faransiiska, taasoo shalay dalkaas iyo dalalka ay Jaaliyadaha reer Jabuuti ku dhaqan yihiin-ba laga xusay.
Qoraallo ay soo saareen Masuuliyiintani shalay iyo xalay, ayay ugu hambalyeeyeen dawladda iyo Shacabka Jabuuti oo ay Allaah uga baryeen inuu sannadkan sannadkiisa iyo sannado badan oo kaleba ku gaadhsiiyo Bashbash, Barwaaqo, Nabad, Caafimaad, Farxad, Horumar iyo Isku-duubni, iyagoo heerka horumarka iyo nabadda ka jirta Jabuutina aad ugu ammaanay dawladda talada dalkaas haysa ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
War-Saxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu faahfaahiyey Hambalyada Madaxweynaha Somaliland u diray dawladda iyo Shacabka Jabuuti, kaasoo u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isaga oo ku hadlayaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu Dhambaal hambalyo ah u dirayaa Dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay maanta (shalay) ku beegan tahay Xuska Sannad-Guuradii 38-aad ee ka soo wareegtay Markii ay Xornimada ka qaateen Gumaystihii Faransiiska (France) 27-June-1977kii.
Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadinayaa Dawladda Jabuuti ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle horumarka ay ku talaabsadeen Xukuumadiisa iyo shacbigiisuba mudadaasi ay madaxa banaanida haysteen.
waxaanu Madaxweynuhu xusay xidhiidhka qotada dheer ee labada dalka ka dhexeeya oo ah mid walaaltinimo, iskaashi, iyo isfahan ku qotoma iyo dedaalka labada dhinac ugu jiraan guud ahaan adkaynta nabad gelyada iyo xasillooni Geeska Afrika. Madaxweynuhu waxa uu mar labaad ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawlada Jabuuti xornimada iyo horumarka 38 jirsaday ee ay ku naaloonayaan maanta, isagoo u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”
Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda Somaliland ee KUKLMIYE Muuse Biixi Cabdi, WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa iyaguna hambalyo iyo bogaadin taas la mid ah u diray dawladda iyo Shacabka Jabuuti 38-guurada ka soo wareegtay xornimadooda ee 27 June oo ku beegan maalintii ay calanka ka qaateen Faransiiska 27 June 1977-kii, iyagoo horumar, midnimo iyo barwaaqo u rejeeyey Jabuuti.

Saturday, June 27, 2015
Weerarro ay ku Naf-waayeen Boqolaal qof oo Jimcihii shalay Gilgilay Afar Waddan oo ku yaalla Qaaradaha Afrika, Yurub iyo Eeshiya
Hargeysa, 27 June, 2015 (Himilo)- Tiro ku dhow boqol qof, ayaa ku geeriyooday weerarro siyaabo kala duwan loo fuliyey oo Jimcihii shalay ka dhacay waddamo ku yaalla qaaradaha Eeshiya, Afrika iyo Yurub.
Weerarrada oo lagu xidhiidhiyey kooxaha Xag-jirka ah, ayaa lala bartilmaameedsaday goobo lagu cibaadaysto, meherado ganacsi, Saldhigyo ciidan iyo goobo dalxiis oo ay ku sugnaayeen dad ajaanib ah, kuwaas oo ku kala yaala waddamada Soomaaliya, Tunisia, Kuweyt iyo Faransiiska.
Wargeyska Himilo oo soo xiganaya wakaaladaha wararka caalamka, waxa uu warbixin kooban ku soo ururiyey weerarrada shalay galaaftay nolosha dadka tiradoodu boqolka qof ka badan tahay, kuwaas oo muddo dhowr daqiiqo ahi u dhaxaysa xilliyada la fuliyey.
Soomaaliya
Ugu yaraan 30 Qof ayaa ku geeriyooday weerar ay kooxo hubaysan ku qaadeen saldhig Xoogagga nabad-ilaalinta ee AMISOM ku leeyihiin deegaanka Leego oo ku yaalla waddamada u dhaxaysa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, sida ay dad goob-joog ah u sheegeen wakaaladda wararka ee AP.
Gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxaya, ayaa lagu weeraray kedinka hore ee Saldhigga Milatari ee AMISON oo fadhiisin u ah Ciidamada dalka Burundi oo 20,000 oo askar kaga jiraan hawl-galka Xoogagga Hawl-galka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaliya.
Dadka ku dhintay weerarka ayaa isugu jira malleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, Askar ka tirsan AMISOM iyo Dad shacab ah. AMISOM oo ka hadashay weerarka, ayaa xaqiijiyey in maleeshiyaadka Al-Shabaab ka tirsan weerar ba’an ku qaadeen saldhiggooda, balse ma xaqiijin tirada Askarta kaga dhimatay. Sidoo kale, Al-Shabaab, ayaa shaaciyey inay la wareegtay gacan ku haynta saldhigga milatari AMISOM, balse ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijiyey, in kasta oo taliska AMISOM beeniyey warkaas.
Kuweyt
Weerar is-miidaamin ah oo Salaaddii Jimce ee shalay laga fuliyey Masaajid ay ku tukadaan Dadka Shiicadaha ee waddanka Kuweyt, ayaa sababta dhimashada 25 qof iyo dhaawacyada 202 qof oo kale, sida ay shaacisay wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kuweyt.
Weerarka oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee laga fuliyo gudaha dalka Kuweyt, ayaa ka dhacay masaajid lagu magacaabo Imam Saadiq oo ku yaallo deegaan dadku aad ugu badan yihiin oo ku yaalla Bariga magaalada Kuwait, waxaana masuulyadda weerarka sheegtay koox Xag-jir ah oo xidhiidh la leh Kooxda Daacish ee ka dagaalanta waddamada Suuriya iyo Ciraaq.
Sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas, tiro ku dhow 2000 oo qof, ayaa ku cibaadaysanayey Masaajidka xilliga uu qaraxu dhacay.
Raysal-wasaaraha Kuweyt Sheekh Jaber al-Mubarak al-Sabah, ayaa weerarka ku tilmaamay mid lagu wiiqasho midnimada shacabka Kuweyt, isagoo sheegay in dalkoodu ku filan yahay iska-caabbinta weerarrada lagu kala faquuqayo shacabka Muslimka.
Tunisia
Weerar ay fuliyeen Kooxo hubaysan, ayaa galaaftay nolosha 37 qof oo reer Galbeed u badan, halka 36 qof oo kale dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen, kaddib markii dabley hubka darran-dooriga ah ku hubaysan weerar ku qaadeen xeebta magaalada Sousse ee waddanka Tunisia.
Sida ay sheegay wasaaradda Caafimaadka Tunisia, dadka weerarka ku dhintay ayaa u kala dhashay waddamada Tunisia, Britain, Germany, Belgium iyo Ireland, waxaana cusbitaalka magaalada Sousse ku booqday dadka dhaawaca ah madaxweynaha Tunisia Beji Caid Essebsi.
Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska iyo Belgium, ayaa shacabkooda uga digay inay u safraan dalka Tunisia, iyadoo shirkadda diyaaraha ee dalka Belgium ay joojiyeen duulimaadyadii ay ku tagayeen magaalada caasimadda ah ee Tunis.
Ma jirto Cid sheegatay masuuliyadda weerarrada, balse waxa uu weerarkani ku soo beegmay iyada oo horaantii sannadkan weerar ay fuliyeen kooxo hubaysan lagu khaarajiyey 22 qof oo Ajaanib u badan. Waxaana weerarradan noocan ah lagu xidhiidhiyey kooxo xag-jir ah oo awood xooggan ku yeeshay gudaha dalkaas wixii ka dambeeyey markii talada dalka laga tuuray madaxweyne Zine Caabidiin bin Cali kacdoonkii dalkaas ka dhacay sannadkii 2011-kii.
Waddanka Tunisia oo leh Xeeb ballaadhan oo ku dhereran badda Mediterranean-ka, ayaa dhaqaale badan ka hela Dalxiiska dadka reer Galbeedka ah, iyadoo boqolkiiba 15 miisaniyadda dalkaasi ku xidhan tahay waaxda Dalxiiska.
Faransiiska
Darawal gaadhi oo ka shaqeeya Wershad soo saarta Gaasta wax lagu karsado, ayaa weerar ku qaaday xarunta guud ee wershadda oo ku taala duleedka magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.
Sida uu wakaaladaha wararka u sheegay xeer-ilaaliye ka tirsan dowladda Faransiiska, ninka weerarka fuliyey oo lagu magacaabo Yaasiin Saali, ayaa la sheegay inuu baabuurkiisa la beegsaday kediska hore ee wershada oo ay yaalleen Gaasta wax lagu kersado oo wershadda laga qaadayey, taas oo sababtay qarax weyn oo gil-gilay wershadda. Haseyeeshee, ninka weerarka fuliyey oo aanay waxba soo gaadhin, ayaa isla markiiba lagu qabtay goobta, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee magaalada Lyon.
Warku waxa uu intaas ku daray in goobta laga helay meydka Maamulihii wershadda, balse lama sheegin inuu ku dhintay weerarka iyo in la dilay, balse waxa wali socota baadhis lagu wado ninka loo qabtay falkan oo la sheegay inuu xidhiidh la leeyahay Kooxda Daacish.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Wargeyska Himilo oo soo xiganaya wakaaladaha wararka caalamka, waxa uu warbixin kooban ku soo ururiyey weerarrada shalay galaaftay nolosha dadka tiradoodu boqolka qof ka badan tahay, kuwaas oo muddo dhowr daqiiqo ahi u dhaxaysa xilliyada la fuliyey.
Soomaaliya
Ugu yaraan 30 Qof ayaa ku geeriyooday weerar ay kooxo hubaysan ku qaadeen saldhig Xoogagga nabad-ilaalinta ee AMISOM ku leeyihiin deegaanka Leego oo ku yaalla waddamada u dhaxaysa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, sida ay dad goob-joog ah u sheegeen wakaaladda wararka ee AP.
Gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxaya, ayaa lagu weeraray kedinka hore ee Saldhigga Milatari ee AMISON oo fadhiisin u ah Ciidamada dalka Burundi oo 20,000 oo askar kaga jiraan hawl-galka Xoogagga Hawl-galka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaliya.
Dadka ku dhintay weerarka ayaa isugu jira malleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, Askar ka tirsan AMISOM iyo Dad shacab ah. AMISOM oo ka hadashay weerarka, ayaa xaqiijiyey in maleeshiyaadka Al-Shabaab ka tirsan weerar ba’an ku qaadeen saldhiggooda, balse ma xaqiijin tirada Askarta kaga dhimatay. Sidoo kale, Al-Shabaab, ayaa shaaciyey inay la wareegtay gacan ku haynta saldhigga milatari AMISOM, balse ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijiyey, in kasta oo taliska AMISOM beeniyey warkaas.
Kuweyt
Weerar is-miidaamin ah oo Salaaddii Jimce ee shalay laga fuliyey Masaajid ay ku tukadaan Dadka Shiicadaha ee waddanka Kuweyt, ayaa sababta dhimashada 25 qof iyo dhaawacyada 202 qof oo kale, sida ay shaacisay wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kuweyt.
Weerarka oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee laga fuliyo gudaha dalka Kuweyt, ayaa ka dhacay masaajid lagu magacaabo Imam Saadiq oo ku yaallo deegaan dadku aad ugu badan yihiin oo ku yaalla Bariga magaalada Kuwait, waxaana masuulyadda weerarka sheegtay koox Xag-jir ah oo xidhiidh la leh Kooxda Daacish ee ka dagaalanta waddamada Suuriya iyo Ciraaq.
Sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas, tiro ku dhow 2000 oo qof, ayaa ku cibaadaysanayey Masaajidka xilliga uu qaraxu dhacay.
Raysal-wasaaraha Kuweyt Sheekh Jaber al-Mubarak al-Sabah, ayaa weerarka ku tilmaamay mid lagu wiiqasho midnimada shacabka Kuweyt, isagoo sheegay in dalkoodu ku filan yahay iska-caabbinta weerarrada lagu kala faquuqayo shacabka Muslimka.
Tunisia
Weerar ay fuliyeen Kooxo hubaysan, ayaa galaaftay nolosha 37 qof oo reer Galbeed u badan, halka 36 qof oo kale dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen, kaddib markii dabley hubka darran-dooriga ah ku hubaysan weerar ku qaadeen xeebta magaalada Sousse ee waddanka Tunisia.
Sida ay sheegay wasaaradda Caafimaadka Tunisia, dadka weerarka ku dhintay ayaa u kala dhashay waddamada Tunisia, Britain, Germany, Belgium iyo Ireland, waxaana cusbitaalka magaalada Sousse ku booqday dadka dhaawaca ah madaxweynaha Tunisia Beji Caid Essebsi.
Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska iyo Belgium, ayaa shacabkooda uga digay inay u safraan dalka Tunisia, iyadoo shirkadda diyaaraha ee dalka Belgium ay joojiyeen duulimaadyadii ay ku tagayeen magaalada caasimadda ah ee Tunis.
Ma jirto Cid sheegatay masuuliyadda weerarrada, balse waxa uu weerarkani ku soo beegmay iyada oo horaantii sannadkan weerar ay fuliyeen kooxo hubaysan lagu khaarajiyey 22 qof oo Ajaanib u badan. Waxaana weerarradan noocan ah lagu xidhiidhiyey kooxo xag-jir ah oo awood xooggan ku yeeshay gudaha dalkaas wixii ka dambeeyey markii talada dalka laga tuuray madaxweyne Zine Caabidiin bin Cali kacdoonkii dalkaas ka dhacay sannadkii 2011-kii.
Waddanka Tunisia oo leh Xeeb ballaadhan oo ku dhereran badda Mediterranean-ka, ayaa dhaqaale badan ka hela Dalxiiska dadka reer Galbeedka ah, iyadoo boqolkiiba 15 miisaniyadda dalkaasi ku xidhan tahay waaxda Dalxiiska.
Faransiiska
Darawal gaadhi oo ka shaqeeya Wershad soo saarta Gaasta wax lagu karsado, ayaa weerar ku qaaday xarunta guud ee wershadda oo ku taala duleedka magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.
Sida uu wakaaladaha wararka u sheegay xeer-ilaaliye ka tirsan dowladda Faransiiska, ninka weerarka fuliyey oo lagu magacaabo Yaasiin Saali, ayaa la sheegay inuu baabuurkiisa la beegsaday kediska hore ee wershada oo ay yaalleen Gaasta wax lagu kersado oo wershadda laga qaadayey, taas oo sababtay qarax weyn oo gil-gilay wershadda. Haseyeeshee, ninka weerarka fuliyey oo aanay waxba soo gaadhin, ayaa isla markiiba lagu qabtay goobta, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee magaalada Lyon.
Warku waxa uu intaas ku daray in goobta laga helay meydka Maamulihii wershadda, balse lama sheegin inuu ku dhintay weerarka iyo in la dilay, balse waxa wali socota baadhis lagu wado ninka loo qabtay falkan oo la sheegay inuu xidhiidh la leeyahay Kooxda Daacish.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
“Waynu qaldaney, waxyaabo badan oo aynu sameynay wey jiraan, laakiin maanta weynu ka soo kabaney”
Xuska Maalinta 26 June oo shalay lagu Qabtay Madaxtooyada Somaliland
Hargeysa, 27 June, 2015 (Himilo)- Munaasibad loogu dabbaal-degayo Xuska 26-June 1960kii oo beegan maalintii Somaliland xornimada ka qaadatay Maxmiyaddii Ingiriiska, ayaa Jimcihii shalay lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Munaasibaddan oo ay ka qayb-galeen madaxweynaha Somaliland, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye , Taliyaasha Ciidamada Somaliland, Xubno Ka mid Ah Golaha Wasiirrada Iyo Masuulyiin Kale, waxa goob-joog ka haa, badhasaabkii wakhtigaas dowladda Ingiriisku ku wareejisay xornimada Somaliland oo ahaa Cismaan Axmed Xasan (Indhoole).
Madaxweynaha Somaliland oo Salaan Sharafeed Ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciimada Qaranka Somaliland, ayaa Calanka Somaliland sudhay birta goobta lagu qabtay munaasibadda.
“Waxaa farxad weyn maanta (shalay) Inoo ah In aynu u dabbaal degno muddadii ka soo wareegtey markii aynu Xoriyadeena ka qaadanay dalka Ingiriiska oo laga jooga 55 Sano oo Ku Beegan 26 June 1960,” Sidaa waxa yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey dareenkiisa maalintan.
Madaxweynaha oo ka hadlayey xaaladda dalka ee wakhtigan iyo halgankii loo soo maray xornimada dalka, waxa uu yidhi, “Dalkeenu waa dal aad iyo aad u soo halgamey, waa dal ay dadkiisu madaxbaanidiisa u soo halgameen, waynu qaldaney waxyaabo badan oo aynu sameynay wey jiraan laakiin maanta weynu ka soo kabaney xorriyadeeni iyo dadnimadeeni ayeynu heysanaa, caalamkuna waa uu inala macaalimaa, waxa aynu u baahano weynu qabsan karnaa, insha Alleh waxeynu rajeyneynaa in aynu caalamka ictiraaf buuxa ka helno, waana aanu ku dadaali doonaa , waxaanan hanbalyo u dirayaa ciidamada qaranka iyo shacabka Somaliland meel kasta oo ay jooganba.”
Waxa kale oo iyaguna madasha ka hadlay Xaaji Cabdi Waraabe, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda maalintani ugu fadhido qaranimada Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Hargeysa, 27 June, 2015 (Himilo)- Munaasibad loogu dabbaal-degayo Xuska 26-June 1960kii oo beegan maalintii Somaliland xornimada ka qaadatay Maxmiyaddii Ingiriiska, ayaa Jimcihii shalay lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo Salaan Sharafeed Ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciimada Qaranka Somaliland, ayaa Calanka Somaliland sudhay birta goobta lagu qabtay munaasibadda.
“Waxaa farxad weyn maanta (shalay) Inoo ah In aynu u dabbaal degno muddadii ka soo wareegtey markii aynu Xoriyadeena ka qaadanay dalka Ingiriiska oo laga jooga 55 Sano oo Ku Beegan 26 June 1960,” Sidaa waxa yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey dareenkiisa maalintan.
Madaxweynaha oo ka hadlayey xaaladda dalka ee wakhtigan iyo halgankii loo soo maray xornimada dalka, waxa uu yidhi, “Dalkeenu waa dal aad iyo aad u soo halgamey, waa dal ay dadkiisu madaxbaanidiisa u soo halgameen, waynu qaldaney waxyaabo badan oo aynu sameynay wey jiraan laakiin maanta weynu ka soo kabaney xorriyadeeni iyo dadnimadeeni ayeynu heysanaa, caalamkuna waa uu inala macaalimaa, waxa aynu u baahano weynu qabsan karnaa, insha Alleh waxeynu rajeyneynaa in aynu caalamka ictiraaf buuxa ka helno, waana aanu ku dadaali doonaa , waxaanan hanbalyo u dirayaa ciidamada qaranka iyo shacabka Somaliland meel kasta oo ay jooganba.”
Waxa kale oo iyaguna madasha ka hadlay Xaaji Cabdi Waraabe, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda maalintani ugu fadhido qaranimada Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo Midowga Yurub oo Hawl-gal Carbis ka fuliyey Duleedka Berbera
Berbera, 27 June, 2015 (Himilo)- Ciidamo ka tirsan Hawl-galka Midowga Yurub ee la-dagaalanka Budhcad-badeedda iyo Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland, ayaa xeebaha magaalada Berbera si wada-jir ah uga fuliyey hawl-gal carbis ah oo lagu tabobarayey Ilaaladaha Xeebaha Somaliland gurmadka deg-degga ah iyo baadi-doonka dadka ku qaraqma biyaha badda.
Hawl-galkan oo uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Somaliland ee Hawl-galka la-dagaalanka budhcad-badeeda ee Midowga Yurub ee EUCAP Nester, ayaa gunaanad u ahaa tabobar 8-dii bishan June u bilaabmay Ilaalada Xeebaha Somaliland oo ka socday duleedka Xeebta magaalada Berbera oo fadhiisin u ah Ciidamada Badda Somaliland, iyadoo hawl-galka lagu fulinayey doonyaha Dheereeya ee Qoryuhu ku rakiban yihiin oo Midowga Yurub ugu deeqay Somaliland, kaas oo hawl-galkani u ahaa tijaabadii u horreysay ee lagu sameeyo.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska EUCAP Nester Khamiistii, taageerada iyo tabobarrada la siiyo IXS, ayaa qayb ka ah kor-u-qaadista Agabka ay ku hawl-galaan iyo Ciidamada badda dalalka Geeska Afrika, waxaana ka qayb-qaadanayey Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la-dagaalanka Dambiyada iyo Mukhaadaraadka (UNODC) xafiiskooda magaalada Berbera.
“Waxa tabobarkan ka soo baxay inay si fiican u fahmeen qorshaynta iyo samaynta gurmadka deg-degga ah ee Badda iyo farsamooyinka ugu habboon ee baadi-doonka biyaha badda oo ay weheliyaan gargaarka deg-degga ah, taas oo fursad u siinaysa inay si firfircoon uga jawaabaan xaaladaha gurmadka biyaha Badda laga sameeyo. EUCAP Nester waxay ka geystay shidaalka doonyaha ee dabobarka lagu sameeyey, waxaanay ugu deeqday qalabka lagula dagaalamo dabka.
Ilaallada Xeebaha Somaliland waxay xilligan la tacaalayaan tirada sii kordhaysa ee qaxoontiga ka imanaya dalka Yemen oo sii kordhiyey baahida loo qabo barashada xirfadaha gurmadka deg-degga ah ee badda,” Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska EUCAP Nester ku leeyahay Somaliland.
Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay in wejiga labaad ee Hawl-galka Carbiska ah la samayn doono bisha September ee sannadkan, iyadoo gunaanadka wejiga labaad ee tabobarka lagu wareejin doono Illaalada Xeebaha Somaliland Markab ay ku hawl-galaan.
Hawl-galka carbis ee laga sameeyey duleedka Berbera, ayaa ku soo beegmay xuska maalinta Caalamiga ah ee Bad-mareennada oo Khamiistii laga xusay Somaliland, taas oo ay wada-jir u soo qaban-qaabiyeen Akedamiga Cilmiga Badda Berbera, Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo EUCAP Nester.
EUCAP Nester oo ka hawl-gasha dalalka Geeska Afrika iyo Galbeedka Badweynta Hindiya, fadhigooduna yahay magaalada Djibouti, ayaa xarumo ku leh magaalooyinka Nairobi oo xafiiska Somaliya laga xukumo, Victoria ee dalka Sychelles, Hargeysa ee Somaliland iyo magaalada Dar Es Salam ee dalka Tanzania.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Hawl-galkan oo uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Somaliland ee Hawl-galka la-dagaalanka budhcad-badeeda ee Midowga Yurub ee EUCAP Nester, ayaa gunaanad u ahaa tabobar 8-dii bishan June u bilaabmay Ilaalada Xeebaha Somaliland oo ka socday duleedka Xeebta magaalada Berbera oo fadhiisin u ah Ciidamada Badda Somaliland, iyadoo hawl-galka lagu fulinayey doonyaha Dheereeya ee Qoryuhu ku rakiban yihiin oo Midowga Yurub ugu deeqay Somaliland, kaas oo hawl-galkani u ahaa tijaabadii u horreysay ee lagu sameeyo.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska EUCAP Nester Khamiistii, taageerada iyo tabobarrada la siiyo IXS, ayaa qayb ka ah kor-u-qaadista Agabka ay ku hawl-galaan iyo Ciidamada badda dalalka Geeska Afrika, waxaana ka qayb-qaadanayey Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la-dagaalanka Dambiyada iyo Mukhaadaraadka (UNODC) xafiiskooda magaalada Berbera.
“Waxa tabobarkan ka soo baxay inay si fiican u fahmeen qorshaynta iyo samaynta gurmadka deg-degga ah ee Badda iyo farsamooyinka ugu habboon ee baadi-doonka biyaha badda oo ay weheliyaan gargaarka deg-degga ah, taas oo fursad u siinaysa inay si firfircoon uga jawaabaan xaaladaha gurmadka biyaha Badda laga sameeyo. EUCAP Nester waxay ka geystay shidaalka doonyaha ee dabobarka lagu sameeyey, waxaanay ugu deeqday qalabka lagula dagaalamo dabka.
Ilaallada Xeebaha Somaliland waxay xilligan la tacaalayaan tirada sii kordhaysa ee qaxoontiga ka imanaya dalka Yemen oo sii kordhiyey baahida loo qabo barashada xirfadaha gurmadka deg-degga ah ee badda,” Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska EUCAP Nester ku leeyahay Somaliland.
Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay in wejiga labaad ee Hawl-galka Carbiska ah la samayn doono bisha September ee sannadkan, iyadoo gunaanadka wejiga labaad ee tabobarka lagu wareejin doono Illaalada Xeebaha Somaliland Markab ay ku hawl-galaan.
Hawl-galka carbis ee laga sameeyey duleedka Berbera, ayaa ku soo beegmay xuska maalinta Caalamiga ah ee Bad-mareennada oo Khamiistii laga xusay Somaliland, taas oo ay wada-jir u soo qaban-qaabiyeen Akedamiga Cilmiga Badda Berbera, Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo EUCAP Nester.
EUCAP Nester oo ka hawl-gasha dalalka Geeska Afrika iyo Galbeedka Badweynta Hindiya, fadhigooduna yahay magaalada Djibouti, ayaa xarumo ku leh magaalooyinka Nairobi oo xafiiska Somaliya laga xukumo, Victoria ee dalka Sychelles, Hargeysa ee Somaliland iyo magaalada Dar Es Salam ee dalka Tanzania.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Tartanka Xifdiga Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Ramadaan oo la soo gebagebeeyey iyo Ardayda ku guulaystay
Hargeysa, 27 June, 2015 (Himilo)- Xaflad ballaadhan oo shalay galab lagu qabtay masaajidka Cali-Mataan ee badhtaamaha magaalada Hargeysa, ayaa lagu soo gebo-gabeeyey tartankii xifdiga Qur'aanka Kariimka ee bisha Ramadan oo loo qabtay arday ka socotay gobollada Somaliland.
Tartankan xifdiga Qur’aanka kariimka oo sannad walba bisha barakaysan ee Ramadaan loo qabto arday ka kala socota dhamaan gobolada Somaliland, isla markaana maalgeliso Shirkadda Dahabshiil ayey ka qeybgaleen 64 arday oo wiilal ah, oo 30 Arday ku tartameen 30-ka Juz, halka 34 Arday ay ku tartameen 15-ka Juz.
Kaalinta 1-Aad iyo Kaalinta 2-Aad waxaa ku kala guulaystay Labo arday oo ka socday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Halka Kaalinta 3-Aad uu ku guulaystay arday ka socday caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Halka kaalinta 4-aad& 5-aad ay ku kala guulaysteen laba arday oo ka kala socday Laascaanood iyo Burco.
Ardayda 30-ka Juz
Kaalinta 1-aad: Maxamuud Axmed Caalin Oo Ka Socday Magaalada Burco ee G/Togdheer.
Kaalinta 2-aad: Naasir Faysal Faarax Oo Ka Socday Magaalada Burco ee G/Togdheer.
Kaalinta 3-aad: Xanafi Bashiir Maxamed Oo Ka Socday Magaalada Hargeysa Ee G/Maroodi-jeex
Kaalinta 4-aad: C/laahi Maxamed Cumar Oo Ka Socday Magaalada Laascaanood Ee G/Sool.
Kaalinta 5-aad: Xamse Cismaan Cabdilaahi Oo Ka Socday Magaalada Burco Ee G/Togdheer.
Ardayda 15-ka Juz
Kaalinta 1-aad: C/raxmaan Maxamuud Salaad Oo Ka Socday Magaalada Laascaanood Ee G/Sool.
Kaalinta 2-aad: C/laahi Axmed Sh.Shakuur Oo Ka Socday Magaalada Hargeysa Ee G/Maroodi-jeex
Kaalinta 3-aad: C/raxmaan Cabdilaahi Bashiir Oo Ka Socday Magaalada Boorama Ee G/Awdal.
Xidhitaankii Munaasibaddan tartanka Qur’aanka kariimka ee shalay la soo gebagebeeyey oo si weyn loosoo agaasimay ayey ka soo qeybgaleen culimo-udiin farabadan, Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Culimo-udiin, Iyo Wefti Culimo masaari ah.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillahi Axmed oo xidhitaankii xafladaa ka hadlay ayaa sheegay in tartan Qur’aanka Kariimka oo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo abaalmarino ku bixinayo la qaban doono 13 bishan maalinta salaasada lagu qaban doono masaajidka Cali-Mataan ee Hargeysa, taasoo kaalinta koowaad ardayga ku guulaysta abaalmarin u heli doono gaadhi, halka ardayda kaalmaha kale galena abaalmarino kala duwan la siin doono.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Kaalinta 1-Aad iyo Kaalinta 2-Aad waxaa ku kala guulaystay Labo arday oo ka socday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Halka Kaalinta 3-Aad uu ku guulaystay arday ka socday caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Halka kaalinta 4-aad& 5-aad ay ku kala guulaysteen laba arday oo ka kala socday Laascaanood iyo Burco.
Ardayda 30-ka Juz
Kaalinta 1-aad: Maxamuud Axmed Caalin Oo Ka Socday Magaalada Burco ee G/Togdheer.
Kaalinta 2-aad: Naasir Faysal Faarax Oo Ka Socday Magaalada Burco ee G/Togdheer.
Kaalinta 3-aad: Xanafi Bashiir Maxamed Oo Ka Socday Magaalada Hargeysa Ee G/Maroodi-jeex
Kaalinta 4-aad: C/laahi Maxamed Cumar Oo Ka Socday Magaalada Laascaanood Ee G/Sool.
Kaalinta 5-aad: Xamse Cismaan Cabdilaahi Oo Ka Socday Magaalada Burco Ee G/Togdheer.
Ardayda 15-ka Juz
Kaalinta 1-aad: C/raxmaan Maxamuud Salaad Oo Ka Socday Magaalada Laascaanood Ee G/Sool.
Kaalinta 2-aad: C/laahi Axmed Sh.Shakuur Oo Ka Socday Magaalada Hargeysa Ee G/Maroodi-jeex
Kaalinta 3-aad: C/raxmaan Cabdilaahi Bashiir Oo Ka Socday Magaalada Boorama Ee G/Awdal.
Xidhitaankii Munaasibaddan tartanka Qur’aanka kariimka ee shalay la soo gebagebeeyey oo si weyn loosoo agaasimay ayey ka soo qeybgaleen culimo-udiin farabadan, Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Culimo-udiin, Iyo Wefti Culimo masaari ah.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillahi Axmed oo xidhitaankii xafladaa ka hadlay ayaa sheegay in tartan Qur’aanka Kariimka oo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo abaalmarino ku bixinayo la qaban doono 13 bishan maalinta salaasada lagu qaban doono masaajidka Cali-Mataan ee Hargeysa, taasoo kaalinta koowaad ardayga ku guulaysta abaalmarin u heli doono gaadhi, halka ardayda kaalmaha kale galena abaalmarino kala duwan la siin doono.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Al-Shabaab oo Xasuuqday Askar badan oo ka tirsanaa AMISOM oo ay Weerareen
Leego, 27 June, 2015 (Himilo)- Saraakiil Ciidan iyo Goob-joogayaal, ayaa Saxaafadda u sheegay u sheeg in 70 Askarta Ciidammada Burundi ee ka tirsan kuwa Midawga Afrika ka socda ee AMISOM ah ay Al-Shabaab ku laysay weerar culus oo ay ku qaadday, isla markaana ku qabsatay Xero Ciidan oo ay AMISOM ku leeyihiin deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose ee dalka Soomaaliya.
Weerarka, ayaa Salaaddii subax ee shalay ku bilawday baabuur ku qarxay ganjeelka ama iridda xerada, kadibna waxaa bilowday dagaal culus oo dhexmaray maleeshiyada iyo ciidamada AMISOM.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Siidii ayaa VOA u sheegay in maleeshiyada al-Shabaab ay gowraceen dhowr iyo tobban dumar ah, isla markaana la la' yahay ciidamo Burundi ah iyo tiro badan oo Soomaali ah oo uu ku jiro guddoomiyaha degmada Leego, kuxigeenkiisa iyo wali wasiir ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Wakiilka Midowga Africa ee Somalia ayaa canbaareeyay weerarka, balse ma uusan sheegin tirada ciidamada AMISOM ee weerarka ku dhintay. Dowladda Somalia, iyo wakiilka QM ee Somalia ayaa labaduba canbaareeyey weerarka. al-Shabaab ayaa wacad ku martay inay kor u qaadi doonaan weerarada ka dhanka ah dowladda iyo ciidamada AMISOM inta lagu duda jiro bisha Ramadaan.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
Weerarka, ayaa Salaaddii subax ee shalay ku bilawday baabuur ku qarxay ganjeelka ama iridda xerada, kadibna waxaa bilowday dagaal culus oo dhexmaray maleeshiyada iyo ciidamada AMISOM.

Wakiilka Midowga Africa ee Somalia ayaa canbaareeyay weerarka, balse ma uusan sheegin tirada ciidamada AMISOM ee weerarka ku dhintay. Dowladda Somalia, iyo wakiilka QM ee Somalia ayaa labaduba canbaareeyey weerarka. al-Shabaab ayaa wacad ku martay inay kor u qaadi doonaan weerarada ka dhanka ah dowladda iyo ciidamada AMISOM inta lagu duda jiro bisha Ramadaan.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
Friday, June 26, 2015
Soonku Yuu ku waajibey?
Soonku wuxuu ku waajibey cidda Shuruudahan leh:-
1. Qof kasta oo Muslim ah.
2. Qaan gaadh ah.
3. Caqli fayow leh.
4. Aan bukin.
5. Aan Safar ku jirin.
6. Ka nadiif ah Dhiiga Caaddada & Dhalmada, tan oo Dumarka ku gaar ah.
Haddii ay tahay hooyo uur leh ama Nuujinaysa waxay ku xidhan tahay hadba sida ay u awoodo. Qofka waayeelka ahi wuxuu la xukun yahay dadka aan Caafimaadka qabin ee cudur daarka leh. Sidaa darteed Soonku kuma waajibo Qof aan Muslim ahayn, Qof aan qaangaadh ahayn, Qof waalan ama dhiman, Qof buka, Qof Socdaal ah, Gabadh leh dhiiga Caaddada ama Dhalmada. Qofka Gaalka ah Cibaadadu kama ansaxayso ilaa uu islaamo, Qofka Waalan iyo kan aan qaangaadhin, waxa si gaar ah u sheegay Xadiiska Nebiga NNKHA wuxuu yidhi: Qalinka waa laga kor qaaday Saddex: kan waalan ilaa uu miyirsado, kan hurda ilaa uu baraarugo, kan Sebiga ah ilaa uu qaan gaadho”. Markaa Saddexdaa wax Takliif (Xil Cibaado) ahi ma saarna, Qofka yar ee aan qaan gaadhin Soonka waa la amrayaa inuu soomo si uu ugu tababbarto hadhowna ay ugu fududaato, saxaabadu carruurtooda way soomin jireen sida ay sheegtay Gabadha Rubayac bintu Mucawada waxay tidhi:
"Rubayac Bint Mucawad waxay tidhi: Rasuulku Subaxii Cashuuraa, wuxuu Xaafadihii Ansaarta u soo diray in Qofkii waagu u beryey isagoo sooman, ha dhamaystirto, Qofkii isagoo afuran waagu u beryeyna ha af xidhnaado, intaa ka dib waanu soomi jirney (waxay u jeeda Maalinta cashuura oo ah tobanka Bisha Muxarram), Carruurta yaryarna waanu soomin jirney, waxaanu geyn jirney masaajidka, waxaanu u samayn jirney Cayaar ka samaysan Suuf (Cudbi), marka ay cunto u ooyaan ayaanu siin jirney si ay ugu mashquulaan ilaa afurka la gaadho.
Waad garan kartaa Qofka yare ee marka uu cunto u ooyo lagu jeedinayo cayaar yar oo suuf la duudubay ah inta uu leeg yahay, inagana waxa laga yaabaa in Qofkii yaraa oo awoodi kara inuu soomo aan lagu dhiirigelin inuu soomo, hadhowna uu caado ka dhigto inuu Soonka ka wareegaalaysto, carruurta in la soomiyo xil gaar ah ha la iska saaro.
Culimada qaarkood waxay uga qiyaas qaateen Salaada, waxay yidhaahdeen waa in toddoba jirka lagu soomiyo, hadduu Toban jir soo gaadho waa in si caadi ah uu u soomo, Sidii aan kor ku soo sheegnay waxa jira dad loo ogolaaday inay afuraan laakiin laga doonayo inay soo celiyaan oo qalle la yimaadaan, ama fidyo iyo cunto ay bixiyaaan.
Qofka weyn ee waayeelka ah, Qofka buka ee aan xanuunkiisa la rajaynayn inuu ka bogsado, labadaasi waxay bixinayaan cunto Maalin kasta oo Soon ah, waxayna dherginayaan hal miskiin.
Qofka xanuunsanaya ee xanuunka inuu ka bogsado la filayo iyo Qofka socdaalka ah labadaa waxa laga rabaa inay soo qaleeyaan wixii ka tegey.
Socdaalka ama safarku haddii uu iska fudud yahay, Qofku wuu soomi karaa haddii aan dhibi ka soo gaadheyn, ruqsadna wuu haystaa hadba kii maslaxadi ugu jirto ha Qaato. Qofka Dumarka ah ee dhiiga caaddada ama dhalmada leh iyadana waxa laga rabaa inay soo qalayso wixii Soon dhaafay, Waxa Nebiga NNKHA Xadiis aynu kor ku soo xusnay ku yidhi:- Qofka Dumarka ah ee uurka leh ama nuujinaysa iyaduna waxay haysataa ruqsad sida Xadiis ku yidhi: "Illaahay wuxuu ka dhaafay musaafirka Salaada badhkeed, iyo Soonka iyo Tan uurka leh iyo Tan nuujinaysa".
Gabadha uurka leh haddii ay xamili waydo Soonka ama ilmaheeda ay u cabsooto, maxay Soonka ka yeelaysaa? Cullimadu dhawr qawl ayey ka leeyihiin:
1. Way afuraysaa oo waxay la imanaysaa qalle iyo Cunto ay bixiso. ( Waxa qaba Mad’habaha Shaaficiya & Xambaliya)
2. Way afuraysaa oo waxay la imanaysaa qalle keliya ( Waxa qaba mad’habka Xanafiyada)
3. Way afuray oo waxay la iman cunto ay bixiso keliya ( Waa mad’habka C/laahi Ibnu Cabaas & Cabdulaahi Ibnu Cumar.)
4. Ta nuujinaysa waxa lagu leeyahay qalle iyo Cunto bixin, tan uurka leh waxa lagu leeyahay Qalle keliya. (Waxa qaba mad’habka Maalikiyada)
Qolo kastaaba waxay dalliishadeen Dalliilo ay ra’yigooda ku xoojinayaan laakiin qawlka ugu nabad gelyada badani waa inay Soon qalle ah la yimaadaan, maadaama ay cudur daar ku afureen.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

Subscribe to:
Posts (Atom)