
Wasiir Jangali oo ay wehliyaan laba Sarkaal oo ka tirsan Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya, ayaa si weyn ugu mahad-celiyay dedaalka ay Hay’adda ICAO ka geystay horumarinta Hawada dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan muddadii dheereyd ee ay colaaddu ka taagnayd Soomaaliya. Wuxuuna Warbixin koobin ka bixiyey xaaladda Duulista Hawada Somalia, isagoo xusay inay hawl-wadeenno ka tirsan hay’adda Duulista lagu dilay Muqdisho, qaar kalane ay daweyn ugu maqan-yihiin dalka dibaddiisa. Wuxuuna intaas ku daray in shaqaalaha hay’adda ay ku shaqeeyaan xaalad adag.
Wasiirka Gaadiidka Somaila ayaa ka codsaday hay’adda ICAO in ay dardar-galiso sidii hawada dalka Soomaaliya (Somali Airspace) dib loogu soo celin lahaa Soomaaliya, halka hadda laga maamulo dalka Kenya. Hawada Soomaaliya oo ku baahsan illaa iyo Badweynta Hindiya (Somali Flight Information Region – FIR), ayaa waxaa in ka badan 22 sannadood gacanta ku haysay Hay’adda CACAS (Civil Aviation Caretaker Authority for Somalia). Hay’adda CACAS, ayaa waxaay sannad kasta qaadi jirtay qayaastii $6-7 Milyan oo Doollar sannadkiiba (over-flight fees).
Bishii December ee sannadkii 2014, ayey ICOA u Saxeexday in dowladda Soomaaliya la wareegto Maamulka hawada Soomaaliya. Laakiin, duruufo la Xidhiidha Aqoonta hawl-wadeennada iyo Dhismaha Qalabka Hoggaaminta ayaa dib u dhac ku sameeyey soo wareejinta hawada Soomaaliya.
Madaxda sare ee Hay’adda ICAO waxay dhankooda muujiyeen inay diyaar u yihiin sidii dib loogu dhisi-lahaa Hay’adda duulista Soomaaliya, iyagoo xusay in ay diyaar u yihiin in ay Tabobbaraan Shaqaalaha Hay’adda si ay ula wareegaan Maamulka Hawada Soomaaliya.
Wasiir Cali Axmed (Jangeli), ayaa u caddeeyay Madaxda Hay’adda ICAO inaanan la Siyaasadayn Hawada Soomaaliya isagoo markaa ula jeeday hadalkaas Somaliland oo iyana sheegta in qayb ka tahay talada Maamulka hawada Soomaaliya oo aan la’aantood heshiisyo gaar ah oo ay ka maqan yihiin lala geli karin dawladda Federaalka Soomaaliya. Wasiir Jangali, ayaa ku celceliyey in dawladda Soomaaliya oo keliya ay Masuul ka tahay hawada dalka Soomaaliya, cid kalana aan lagala xidhiidhi karin.
Xubnaha dalalka Afrika u matala Hay’adda ICAO (African Group), ayaa sidoo kale la kulmay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, isla markaana waxay warbixin ka siiyeen Qorshe la rabo in lagu horumariyo Hawada Qaaradda Afrika. Waxaanay u xaqiijiyeen Wasiirka inay ku dedaali doonaan sidii dawladda Soomaaliya ay dib ugu hanan lahayd Maamulka Hawadeeda.
Wasiir Jangeli, ayaa Madaxda Hay’adda ICAO ku wargaliyey in Maxamed Khaliif Jaamac uu noqon doona shaqsiga ay dawladda Soomaaliya u magacowday inuu xidhiidhin doono ICAO iyo Waxaada Duulista Hawada Soomaaliya (The Focal Point to ICAO).
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment