Friday, June 19, 2015

“Waxaynu ubaahan nahay dawlad doonaysa doorasho oo dalka ku soo dabbaasha hannaankii dimuqraadiyadda ee ay..”

Dubai, 18 June, 2015 (Himilo)- Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbviga UCID, Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inaanay aqoonsanayn sharcinimada Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo haddii uu la hirgalin waayo heshiiskii lagu so oaf-jaray khilaafka wakhtiga doorashada ee dhexmaray Asxaabta iyo xukumadda kaas oo dhigayey in doorashooyhinka la qabto badhtamaha bisha December ee sannadka dambe.
sxbMusharax Jamaal oo hadal ka jeediyey munaasibad ballaadhan oo taageerayaasha Xisbiga UCID iyo jaaliyadda jaaliyadda Somaliland ee dalka Imaaraadku ugu qabteen magaalada Dubai, waxa uu sheegay inuu dalku u baahan yahay xukuumad hirgelisa isla markaana u hoggaansanaanta nidaamka dimuqraadiyadda ee Somaliland ka jira.
“Waxaad ogtihiin xukumadda wakhtiga loo kordhiyay, waxa loogu kordhiyayna aanu ahayn wax xaqiiq ah oo jira ayaa haddana lagu kari laayahay heshiiskii wakhtiga laguugu kordhiyay ee aynu galay saxeex, oo madaxweynuhu uu qaadan laayahay hoggaamin iyo inuu ku dhawaaqo xilliga doorashada. Waa ayaan-darro inaynu xilligaa marayno, waxaana 26 June ka hadhay wakhti aad u yar,” ayuu yidhi Musharax Jamaal.
“Anagu waxaanu ku baaqaynaa oo aanu sheegaynaa, in haddii inta aan la gaadhin 26 June Madaxweynuhu heshiiskii Xisbiyada qaranka u hogaansamin, waxaanu u qaadanaynaa in madaxweynaha iyo guurtidu hoosta iskaga daloolaan oo arrinkan isla ogyihiin. Tallaabo adag baanu ka qaadi oo waxay nagu kallifi inaanaan madaxweynaha aqoonsan marka la gaadho 26 June waana baaq aanu dirayno oo adag. Waxaynu ubaahan nahay dawlad doonaysa doorasho oo dalka ku soo dabaasha hanaankii dimuqraadiyadda ee ay inoo dhiseen dawladdihii ka horeeyay,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
“Runtii waxaa wax laga xumaado ah in Guurtidii ay ahayd inay Guurti inoo noqoto oo iyadu dadka kala badbaadiso, inaanay Guurtinimadii ku shaqaynayn oo wixii dadku ku heshiiyay ay carqaladaynayso,taasina waxaanu u arkaynaa in xukumaddu hoosta uga daloosho iyaduna ay afka ka xidhatay,” Sidaas ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment