Saturday, June 27, 2015

Weerarro ay ku Naf-waayeen Boqolaal qof oo Jimcihii shalay Gilgilay Afar Waddan oo ku yaalla Qaaradaha Afrika, Yurub iyo Eeshiya

Hargeysa, 27 June, 2015 (Himilo)- Tiro ku dhow boqol qof, ayaa ku geeriyooday weerarro siyaabo kala duwan loo fuliyey oo Jimcihii shalay ka dhacay waddamo ku yaalla qaaradaha Eeshiya, Afrika iyo Yurub.
GaraadWeerarrada oo lagu xidhiidhiyey kooxaha Xag-jirka ah, ayaa lala bartilmaameedsaday goobo lagu cibaadaysto, meherado ganacsi, Saldhigyo ciidan iyo goobo dalxiis oo ay ku sugnaayeen dad ajaanib ah, kuwaas oo ku kala yaala waddamada Soomaaliya, Tunisia, Kuweyt iyo Faransiiska.
Wargeyska Himilo oo soo xiganaya wakaaladaha wararka caalamka, waxa uu warbixin kooban ku soo ururiyey weerarrada shalay galaaftay nolosha dadka tiradoodu boqolka qof ka badan tahay, kuwaas oo muddo dhowr daqiiqo ahi u dhaxaysa xilliyada la fuliyey.
Soomaaliya
Ugu yaraan 30 Qof ayaa ku geeriyooday weerar ay kooxo hubaysan ku qaadeen saldhig Xoogagga nabad-ilaalinta ee AMISOM ku leeyihiin deegaanka Leego oo ku yaalla waddamada u dhaxaysa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, sida ay dad goob-joog ah u sheegeen wakaaladda wararka ee AP.
Gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxaya, ayaa lagu weeraray kedinka hore ee Saldhigga Milatari ee AMISON oo fadhiisin u ah Ciidamada dalka Burundi oo 20,000 oo askar kaga jiraan hawl-galka Xoogagga Hawl-galka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaliya.
Dadka ku dhintay weerarka ayaa isugu jira malleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, Askar ka tirsan AMISOM iyo Dad shacab ah. AMISOM oo ka hadashay weerarka, ayaa xaqiijiyey in maleeshiyaadka Al-Shabaab ka tirsan weerar ba’an ku qaadeen saldhiggooda, balse ma xaqiijin tirada Askarta kaga dhimatay. Sidoo kale, Al-Shabaab, ayaa shaaciyey inay la wareegtay gacan ku haynta saldhigga milatari AMISOM, balse ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijiyey, in kasta oo taliska AMISOM beeniyey warkaas.
Kuweyt
Weerar is-miidaamin ah oo Salaaddii Jimce ee shalay laga fuliyey Masaajid ay ku tukadaan Dadka Shiicadaha ee waddanka Kuweyt, ayaa sababta dhimashada 25 qof iyo dhaawacyada 202 qof oo kale, sida ay shaacisay wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kuweyt.
Weerarka oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee laga fuliyo gudaha dalka Kuweyt, ayaa ka dhacay masaajid lagu magacaabo Imam Saadiq oo ku yaallo deegaan dadku aad ugu badan yihiin oo ku yaalla Bariga magaalada Kuwait, waxaana masuulyadda weerarka sheegtay koox Xag-jir ah oo xidhiidh la leh Kooxda Daacish ee ka dagaalanta waddamada Suuriya iyo Ciraaq.
Sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas, tiro ku dhow 2000 oo qof, ayaa ku cibaadaysanayey Masaajidka xilliga uu qaraxu dhacay.
Raysal-wasaaraha Kuweyt Sheekh Jaber al-Mubarak al-Sabah, ayaa weerarka ku tilmaamay mid lagu wiiqasho midnimada shacabka Kuweyt, isagoo sheegay in dalkoodu ku filan yahay iska-caabbinta weerarrada lagu kala faquuqayo shacabka Muslimka.
Tunisia
Weerar ay fuliyeen Kooxo hubaysan, ayaa galaaftay nolosha 37 qof oo reer Galbeed u badan, halka 36 qof oo kale dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen, kaddib markii dabley hubka darran-dooriga ah ku hubaysan weerar ku qaadeen xeebta magaalada Sousse ee waddanka Tunisia.
Sida ay sheegay wasaaradda Caafimaadka Tunisia, dadka weerarka ku dhintay ayaa u kala dhashay waddamada Tunisia, Britain, Germany, Belgium iyo Ireland, waxaana cusbitaalka magaalada Sousse ku booqday dadka dhaawaca ah madaxweynaha Tunisia Beji Caid Essebsi.
Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska iyo Belgium, ayaa shacabkooda uga digay inay u safraan dalka Tunisia, iyadoo shirkadda diyaaraha ee dalka Belgium ay joojiyeen duulimaadyadii ay ku tagayeen magaalada caasimadda ah ee Tunis.
Ma jirto Cid sheegatay masuuliyadda weerarrada, balse waxa uu weerarkani ku soo beegmay iyada oo horaantii sannadkan weerar ay fuliyeen kooxo hubaysan lagu khaarajiyey 22 qof oo Ajaanib u badan. Waxaana weerarradan noocan ah lagu xidhiidhiyey kooxo xag-jir ah oo awood xooggan ku yeeshay gudaha dalkaas wixii ka dambeeyey markii talada dalka laga tuuray madaxweyne Zine Caabidiin bin Cali kacdoonkii dalkaas ka dhacay sannadkii 2011-kii.
Waddanka Tunisia oo leh Xeeb ballaadhan oo ku dhereran badda Mediterranean-ka, ayaa dhaqaale badan ka hela Dalxiiska dadka reer Galbeedka ah, iyadoo boqolkiiba 15 miisaniyadda dalkaasi ku xidhan tahay waaxda Dalxiiska.
Faransiiska
Darawal gaadhi oo ka shaqeeya Wershad soo saarta Gaasta wax lagu karsado, ayaa weerar ku qaaday xarunta guud ee wershadda oo ku taala duleedka magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.
Sida uu wakaaladaha wararka u sheegay xeer-ilaaliye ka tirsan dowladda Faransiiska, ninka weerarka fuliyey oo lagu magacaabo Yaasiin Saali, ayaa la sheegay inuu baabuurkiisa la beegsaday kediska hore ee wershada oo ay yaalleen Gaasta wax lagu kersado oo wershadda laga qaadayey, taas oo sababtay qarax weyn oo gil-gilay wershadda. Haseyeeshee, ninka weerarka fuliyey oo aanay waxba soo gaadhin, ayaa isla markiiba lagu qabtay goobta, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee magaalada Lyon.
Warku waxa uu intaas ku daray in goobta laga helay meydka Maamulihii wershadda, balse lama sheegin inuu ku dhintay weerarka iyo in la dilay, balse waxa wali socota baadhis lagu wado ninka loo qabtay falkan oo la sheegay inuu xidhiidh la leeyahay Kooxda Daacish.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment