Thursday, June 25, 2015

Madaxweyne Siilaanyo oo Marxuum Garaad ku tilmaamay Haldoor hoggaamintiisu tusaale u tahay Jiilka soo koraya.

 

Hargeysa, 25 June, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay shakhsiyaddii iyo doorkii uu dhismaha dalka ka soo qaatay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Axmed Garaad oo shalay ku geeriyooday laguna aasay magaalada Borama.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi u diray ehelkii qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamuud Axmed Barre Garaad oo muddo ka mid ahaa Xubno-sharafeedka ku jira Golaha Guurtida ka hor intii aanu ka mid noqon Golaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Sida lagu saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo lagu faafiyey dhambaalka tacsida ah ee madaxweynaha, waxa uu madaxweynuhu ku sifeeyey marxuumka inuu ka mid ahaa haldoorka siyaasiyinta dalka ee hoggaamintiisu tusaalaha fiican u tahay jiilashada soo koraya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa waayeelka, waxgaradka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid alle ha u naxariistee Marxuum Maxamud Axmed Barre Garaad oo saaka (24/06/2015) ku geeriyooday Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahankii iyo waxgaradkii kaalinta mugda leh ka soo qaatay dhismaha, iyo taabo gelinta qaranka Somaliland, waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii iyo haldoorkii, hogaamintiisu tusaale fiican ay u ahayd jiilasha soo kacaya.

Waxaanu ahaa Oday qaran oo ka baxay dalka iyo shacbiga Somalilandba, isaga oo muddo dheer ka mid ahaa xubin sharafeed gollaha guurtida ka tirsan, mudooyinkii u danbeeyeyna ka mid ahaa golaha wasiirada.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka lagu faafiyey dhambaalka tacsida ah ee madaxweynuhu kaga hadlay shakhsiyaadii Marxuum Maxamuud Axmed Barre Garaad oo muddo dhowr sanno ah ka tirsanaa Golaha Wasiirrada xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ka hor intii aanu xannuunku haleelin isaga oo haya xilka wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo madaxweynuhu markii dambe ka qaaday.

 

Himilo Media

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment