Tuesday, June 30, 2015

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo dhaliilay Tayada Wax-Qabad ee Ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka

Amar maanta dhaqan-galaya oo lagu soo rogay Gadiidleyda Waaweyn

Hargeysa, 30 June, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa amar fulintiisu maanta hirgalayso ka soo saaray gaadiidka waaweyn ee xagga hore iyo xagga dambe lagaga dhejiso Biraha (Turuska), kuwaas oo ay tilmaameen inay halis ku yihiin ammaanka waddo-marista.
Wasiir Wara-cadde iyo Taliyaha Booliska oo shalay ka qayb-galay Aas Qaran oo Xabaalaha Naasahablood ee magaalada Hargeysa loogu sameeyey Saddex Marxuum oo shil-baabuur ku geeriyooday Sabtidii kaddib markii gaadhi booyad ahi dul-martay Gaadhigii ay wateen xilli ay ku sii jeedeen magaalada Berbera, waxa ay labada masuulba uga digeen mulkiilayaasha iyo darawallada gaadiidka waaweyn inaan la arki karin isla markaana ay mabnuuc tahay gaadhi in dalka lagu arko gaadhi Turus ku xidhan yahay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa ku dooday inaanay waddooyinku gaar ahaan waddamada Berbera sabab u ahayn shilalka sababta khasaaraha nafeed iyo maalmba, balse waxa uu masuuliyadda shilalka dusha ka saaray darawallada gaadiidka oo uu masuul-darro ku eedeeyey.
“Runtii waddadaasu waa nimco ka mid ah nimcooyinka Alle ina siiyay waayo waa waddo si wanaagsan loo sameeyay , hase yeeshe waxaad moodda shilalkeedu in ay aad u badanyihiin immika, waxaana muuqata dadka waddada isticmaala gaar ahaan kuwa Booyadaha wata iyo kuwa wata Iskaragooyinku in ay yihiin dad qayrul masuul ah,” ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde, waxaanu intaas ku daray, “Arrintaas aan canaanteeda dusha ka saarayo ciidamada waddooyinka oo aan u arko iyaga laftoodu in ay aad u tamar daranyihiin, waxaanse jecelahay in aan halkan ka soo jeediyo, baabuurtaasu gar-darrada iyo fool-xumooyinka ay sameeyaan waxaa ka sii daran, xagga horena waxay ku xidheen bir wayn oo sidii cagaf cagaftii ay wax ku jiidhaan xagga danbena mid aan looga soo dhawaanin.”
Wasiirku waxa uu dadka gaadiidka leh iyo Ciidanka waddoonyinka faray in biraha Turuska laga furo Gaadiidka, isagoo ku adkeeyey in maanta oo Salaasa ah laga bilaabo la hirgeliyo amarkaas, waxaanu yidhi, “Marka maanta waxaan halkan ka farayaa ciidamada waddooyinka si deg deg ah wixii Berri (Maanta) laga bilaabo in ay labada dhinacba ka jaraan labada turusba oo aanu gaadhi turusyo leh marin wadooyinka dalka , amarkaa waxaan siinaya ciidamada nabadgalayda waddooyinka, Berrina Insha Allaah waa la bilaabaya, inta aan police-ku xarayna in uu nin waliba geerash geeyo oo uu labadaba ka jaro ayaanu amar ku bixinaynaa, ninkii lagu arko ee shaqeynayaa wixii berri ka bilawda baabuurka waa laga dhigi doonaa waxaana la saari doona ganaax culus.”
Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa farriin u diray gaadiidleyda, waxaanu yidhi, “Waxaan halkan farriin adag uga dirayaa gadiidlayda sida khilaafsan xeerka gadiidka u socota, waxaanan si gaar ah digniin ugu siidirayaa, Basaska ciyaal Iskuulka wada, Booyadaha iyo Iskarogooyinka,waxaana idiin sheegayaa qadarku waa halkiisa, laakiin cidii sharciga u hoggaansami wayday inuu ciidanku gacan wayn ku qaban doono, ciidanku maanta laga bilaabo shaqada bilaabi doonaan.”


Himilo Media
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment