“Bal 27-ka Julay Guddoomiyoow marka ay gaadho haddaan intaa xal heli wayno Siilaanyo wakaase car ha sii fadhiyo. Haddaanu intaas annaga nala heshiin oo wakhti aannu wada goosannay oo ku ducayna.. Car..” Guddoomiye Faysal Cali Waraabe
“Saleebaan-na (Guddoomiyaha Golaha Guurtidu) waa KULMIYE, ee KULMIYE ha isku noqdo oo ha soo dhammeeyo…………”Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
“Dhalliilahaa iyo rejo la’aantaa badan ee uu muujiyey Faysal anigu lama qabo. 26 June khayr baa dhacaya Insha ALLAAH, innagoo isku mid ah baynu dabbaal-degaynaa…” Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi
Hargeysa, 25 June, 2015 (Himilo)- Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Siyaasadeed ee Somaliland ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, ayaa dood adag ka yeeshay dhammaadka muddada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ee shantii sano ee la doortay oo ku buuxda 26-ka bishan June sannadkan aynu ku jirno ee 2015-ka, muddo-kordhinta Mucaaradku hore u qaaddacay ee sannadka iyo tobanka bilood dhan ee Guurtidu u samaysay Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo isku mar dhammaanaya.
Waxay sidoo kale Masuuliyiinta saddexda Xisbi ee Faysal Cali Waraabe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Muuse Biixi Cabdi, kaga hadleen dooddan oo uu u qabtay Telefeshinka Star, Heshiiska aan meel-marin weli ee ay labada Xisbi Mucaarad oo isku dhinac ah iyo Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE wada gaadheen 28-ka bishii hore ee May oo Guurtidu ku tilmaantay sharci-darro aan waxba ka jirin.
Heshiiska Mucaaradka iyo Muxaafidka Somaliland gaadheen dhammaadkii May markii ay Mucaaradku muddo-kordhinta Guurtida qaaddaceen, wadahadal laga yeeshay khilaafkaas, ka dib, waxa uu dhigayaa in muddo afar bilood ah doorashada ka soo hor-marinaya wakhtiga ay Guurtidu kordhiyeen, dhigayana in la qabto doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada badhtamaha bisha December ee sannadka 2016-ka, halka muddo-kordhinta Guurtiduna dhigayso in Dabayaaqada bisha afraad ee sannadka 2017-ka la qabto labadaas doorasho.
Inkasta oo dooddan saddexda Guddoomiye ee Xisbiyada KULMIYE, WADDANI iyo UCID dhex-martay oo aan weli la wada baahin, haddana hor-dhac uu Star TV sii-daayey, ayaannu nuxurka ku jira halkan idiinku soo koobaynaa, iyadoo dooddaasi ah mid xiiso iyo xamaasad badan oo siyaasadeed laga dareemayo ee ka bogosho wacan hor-dhaca dooddan.
Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi waxa uu eedda dib-u-dhacyada doorashada ee sababay khilaafyada muddo-kordhineed ee wakhtigan dalka ka taagan uu Masuul ka yahay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro, waxaanu Muuse oo ka hadlayaa yidh; “Eedda dib-u-dhaca doorashada koow waxa iska leh ciddii Sharci-dejinta innoo haysay oo uu koow ka yahay Cabdiraxmaan-Cirro oo inna hor-fadhiyaa.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu isaguna ku jawaabay sidan; “Xukuumaddu markay aragtay in doorashadu soo dhawdahay ayay Haan-biriigga u xidhay, carqalado badan bay bilawday, Xeerkii diiwaangelinta ee Komishanku sameeyey bay tuurtay…….Xukuumaddu malaha waxay ugu talo-gashay inay waddanka mugdi geliso.”
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu muujiyey dareen cabsi leh in dalku marayo, waxaanu yidhi; “Wallaahi baanay maanta maalin aynu ka liidannaa inaanay jirin, waanigaa ku dhaartee labaatan iyo saddex sano ayaan Somaliland ilaalinayoo maanta maalin aynu ka baqa badannahay inaanay jirin….. Bal cidda laga xoog-badan yahay ee dhegaha laga furaysanayaa ha soo baxdo.”
Waxa uu Guddoomiye Muuse Muuse Biixi kaga jawaabay dareenka cabsida leh ee Faysal Muujiyey, weedhahan; “Horta, Faysal waxaan leeyahay qaboow u sheeg, dhalliilahaa iyo rejo la’aantaa badan ee uu muujiyey Faysal anigu lama qabo. 26 June khayr baa dhacaya Insha ALLAAH, innagoo isku mid ah baynu dabbaal-degaynaa.”
Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu ku dooday in Guurtidu raacday keliya soo jeedintii Xisbiga KULMIYE markii ay Xisbiyada iyo Guddiga doorashooyinka la kulmeen ka hor muddo-kordhinta, waxaanu yidhi; “Guurtidu way noo yeedhay, waxaannu nidhi waxaannu annagu waafaqsannahay in wakhtigii Guddiga doorashooyinka aad sharciyeysaan, UCID sidaas oo kale ayuu ku yidhi, Komishanku sidaas buu ku yidhi, KULMIYE-na waxaad doontaan sameeya ayuu ku yidhi, markaa tii KULMIYE ayay raaceen Guurtidu.” Waxaanu Guddoomiye Cirro, intaas ku ladhay; “Saleebaan-na waa KULMIYE ee KULMIYE ha isku noqdoo ha soo dhammeeyo arrinta.”
“Maalintii uu Cabdiraxmaan naga cadhooday waxaannu isku haysannay waar arrintaa aynu Guurtida ka qaybgelinno intaynaan dibedda u soo saarin…..Hawlgalka ninka looga baahan yahay inuu Guurtida qanciyo waa adiga (Cabdiraxmaan-Cirro).” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa aad u hanjabay, waxaanu yidhi; “Bal 27-ka Julay Guddoomiyeyoow marka ay gaadho haddaan intaa xal helin Siilaanyo wakaase car ha sii fadhiyo. Haddaanu intaas annaga nala heshiin oo wakhti aannu wada goosannay oo heshiis aannu ku ducaynay la gaadhin, Car bal wakaase Siilaanyo hasii fadhiyo.” Faysal Cali Waraabe.
No comments:
Post a Comment