Sunday, June 21, 2015

Amar Lagu Bixiyey Xadhigga 15 Wasiir Oo Dambiyo Musu-maasuq Loo Haysto.

 

 

Baqdaad, 21 June, 2015 (Himilo)- Guddiga Ilaalinta Sharafta Qaranka ee dalka Ciraaq, ayaa Jimcihii dorraad ku dhawaaqay Liis ay ku qoran yihiin 1,668 Saraakiil Ciraaqiyiin ah oo ay ku jiraan 15 Xubnood oo Wasiirro hore u soo noqday iyo 122 saraakiil sar-sare oo dowladda ka tirsan, kuwaas oo loo haysto arrimo musuq-maasuq.

Sida ay qortay jariiradda Al-Araby Al-Jadid oo ka soo baxda waddanka Ciraaq, Guddoomiyaha Guddiga Ilaalinta Sharafta Qaranka ee Ciraaq, Xasan al-Yassiri oo shir-jaraa’id qabtay Jimcihii, ayaa shaaciyey in la soo xidho dhammaan saraakiishaas oo lagu eedeyey inay lunsadeen hanti Qaran.

“Tiradani waa sannadkan oo kaliya. Waxaanu ka rejaynayaa dowladda inay si deg-deg ah uga jawaabto waarannada xadhigga ee la soo saaray,” ayuu yidhi Mr Xasan, isagoo intaas ku daray inay guddi ahaan la xidhiidheen Booliska Caalamiga ah ee Interpol sidii loo soo qab-qaban lahaa shakhsiyaadka la eedeeyey ee waddamada dibadda ku sugan.

Guddoomiyaha Guddigani waxa uu intaas ku daray in la xidh-xidhay 373 qof oo ay ku jiraan saddex sarkaal oo xilal sar-sare ka soo qabtay dowladda Ciraaq. Waxa kale oo uu sheegay in hantida qaran ee Shakhsiyaadka la eedeeyey ku maqani dhan thay 889 Bilyan oo Diinaarka Ciraaq ah una dhiganta 770 Milyan oo Dollar.

Dhaqaaleyahan u dhashay dalka Ciraaq oo la hadlay jariiradda Al-Araby Al-Jadid Adnan Cabdul-Waxiid, ayaa yidhi, “Lacago kor u dhaafaya Kumanaan Milyan oo Dollar, ayay lunsadeen saraakiisha Ciraaq. Sababta wakhtigan keentay qalalaasaha dhaqaale ee dalka ka jira waxa ka dambeeyey xatooyo ay ku kacday dowladdii hore ee Ciraaq.”

 

 

 

Himilo Media

 

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment